WorldRemitAds

Laascaanood, Somaliland, July 10, 2016 (Saxafi)-Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaas oo muxaadirooyinka Diiniya ka jeedin doonaan magaaladda.

Guddida qabanqaabadda muxaadirooyinka Diiniya Sheekh Siciid Mustafe Xaaji Nuur ayaa sheegay inuu ka qaybgali doonno Sheekhu Muxaadarooyinka ka socda Magaalada oo soconaya muddo todoba maalmood ah.

Sidoo kale, Nadwooyinkan oo Habeenimadii xalay ka billowday Masaajidka Jaamaca ah ee Laascaanood, ayaa waxaa furay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo sheegay inay faa’iido badan u leh Bulshada, isagoo xusay in ay ka qayb-qaadan doonaan Culumo kala duwan iyo Mawduucyada ay u arkeen in bulshada ay wax-tar u leeyihiin.

SomlegalAds

Ugu dambeyntii, Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil, ayaa xalay hoolka Jaamacadda Nugaal kula hadlayey bulshada ku noo degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Sheikh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haarun ayaa mudadda uu Laascaanood joogi doonno ka galli doonna muxaadarooyin arrimaha diinta iyo nasteexaddaislaamak ka jeedin doono masaajidadka laascaanood.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.