WorldRemitAds

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

Sida laga warqabo khilaafkii ka dhashay shirweynihii xisbul-xaakimka Kulmiye ku doortay musharraxiinta mansabyada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa uu sababay in masuuliyiin miisaan ku lahaa Golaha wasiiradda xukuumadda Kulmiye xilalkii ay haysteen ka tagaan ka dib markii ay qoonsadeen  nidaamka loo waddo qabsoomida shirweynahaasi.

Masuuliyiintan ka tirsanayd Golaha wasiiradda ee iska casilay xilalkaasi oo dhamaantood ka tirsanaa ama ka tirsan Gola dhexe ee xisbul xaakimka, ayaa is casilaadoodaasi waxa cadho ka muujiyay Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo masuuliyiinta ku hadhay kuraasta Golaha wasiiradana qaarkood is casilaadooda u arkeen afgembi lagu ridi gaadhay Xukuumadda. Ka dib is casilaadda, waxaa kuraastii ay banneeyeen wasiirada, wasiir ku xigeenadii, agaasimayaasha iyo afhayeenkii Madaxweynaha markiiba lagu buuxiyey xubno kale oo madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay Dikreetooyin isku xig-xigay muddo laba maalmood ah gudohood.

SomlegalAds

Haddaba, marka la eego taariikhda siyaasadeed ee masuuliyiinta iska casilay xukuumaddu ay ku lahaayeen xisbul xaakimka iyo doorkii ay ka soo qaateen  guushii xisbigaasi xilka dalka kagala wareegay xisbulxaakimkii UDUB, lana barbar dhigo taariikhda siyaasadeed ee masuuliyiinta lagu beddelay ayaa muwaadiniin badani og-tahay faraqa u dhexeeya, lana ogaa sidii masuulyiinta ka fadhiisatay  xilalka dalku lixdii sanadood ee ugu dambaysayba ay daacadda ugu ahaayeen dawladda iyo xisbigaba, halka nimanka haatan loo magacaabay xilakii ay banneeyeen badankoodu yihiin kuwii daacadda u ahaa xisbul xaakimkii UDUB, qaarkoodna  dagaalka siyaasadeed la galeen  dawladda ay haatan ku biireen. Ragga haatan xilalka loo magacaabay, badankooduna xilal hoose iyo kuwa sareba waxaa ay ka soo qabteen dawladii Udub. Waxaana sidoo kale, la tuhunsanyahay inay weli qaarkood aaminsanyihiin in dawladdii UDUB ka wanaagsanayd dawladda Kulmiye, marka la eego xagga nidaamka dawladnimadda, xilalka loo magacaabayna u haysta mid looga maarmi waayay  markii KULMIYE  laga waayey cid kale oo fahamsan maamulka dawladnimo. Fikirkaas oo taageerayaasha xisbigaasi dheg xumo ku ah.

Xubnahan Golaha wasiirrada dhawaanta ku biiray ee aan hore ugu jirin xisbiga iyo dawladiisaba ayaa sidoo kale dad badani u arkaan kuwa xal ku yimi, balse aan ahayn kuwa xul ah oo aan la qiimayn karin daacadnimadooda xisbiga Kulmiye iyo   dawladiisaba,  qaarkoodna xisbiga kula tartameen doorashooyinkii golaha deegaanka ee dalka ka dhacay oo ay ku guul darraysteen, ayaa sidoo kale dad badani aaminsanyihiin in masuulyiintii ka baxday golaha wasiirradu xisbiga iyo xukuumaddiisaba uga lexjeclo badanyihiin kuwa haatan fadhiistay kuraastii ay banneeyeen, waana wakhti hore oo aan la garan karin in ragga kuraasta ku fadhiistay xukuumadda ka qaboojin doonaan iyo in kale ciilka  ay badeen  wasiiradda ka tegey wakhtigii ugu adkaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.