WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 10, 2016 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aas qaran loo samayn doonno marxuum Garaad Abshir Saalax oo dhowaan lagu aasi doono degmada Widh widh ee gobolka Buuhoodle.

Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa sheegay in aanay jirin warar warbaahinta qaarkood qoreen oo sheegay in laga bedelay deegaankii markii hore lagu aasayey, waxaanu sheegay in warkaasi was yahay, isla markaana degmaddii aabihii iyo awoowgii ku aasan yihiin ee uu ku dardaarmay lagu aasi doonno.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in cidkasta oo danaynaysa ka qaybgalka Aaska Marxuumka Garaad Abshir Saalax meesha ay doonto ha joogtee ay iman karaan, isla markaana ay amniga sugi doonaan ciidamada kala duwan ee qaranka.

SomlegalAds

Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Cismaan Saxardiid Cadaani oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in aan la siyaasadayn aaska Marxuum Garaad Abshir Saalax, isla markaana lagu aasi doono degmadda Widh widh oo ay isla garteen qoyskoodda iyo xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Cadaani oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxa hore loo sii qorsheeyey in Garaad Abshir Saalax, lagu aaso deegaanku ku dhashay ee Widh widh ee gobolka Buuhoodle, ka dib markii aanu kala tashanay qoyskiisa, iyadoo guddida amniga iyo guddida qabanqaabadda Aaska hore loo sii diyaariyey,waxa ka soo qaybgali kara aaskaasi qof kasta oo Somaliland ah muxaafad iyo mucaarad, dawladda Somaliland oo ka masuul ah sugidda amaanka waxay ku baaqayaan in cid kasta oo reerka garaadku ka dhashay ka qaybgali karaan aaska Garaadka xataa raga sheeganaya khaatumo, waxa ka reeeban cid hubaysan oo aan ahayn ciidamadda qalabka sida,kuwaas oo ka masuul ah sugidda amaanka, waxaan ka digayna in koox hubaysan iyo cid hubaysan aan lala iman Karin, waxa kale oo jirta in warbaainta qaarkood qortay in degmadda Widh widh oo Garaadka lagu aasi lahaa sababo jirta awgeed laga bedelay, arrintaasi waxba kama jiraan waana arrin siyaasadeed oo la doonayo in la iskaga hor keeno beesha guuleed Garaad ee uu marxuumku ka soo jeeddo iyo Somaliland, oo ahaa dad walaalo ah, hadaba waxa diinteena iyo dhaqankeena ka reeban in Maydka dushiisa la isku qabsado oo la isku khilaafo waxaana waajib ku ah in uu qof kasta oo muslim ah uu maydka  siiyo ixtiraam uu ka mudan yahay lagana ilaaliyo wixii muran keenaya, maadaama oo la isla qaatay qoyskiisa iyo xukuumaduba goobtii lagu aasi lahaa, waxaana Hargeysa ku sugan curadkii uu marxuumku dhalay Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax oo aanu uga dambaynaynay hawshan iyo odayaal kale oo badan oo aan kula shiray xafiiskayga, iyagoo ay nala weheliyaan wasiirka Biyaha, wasiirka Caafimaadka, Xildhibaan Cali Koore, iyo wasiirka Arrimaha gudaha oo aanu isla qaadanay qabanqaabada hawshaasi iyo wixii taban taabyo ah oo ay ka gaysanayaan aaska garaad Abshir Saalax iyo wax kasta oo amni ah oo gudaha Somailand ka jira waxa u xil saaran qaranka uu madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaana arrintaasi isla qaadanay hadii uu Cali khaliif iyo Khaatumo yahay aan lagu wada hadal ee sidii marxuumkaasi loo aasi lahaa falowgeedda la gallo, marka waxaanu sheegaya Somaliand iyo abtiyaaladay dhul bahante weyne in aan la dhagaysan wararka beenta ah ee la iskaga hor keenayo beeshaasi iyo Somaliland”

Wasiirka Biyaha iyo khayraadka ayaa isna sheegay in cid kasta oo dhul bahante meesha uu doonno ha joogee hadii uu Muqdisho jooga iyo hadii uu Itoobiya joogaba wuu imanaya cid wax la odhanayaan ma jiraan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.