WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, June, 04, 2018 (Saxafi) – Dawladda Itoobiya ayaa markii ugu horreeysay shaacisay qorshe ay ku dhiseyso ciidamadeedda Badda, ka dib markii dalkaa uu dhammeystirey dhismaha ciidammada dhulka iyo cirka.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa waxaa sheegay in dalkiisuu uu ka mid yahay dalalka Afrika ee ay xoogganyihiin ciidammada cirka iyo dhulku, isagoo la hadlaya madaxa ciidammada difaaca qaranka ee Itoobiya, wuxuu xaqiijiyay in la joogo xilligii la qorsheyn-lahaa ciidammada Badda oo ay Itoobiya yeellato mustaqbalka. “Dedaalladii aan ku dhisnay awoodda difaaca qaranka, waxaan dhisnay mid ka mid ah ciidanka ugu xooggan dhulka iyo cirka ee Afrika.. waa inaan dhisnaa ciidamadeenna Badda mustaqbalka.”ayuu yidhi ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

SomlegalAds

Dalka Itoobiya oo ku yaalla bariga Afrika wuxuu ka mid yahay dalalka caalamka ee aan lahayn badda, laakiin taas kama reebin inay helaan dad aqoon u leh cilmiga Badda oo harada Tana waxaa ku yaalla machad lagu barto cilmiga badaha, wuxuuna sannadkiiba soo saaraa illaa 500 oo qof, kuwaas oo isugu jira Engineero, farsama-yaqaanno iyo saraakiil, laakiin xukuumadda Addis Ababa waxay u aragtaa tirada inaanay ku filneyn waxaa hadda la qorsheynayaa in la gaadhsiiyo 1,000 qof.

Ra’iisul wasaaraha muddada kooban xilka haya ee Abiy ayaa bishii May la gaadhay dowladda Sudan heshiis lugu hour marinayo dekedda Port Sudan ee Badda cas,waxaa kale oo uu dowladda yar ee Jabuuti kula heshiiyay inay is weydaarsaddaan dekedaha, duulimaadyada iyo isgaadhsiinta. Balse halka ugu ballaadhan ee adeegyada dekeddaha ay ka hesho Itoobiya waa Berbera iyo Jabuuti – labada dekedood ayaana maceeshadda Badda ee u soo marta ay kala soo deggaan.

Gabagabadii, dowladda Itoobiya waxaa ay qeyb ka tahay heshiis saddex geesood ah oo lugu qeybsaday saamiga dekedda magaalada Berbera ee Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.