WorldRemitAds

In kasta oo dalka Hindiya laga neceb yahay hablaha, aadna ay ugu xumaadaan qoys kasta oo gabadhi u dhalato, sababtoo ah? Dhaqanka dalkaas ka jira iyo hab nololeedka ay shacabkiisu u dhaqan yihiin, ayaa ugu wacan in laga cararo ama la necbaysto hablaha.

Hasa yeeshee magaalo ku taala dalkaas ayaa dadka ku dhaqani badaleen dhaqankaas, waxaanay halka dalkaa intiisa badan laga naxo dhalashada gabdhaha u badaleen soo dhawayn si wayn looga xuso magaaladooda, ilaa heer loo beero boqol iyo 11 geed, ilme kasta oo gabadh ah oo ku dhalata magaaladaas.

Magaaladan oo lagu magacaabo Piplantri, kuna taala gobolka Rajasthan, ee koonfurta Hindiya, waxa mar kasta oo gabadh yari ku dhalato laga beeraa 111 geed oo waliba isku jira dhirta la manaafacaadsado, hadh ahaan iyo midho ahaan intaba.

SomlegalAds

Sanadkii 2006-dii ayaa shacabka ku dhaqan magaaladani ay bilaabeen inay hablaha ku dhasha ugu dabaal degaan, dhir beeris, waxaanay muddadaa sagaalka sanadood ah ku guulaysteen in ay beeraan, 250-kun oo geed, kuwaas oo isugu jira, Cambe, Qumbe iyo dhir kale oo degaankaas si fiican uga bixi karta.

Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, nidaamkan ayaa hab dhaqan ka noqday, degaankaas, waxaanay ugu danbayntii isku rogtay hab dhaqameed waliba ay ka saacidaystaan dadka ku dhaqan degaankaasi.

Markii ugu horaysay ee qorshahan dadka ku dhaqan magaaladani ay qaateen ayaa sida la sheegay, figradan uu u soo jeediyay, nin ka talin jiray magaaladaas, kaas oo lagu magaccaabi jiray, Shyam Sundar Balewal, kaas oo aad uga xumaaday gabadh yar oo uu dhalay oo uu aad u jeclaa uguna magac daray Kiran, taas oo dhimatay iyadoo aan kobcin.

Markii ay dadka ku dhaqan magaaladani arkeen sida tacabka iyo iskaashiga ay sameeyeen, uu midho dhalka u noqday, ayay bilaabeen in ay sanduuq lagu maal galiyo hablaha iyo mustaqbalkooda ay samaystaan, kaas oo qoys kasta oo gabadhi ka dhalato, laga qaaday, qaadhaan fudud, ka dibna lacagtaas.

Si loo ilaaliyo dhirta loo beerayo hablaha ku dhasha magaaladan ayaa waxa ay dadka ku dhaqan degaankaasi isku wacyi galiyaan in dhirta loo koriyo sida hablaha loo korinayo si gabdho wanaagsan iyo dhir fiican magaaladoodu u soo saarto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.