WorldRemitAds

Wasiirka arrimaha dibada dalka Maraykanka John Kerry ayaa dunida kaga yaabiyay, socdaal uu ku booqanayay bariga dhexe gaar ahaan, magaalada Qahira ee caasimadda dalka Masar, ka dib markii isagoo sidii qof shicib ah oo kale laalaadsanaya bac uu ka dhoofay dalka Maraykanka.

Sida wakaalada wararka Reuters ku warantay, xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka, John Kerry ayaa ka duulay saldhiga ciidamada cirka Maraykanka ee ‘Andrews’ oo ku yaala gobolka Maryland, isaga oo ku sii jeeda, magaalada Qaahira oo uu kaga qayb galayay shirka qaadhanka loogu ururinayo dib u dhiska gacanka Qaza.

Laakiin waxa dadka dublamaasiyada ka faalooda dhexdooda dood ka abuurtay, bac cad oo kuwa balastiga ka samaysan ah, oo uu John Kerry u qaatay safarkiisan, taas oo uu ku badalay shandadihii caadiyan lagu yaqaanay wasiiradu inay safarkooda u qaataan.

SomlegalAds

Kerry ayaa wakaalada Reuters duubtay ama sawiro ka qaaday isagoo gacanta midig ku sita bac cad, oo ah kuwa alaabooyinka macaamiishu ka iibsato ugu rido, dukaanka Safeway oo dalka Maraykanka laga sameeyay sanadkii 1915-kii, kana mid ah kuwa ugu da’da wayn Maraykanka.

In kasta oo aan la garan ilaa wali waxa uu Kerry ku sitay ama ugu jiray bacda uu faro laabka ka dhigtay safarkiisa, hadana waxa ay noqotay mid muran badan ka dhex abuurtay dadka dublamaasiyada ka faalooda, sidoo kalana aad loogu naaqishay shabakadaha xidhiidhka bulshada ee dunida.

Sida ka muuqata sawirada laga qaaday, John Kerry ayaa aad u lex jeclaynayay, bacda iyo waxa ku guda jira, ee muranka iyo dooda ka dheliyay dunida, waxaana dadkii faaqidayay dhacdadani ay su’aalo tiro badan iska waydiinayeen, sababta Kerry ugu dhegan yahay bacdan? Waxa ku jira? Sababta uu ilaaladiisa iyo gacan yarayaashiisa ugu dhiibi waayay?

Waxa kale oo jiray jawaabo qaarkood qosol noqdeen, kuwo kalana si kale u cabirayay oo dadkii aragtidooda ka dhiibtay iyo kuwii ka dooday, soo bandhigeen, sida in bacda uu John Kerry ku sito, Ban siyaasadeed hor leh oo lagu qarxinayo bariga dhexe mar kale.

Waxa kale oo jiray dad ku doodayay inuu ku sido xooga qaadhaan ah oo dawlada Maraykanku ku darsanayso dib u dhiska Qaza, taas oo kaash ahaan uu odaygu ku soo qaaday, cidna u aamini waayay.

Dadka qaar ayaa reer Miyinimo ku tilmaamay, laakiin dadka dublamaasiyada ka faalooda ayaa iyagu wax ku cusub hab dhaqanka dublamaasiyada ku tilmaamay qaab dhaqanka uu John Kerry uga safray dalkiisa iyo bacda uu sito.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.