WorldRemitAds

Dhacdo ka mid noqotay layaabka aduunka ayaa ka dhacday dalka Norway oo ka mid ah waddamada Iskaandaniifiyanka loogu yeedho ee waqooyiga qaarada Yurub ku yaala, halkaas oo tuug aad looga yaabay ay ku dhaceen boqor dhaqameedka ugu caansan afrikada galbeed, gaar ahaana dalka Ghana.

Sida warbaahinta dunidu hore u warisay, boqor dhaqameedkan reer Ghana ayaa dalka Norway lagaga xaday shandad ama boorso dahab ka buuxo taas oo lagu qiimeeyay ilaa toban milyan oo dollar lacag kor u dhaaftay.

Tuugo u dhalatay dalka Norway ayaa ku guulaystay in ay xadaan alaabooyin iyo macdano qaali ah oo u sitay boqorka Ghana Otumfuo Osei Tutu II, waxaanay tuugadani ninkaas boqorka ah xadeen wax yar uun ka dib markii uu soo gaadhay dalka Norway, halkaas oo ay ka taabteen boorso dahab badani ugu jiray.

SomlegalAds

Boqorka ayaa alaabtan laga xaday ee dahabka ahaa ku jirtay boors, waxaana tuugtaasi dhaceen isla maalintii uu gaadhay caasimadda dalkaas, gaar ahaana uu ku degay hudheelka Radisson Blu Plaza Hotel oo ku yaala magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway.

Haig Nustd oo ah taliye ku xigeenka ciidamada booliska Oslo ayaa shabakada wararka ee CNN u sheegay in ay waddaan baadhitaan la xidhiidha cidii tuugadaas layaab ka leh ku kacday, waxa kale oo uu masuulkani sheegay inay baadhayaan muuqaalada fidiyowgii laga duubay boqorka, durbana ay ka shakisan yihiin nin iyo gabadh loo malaynayo inay tuugadaas gaysteen oo ay xadeen boqorka.

Inkasta oo dalka Ghana yahay waddan dimuqraadi ah oo madaxweyne hogaamiyo haddana waxa ka jira, nidaam boqortooyo oo qabiilada iyo shucuubta dalkaasi ka saacidaystaan si adagna ugu xidhan yihiin, kaas oo dalkaas ka talinayay boqolaalkii sanadood ee u danbeeyay.

Boqor Osei Tutu II oo da’diisu tahay 62-jir ah, waxa uu hogaamiyaa boqortooyo dhaqameedka Alosantah oo wakhtigan ka mid ah waxyaabaha taariikhiga ah ee dalka Ghana, waxaanu boqorkani dalka Norway u yimi socdaal wacyi galin uu ku siinayo dadkiisa, oo uu ku waaninayo inay ka qayb galaan shirwaynaha Midowga Afrika ee Ganacsatada Norway oo loo yaqaano, [African Union Norwegian Business.]

Boqor Osei Tutu II, waxa uu degan yahay qasri wayn oo lagu magacaabo Manhia kaas oo ku yaala Kumasi waxaanu safaro ugu baxaa meelo badan oo ku yaala dunida, waa boqor lacag badan haysta oo had iyo jeer safra isaga oo sita shandado dahab ah.

In kastoo boqorkan laga dhacay dahab aad u badan oo tobanaan milyan oo dollar lagu qiyaasay, isla markaana uu ku nool yahay nolol aad u saraysa, waxa xusid mudan in boqolkiiba todobaatan ka mid ah dadka uu boqorka u yahay ay yihiin kuwa ugu saboolsan dunida uguna nolosha hooseeya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.