WorldRemitAds

Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay, Sharci ciqaab adag iyo ganaax lacageed oo culus dusha u saaraya, cid kasta oo dhiiri galisa dhuubnida ama baruur iska ridis ku khasabta ama iyadoo dhiiri galinaysa ku cel celisa dadka inay is dhuubaan oo hilibka ay iska ridaan.

Barlamaanka dalkaas, oo ay aqlabiyadiisa la wareegeen, xisbiga Hantiwadaaga ee dalkaasi, ayaa la soo hordhigay, shuruuc lagu sheegay, kor u qaadista caafimaadka bulshada ku dhaqan dalkaas, waxaanu sharcigan cusubi dadka hilib iska ridista iyo dhuubnaanta dhiiri galiya, amrayaa in lagu ciqaabo hal sano oo xadhig ah iyo toban kun oo Yuuro oo ganaax lacageed ah.

Guddida Arrimaha bulshada ee Baaarlamaanka dalkaas oo iyagu xeerkan cusub soo diyaariyay, ayaa ku doodaya in sababta ay go’aankan u qaateen, la xidhiidho dhibaato caafimaad oo haleeshay dadka lagu khasbo ama si qayro caadi ah loogu dhiiri galiyo inay baruurta iska ridaan oo ay is dhuubaan.

SomlegalAds

Sharcigan ayaa mudanayaasha Barlamaanka soo hordhigay, ay golaha hortiisa ka akhriyeen, warbixino caafimaad oo goobaha caafimaadka ee dalkaas, ay ka soo ururiyeen, kuwaas oo ilaa afartan kun oo kiis isugu jira, dhamaantoodna muujinaya in dadka sida xooga ah loogu dhiiri galiyo inay is dhuubaan dhibaato caafimaad oo badani ku habsato, sida amateedka oo ka xumaada iyo caafimaad daro kale oo badan, taas oo dalka galin karta khasaare dhaqaale oo balaadhan iyo dhibaato nafeed intaba.

Mudanayaashan shacigan soo dhigay, ayaa sidoo kale codsaday in si deg deg ah loo sameeyo, shuruuc cusub oo qabata ama lagu qaado, shabakadaha internet-ka ah ee sida xooga ah dadka ugu dhiiri galiya, inay is dhuubaan ama baruurta iska ridaan, taas oo halis caafimaad oo wayn u leh dadka sida deg deg ah in ay isku dhuubaan u go’aansada.

Isku soo wada duubo waxa uu sharcigan cusub ee barlamaanka dalka Faransiisku ansixiyay, noqonayaa mid gabi ahaanba ka soo horjeeda ololihii dunida inteeda badani muddooyinkii ugu danbeeyay waday, ee lagu dhiiri galinayay inay dadku is dhuubaan oo baruurta iska ridaan, taas oo ilaa heer gaadhay, in shiradaha diyaaradaha dunida qaarkooda ay rakaabka buurbuuran ka codsadaan, lacag dheeraad ah inay bixiyaan, kuwo kalana dadka dhuudhuuban u balan qaadeen inay tigidho bilaash ah siin doonaan, balse Barlamaanka Faransiisku sharci ka duwan oo ganaax iyo xadhig isugu jira ka soo saaray dhiiri galintooda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.