Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Ka Hadlay Mashaariicda Biyo-Ballaadhinta Caasimadda Somaliland

0
76
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali (Daarood)
PropellerAds

Hargeysa, Somaliland, June 4, 2018 (Saxafi) – Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Md. Maxamed Cali (Daarood), ayaa ka hadlay hawlaha la xidhiidha mashaariicda biyo-ballaadhinta caasimadda Somaliland oo qaybo badan oo ka mid ah aanay helin wax biyo ah.

Maareeyaha oo hortegay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland shalay, waxa uu ka warbixiyey mashruuca biyo-gelinta iyo biyo-ballaadhinta ee caasimadda Hargeysa, isagoo sheegay in lagu jiro dedaal xooggan oo biyo ku filan loogu raadinayo bulshada reer Hargeysa.

 “Biyaha aynu caasimadda Hargeysa u soo saara waxay 9,000 Mitiri Kiyuubik maalintii oo u dhiganta ilaa 45 kun oo foosto, waxaannu ku hawlanahay inay dhawaan gaadho ilaa 20,000Mitiri Kuuyubig (Labaatan Kun), marka mida ugu wayn waxaynu yeelanaynaa qaab dhismeedkii Biyaha oo casri ah mida inoo taalaana waxay noqonaysa ballaadhintii Biyaha hadhowtoole, Biyahana meesha biyo fiican ayaa ku jira oo Geed-Deeble iyo Aagiisaba Biyo wanaagsan ayaa ku jira, marka qorshuhu waa in la sii ballaadhiyo uun imika oo beebabka lagu soo xidhi Ceelasha, taasina waa ta ugu yar, laakiin barnaamijkii dhammaystirnaa ee lahaa nidaamkii biyo soo saarka oo dhan loo sameeyo iyo Beebabkii magaalada guddaheeda, waxaana magaalada dibaddeeda had aka socda Beebabkii Biyaha soo qaadayey ay dhammaystirkoodu gebogebo ku dhawdahay oo 600Mirir ilaa 700mitir wax u dhexe ayaa maqan maanta, halka kaydkii iyo meeshii Biyaha laga maamulayey dhammaantood gebogeboobeen 27 ayey ahaayeen oo mid kaliya ayaa maanta ka hadhsan oo isagana la bilaabayaa sababihii waawayna goobihii beebabka laga Kaantaroolaayey,” ayuu yidhi Maareeyuhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Cidda mashruucan gacanta ku haysa ee maamusha waa hay’adda UN-Habitate, kolka UN-Habitate cida ay u xilsaaratay hubinta tayada mashruucu, waa shirkad Jarmal ah, cidda qandaraaska haysata waa shirkad Itoobiyaan ah oo heshiis iskaashi kula sii jirta shirkad kale oo Faransiiska laga leeyahay, wixii ka soo hadhay waxa haysta oo qayb ka ah dhismayaasha aan idiin sheegayey, marka waad qiyaasi kartaan Hargeysa guddaheeda yacnihii Hargeysa oo dhan oo la dhigayo beebab kuwii waa wayna kuwii yar yaraa oo Berkado cusub la qodaayo wakhtiga ay qaadan karto inaga oo garan kara arimaha dhulkuna Kaabadii yar ee la dumiyaaba sida ay xaasaasiga u tahay ama dayrkii yar ee la jiidhaaba aynu aad uga dheregsanahay hawlihiisa, marka mashruuca Biyo gelinta iyo Biyo balaadhinta ee Hargeysa waa saddex sanno mid socon doona,  waxaannu aad ugu rajo waynahay in uu noqon doono mid si wayn u taabogala mashruucani Insha Allaah.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Shaadh oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland oo su’aal ka waydiiyey Mareeyaha Wakaaladda Hargeysa sababta lacagta Biyaha ee ay bulshada Hargeysa ku kordhiyeen? waxa uu Maareeye Daarood ku jawaabay “Sannadihii u dambeeyey Qiimaha shilinkeena lacagta Somaliland marka la bar bar dhigaayo lacagta doolarka si aad ayuu hoos ugu dhacay, waxa ta weheliyey oo barbar socday Qiimihii shidaalka oo isaguna Kor u socday oo dhawr sanno ka hor waxa laga yaaba Foostada shidaalka ahi inay ahayd $92 dollar, maantana $140 doollar ayey cagta saartay marka maxaanu ku kordhinay Foostada Biyaha ahayd anagu? Waxaannu ku kordhinay Kun shilin oo Foostadii Biyaha ahayd oo halkii ay Kun iyo Sagaal Boqol oo shilin ka ahayd ayaanu Laba Kun iyo Sagaal Boqol oo shilin ka dhignay foostadii Biyaha ahayd.”

