WorldRemitAds

Boqorka dalka Swaziland Mswati III, ayaa soo saaray sharci cusub oo looga dan leeyahay, sidii loo yarayn lahaa dhibaatada cudurka AIDS-ku ku hayo dadka ku dhaqan dalkiisa, ka dib markii waddankaas aadka u yari noqday, ka tirada ugu badan muwaadiniintiisa cudurkaasi haleelay.

Dalka Swaziland oo tirada dadka ku nool lagu qiyaaso hal milyan oo qof, waxa cudurka AIDS-ka, qabo 270-kun oo qof, waxaanay taasi ka dhigaysaa, in boqolkiiba todoba iyo labaatan ka mid ah muwaadiniintisu qabaan cudurka AIDS.

Boqorka dalkaas Mswati-ga sadexaad isaga oo dareemaya sida dabar go’a ay ugu dhow yihiin dadka dalkiisu, waxa uu sharci cusub ka soo saaray sidii looga gaashaanman lahaa, waxaana ugu wayn sharcigan, abaal marin la siinayo gabadh kasta oo ka fogaata fawaaxishka.

SomlegalAds

Sida sharcigu dhigayo, waxa gabadh kasta oo adkaysata gabadhnimadeeda kana fogaata sinada iyo xumaanta, bil kasta la siin doono mushahar ilaa inta ay dhawr sanaanta ku jirto.

Boqorka dalka Swaziland ayaa isagu hore u sheegay in la dagaalanka Cudurka AIDS uu isagu bilaabay wakhti hore, waxaana boqorkaas oo shan iyo toban xaas leh, uu guurka tirada badan ee haweenka u arkaa, xal lagaga gaashaaman karo aafada cudurka AIDS-ka.

Sida warbixintii ugu danbaysay ee laga sameeyay cudurka AIDS-ka iyo sida uu u aafeeyay dunidu tilmaamayso, 42-ka waddan ee dadka ugu tirada badan uu xanuunkaasi ka haleelay, muwaadiniintooda ayaa dalka Swaziland ugu horeeya, kaas oo marka liiska waddamada ay ku wada jiraan loo eego, ka noqonaya ka ugu dadka yar, haddana ugu tirada badan dadka xanuunkaasi hayo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.