WorldRemitAds

Paris, France, November 15, 2015 (Saxafi) – Kooxda Daacish ee ka dagaallama waddamada Suuriya iyo Ciraaq ayaa sheegatay masuuliyadda weerarro si xidhiidh ah loogu qaaday magaalada Paris ee dalka Faransiiska habeenimadi Jimcaha oo ay ku dhinteen inta l ogyahay 128 Qof, halka 200 kalena ku dhaawacmeen.

Weerarrada oo lala beegsaday goobo kala duwan oo isugu jira Tiyaatar lagu daawanayay bandhig koox Maraykan ahi muusik ku tumaysay, garoonka kubadda cagta ee Paris oo ay ka socotay ciyaar saaxiibtimo ay dhexmaray xulalka Faransiiska iyo Jarmalka iyo meelo kale oo dhawr ah.

Weerarka lagu qaaday garoonka kubadda Cagta ee Stade de France ayaa ahaa qarax ka dhacay maqaayad u dhaw garoonka, waxaanna Madaxweynaha Faransiiska oo ciyaarta daawanayey looga qaaday goobta si degdeg.

SomlegalAds

Weeraradan oo loo adeegsaday qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerarro toos ah oo koox hubaysani qaaday, ayaa goob tiyaatar ah oo kumanaan qof ku sugnaayeen lala galay rasaas si toos ah dadkii ku sugnaa loogu furay, waxaannu boolisku sheegay in ilaa 80 qof halkaasi lagu qabsaday, balse markii Ciidanka Faransiisku isku dayay inay soo furtaan dhammaantood la dilay.

Kooxda weerarka qaaday ayaa 4 ka mid ahi ku dhinteen Tiyaatarka Bataclan oo iyaguna ay ku dileen 80 qof, afar kale oo dablayda ka mid ahaa iyaguna lagu dilay meelo Paris ka tirsan, iyadoo 3 Hotel iyo xarun ganacsi (shopping centre) ay ka mid ahaayeen goobaha weerrarada lagu eekeeyey.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa kadib weerarradan hadal uu u jeediyey dalka ugu baaqay shacabku inay isdejiyaan, islamarkaana ciidamadu gacanta ku dhigaan ammaanka, isagoo ku dhawaaqay in dalku galay xaalad degdeg ah, khasaaraha ka dashay weerarkaasi awgii oo uu ku tilmaamay dagaal lagu soo qaaday waddankiisa.

Dhinaca kale, bayaan uu soo saaray ururka ISIS ayuu ku sheegtay masuuliyadda weerarradaasi lagu qaaday Paris, kuwaasoo uu ku sheegay in ay jawaab u yihiin kuwo ururrada lagu hayo ee ka socda dalka Siiriya.

Dalka Faransiiska ayaa galay xaalad degdeg ah iyo saddex cisho oo baroor diiq ah, iyadoo dadka lagula talinayo inay guryahooda joogaan, waxaana magaalada la dhigay ciidamo dheeraad ah oo baadhis laxaadleh ku hawlan.

Halkan daalaco warbixino dhammaystiran

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.