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo ka mida guddida joogtadda ee Guurtida Somaliland ayaa isaguna Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa waydiiyey sababta ay wax uga qaban waayeen hudheelada cuntada iyo Hurdada iskugu jira ee faras magaalaha Caasimadda ku yaala ee culayska ku haya biyihii xaafadduhu heli jireen oo kaligooda Kaydsada biyahaasi yare e caasimadda yimaada? Waxaanu ku jawaabay Maareeye Maxamed Cali Daarood oo uu yidhi; “Waa xaqiiq oo way jirta hudheellada iyo meheraddaha waa wayn ee Hargeysa culays wayn ayey bulshada ku hayaan oo kaligood ayaa biyihii isku filaysiiyey, dhibaatadu waxay ka jirta marka ay Wakaaladdu shaqada wanaajiso oo nin ganacsade ah oo walaalkeen ah ay tallaabo ka qaado dee waa in aad na la shaqaysaan dabcan, mushkiladaha ugu waawayni marka aanu sharciga ku shaqayno 5 xildhibaan ayaa ku imanaaya oo madaxa ku goynaaya waa in aad idinka oo ah Xildhibaanadii qaranka na la shaqaysaan si aanu u xaqiijino in bulshada Caasimaddu Biyo ku filan u helaan.”

Waxa kaloo uu Maareeyuhu ka hadlay in qorshuhu yahay in biyaha la gaadhsiiyo qaybaha kala duwan ee degmooyinka caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi; “Beeb cusub in la soo dhigo, waayo kan hore uu daalay dayactirkiisa kharashka ku baxa oo keliyaata ayaaba hawl ah, magaaladana lagu keenayo Keydkii Biyaha ee hore, qeybta waa qeyb marka halkaas la soo gaadhsiiyo biyaha biyaha magaalada Hargeysa loogu qeybinayo. Haddii aynu iminka biyo dheeraad ah magaalada keeno oo aynu ku soo shubno Kaydkii hore biyaha, inta badi cabbi doontaa intii markii horeba dee wax cabaysay, magaalada qeybihii bilaa biyaha ahaana ma gaadhayaan biyihii.

Markaa qeybtii magaalada gudaheedana waa dawladda Jarmalka oo aannu rajaynayno waa mashruuc in badan boqolkiiba sagaashan (90%) magaalada Hargeysa inuu gaadhsiiyo isku xidhka beebabka biyah (network pipes) ama dhuumihii biyaha qaadayey, isla mar ahaantaana degmooyinka magaalada uu ka dhiso berkad cusub, halka marka hore lagu soo qeybin jiray Keydkii hore ee Shiinuhu, iminka keydkeenii hore gebigiisuba waxa uu ahaa afar kun (4,000m3) mitir saddex-jibbaaran. Mashruucan biyo-qeybinta waxa ku jira afar keyd oo siddeed kun (8,000m3) mitir saddex-jibaaran, mid laga dhisayo keydkii hore ee biyaha, Axmed-dhagax, mid laga dhisayo Maxamuud-haybe halka Manhal Hospital, mid laga dhisayo Gacan-libaax halka buurta Sheekh Madar ama buurta Geerash Aw Cali dushiisa. Waxa intaa kabaya afar yar-yar marka loo eegayo kuwaas, oo ay dhisayaan shirkadda SBI ee ay maalgelisay CocaCola Foundation African.”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.