WorldRemitAds

Haweenay Maayer ka ah magaalada Clay ee galbeedka gobolka Virginia ku taala, ayaa xilkeedi ku wayday, erayo lagu cunsuriyadaynayo xaaska Madaxweynaha Maraykanka ee Michelle Obama, oo bogeeda Facebook ay ku faafisay.

Maayerka Clay Beverly Whaling oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa Share- garaysay, halku dhegyo cunsuriyad ah oo lagu weerarayo xaaska Obama, kuwaas oo ay soo dhigay bogeeda haweenayda xidhiidhka bulshada u qaabilsan dawlada hoose ee Clay.

3a5fd13a00000578-3935342-image-a-9_1479150240575Halku dhega laga raacay maayerka Clay ayaa u dhignaa sidan, “Waxa aqalka cad iman doonta Marwo qurux badan oo qalanjo ah, taas oo badali doonta Daanyeeradii Lugaha aadamiga xidhnayd ee Michelle Obama.

SomlegalAds

3a60087a00000578-3935342-image-a-13_1479152257158Haweenaydan Maayerka ka ahaan jirtay Clay ayaa erayadaa cunsuriyada ah ee lagu aflagaadaynayo  Michelle Obama sii faafisay, iyadoo aan si fiican uga fiirsan dhibaatada uga iman karta iyo waxa ay ka mudan karto.

Hasa yeeshee markii ay warbaahintu qaada dhigtay ee ay faafisay la fool xumaaday, waxaanay dantu ku khasabtay inay xilkii ugu sareeyay magaaladeeda ee ay haysay ay degdeg isga casisho.

Aflagaadada iyo cunsuriyada lagu hayo qoomiyadaha aan Cadaanka ahayn ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa gaadhay heerkii ugu sareeyay, tan iyo wixii ka danbeeyay guushii Donald Trump.

3a5ffdd800000578-3935342-image-a-16_1479152314714Marwada Koowaad ee dalka Maraykanka Michelle Obama ayaa marar kala duwan ka warantay, heerka cunsuriyada ama midab takoorku ka gaadhay dalka Maraykanka, taas oo sida ay tilmaantay aanay jirin meel lagaga baxsado iyo heer la gaadho oo ay kaga hadhi karto qofka.

3a6bc3d000000578-3940180-image-m-41_1479258622137Cunsuriyada iyo midab takoorka lagu weerarayo dadka Madow, Muslimiinta iyo bulshooyinka kale ee aan caadanka ahayn, ayaa si wayn ugu soo badanaya dalka Maraykanka, kuwaas oo si wayn kor ugu kacay tan iyo wixii ka danbeeyay markii Donald Trump ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada ee dalkaas.

Weerarada Cunsuriyada ee Dalka Maraykanka ayaa gaadhay halkii ugu saraysay, muddo rubuc qarni ku dhow, waxaanu midab takoorka kooxaha cadaanku aad u korodhay intii uu ololaha ku jiray Musharax Donald Trump iyo markii uu ku guulaystay labada, sida lagu sheegay warbixino kala duwan oo ay soo saareen, kooxaha wada jirka iyo midnimada bulshada Maraykanka u ololeeya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.