WorldRemitAds

Inta badan dadka marka xaalad adagi ku habsato, waxa ay ku keentaa is badal nololeed, tusaale ahaan marka qof ka dhinto, waxa dadka qaarkood ku dhaca xaalad murugada qofka ay waayeen ku keento, taas oo mararka qaarkood wax aan looga fadhiyin uu ku kaco qofku gaar ahaan dadyowga aan diinta lahayn.

Haddii aynu u soo noqono sheekadeena arrimaha layaabka aduunka ee qormadeenan, waxa aynu ku soo qaadan doona, haweenay u dhalatay dalka Hindiya, taas oo gabadh ay dhashay oo ay aad u jeclayd, kaga dhimatay shil gaadhi, ka dibna mar kaliya isu badashay taraafik.

dorris-francisSida ay ku warameen warbaahinta dalka Hindiya intooda badani, haweenaydan oo lagu magacaabo, Doris Francis, ayaa muddo dhawr bilood ah isu badashay taraafik si mutadawacnimo ah, uga hawl gasha jidadka dalkeeda, waxaanay ciidamada nabad galyada waddooyinka ka caawisaa, kala hagida gaadiidka.

SomlegalAds

Haweenaydan oo 57 jir ah, ayaa kala badh wakhtiga maalintii ku qaadatay jidadka cidhiidhiga ah ee magaalada New Delhi, waxaanay kala hagtaa gaadiidka, hawshan ayay u badheedhay in ay qabato iyadoo aan si rasmi ah uga tirsanayn ciidamada nabad galyada waddooyinka ee taraafikada loo yaqaano.

Haweenaydan ayaa markii muddo si mutadawacnimo ah ku shaqaynaysay, abaal marin iyo bilad geesi ay siiyeen, ciidamada Nabad galyada wadooyinku, waxaanay dadwaynaha ku amreen inay si sharci u tix galiyaan oo ku dhaqmaan wixii awaamiir ay siiso, gaar ahaan wadayaasha gaadiidka.

Haweenaydan oo aaminsan dhaqanka Hinduuga waxa ay diiday in ay ku labisato dharka ciidamada booliska, waxa kale oo ay diiday in ay mushahar qaadato, sida ay sheegtayna waxa kaliya ee ay hawshan u samaynaysaa, sidii ay hooyoyinka dalka Hindiya ay uga baajin lahayd in shil galaafto ubadkooda sidii ku dhacday iyada ee ay ku wayday inanteedi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.