WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 10, 2016 (Saxafi)-Shirkii toddobaadlaha ahaa ee dawladda hoose ee Hargeysa maalin kasta oo sabtiya ku qabsato hoolkeedda, ayaa shalay waxa ka soo qaybgallay wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo ku bogaadiyey maayarka iyo guddida fulinta dawlada hoose qaabka ay shaqadoodda u qabsadaan.

Shirkan toddobaadla ah oo maalin kasta oo sabti ah ka qabsooma hoolka dawladda hoose ayaa lagaga hadlaa toddobaadkii hore wixii u qabsoomay iyo toddobaadka soo socda waxa u qorshaysan inay qabtaan taas oo la iskaga xog waraysto, iyadoo guddoomiye degmo kasta ka warbixiyo degmadiisa.

Shirkan oo arrimo badan lagaga hadlay, isla markaana dhawr saacadood ka socday dawladda hoose, ayaa ugu dambayntii waxa uu Maayarka Caasimaddu kaga dhowaaqay amro la xidhiidha sidii caasimadda looga yareyn lahaa cidhiidhiga gaar ahaan agagaarka suuqa dhexe, waxaana lagu amray gaadiidleyda in jidka kowaad ee badhtamaha magaaladda Hargeysa laga bilaabo Saldhiga dhexe illaa saldhiga New Hargeysa aan jidkaasi la dhigan Karin wax gaadiid ah, halka jidka labaad laga soo bilaabo Tiyaatarka ilaa dugsiga sheikh Baraawo la ogolayn in gaadiidka la dhigto jidkaasi.

SomlegalAds

Ugu horeyn, Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa sheegay in loo baahan yahay in cidhiidhiga suuqa dhexe laga qaado, isla markaana gaadiidka wadooyinka xidhay ee  gaadiidka la wada dhigto laga wada qaado, isla markaana agagaarka suuqa dhexe aan la ogolaan doonin in wax gaadiid ah la dhigto labadda jid ee dhexe.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Muddo toddobaad ah waxaan samaynayaa inaanu samayno Soonayaal aan gaadiidka la dhigan Karin, laga soo bilaabo saldhiga dhexe ilaa saldhiga New Hargeysa  oo ah wadadda kowaad, halka wadadda labaadna aaan la dhigan karin laga bilaabo Tiyaatarka illaa dugsiga  Sheekh Baraawe, wareegaas oo dhan laga dhigo goobo aan gaadiid istaagi Karin, wixii inagaga iman kara iyo sida hawshaasi u hirgali karo nin waliba qorshihiisa ha ku darsado oo toddobaadka dambe ha ka warbixiyo”

Dhinaca kale,Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo markii ugu horeysay ka qaybgalay shirkaasi toddobaadla ah ee dawladda hoose iskaga xog waraysato toddobaadkasta maalinta Sabtidda, ayaa guddida fulinta ee dawlada hoose iyo golaha deegaanka caasimadda ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan kor u qaadidda bilicda iyo qurxinta caaimadda Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo intii uu goobta joogay sida la isku xog waraysanayo sida loo shaqaynayo dhuganaya ayaa sheegay qaabka shirkan loo waddo iyo qaabka dawladda hoose ee Hargeysa u shaqaysa aanu sidan moodeen, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay ““maan moodeen in sabtiddu idin tahay maalin qiimo leh oo todobaadkii wixii dhacay iyo waxa toddobaadka dambe soo socda ka wada hadashaan, oo sabti kasta aad sidan uga soo qaybgashaan, marka hore waxaan doonaya inaan u mahad naqo maayarka, maayar ku xigeenka, xoghayaha iyo xildhibaanada golaha deegaanka Caasimadda, caasimadda Hargeysa way koraysa oo marba marka ka dambaysa way ifaysaa, wixiii wanaag ah eek u soo kordha idinka leh amaanteedda, marka waa in laga wada shaqeeyaa horumarinta caasimadda, aniguna wixii awoodayada ah waan idinla garab taaganahahy”

Si kastaba ha ahaatee, shirkan sabtiile ah ayaa ah mid toddobaad kasta lagaga doodo wixii qabsoomay, wixii aan qabsoomay iyo waxa loo baahan yahay in la qabto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.