Warbaahinta Maraykanka ayaa si toos ah u baahisay, Haweenay Muslim Ah Oo iyadoo xijaaban lagu dhaarinayo kitaabka Quraanka Kariimka, taas oo sida warbaahintu sheegtay noqonaysa muslimadii ugu horaysay ee garsoorayaasha Maxkamada sare ee dalka Maraykanka ka mid noqota.

Carolyn Walker waxa ay muddo dheer ka mid ahayd, garyaqaanada ugu firfircoon New York, waxaanay inta badan difaacda dacwadaha Muslimiinta iyo dadka danyarta ah ee New York ku dhaqan, kuwaas oo ay mutadawacnimo ugu shaqayso, marar kala duwana ay abaal marino ku hesho.

Qaar kamid ah warbaahinta dalka Maraykanka ayaa sheegay in magacaabista Carolyn Walker ay soo dedajisay, khudbadii Nacaybka iyo cunsuriyada ahaa ee uu musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, dhawaan ku weeraray muslimiinta, taas oo si wayn looga cadhooday gudaha dalka Maraykanka.
Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ee doorashada madaxtooyada 2016-ka u sharaxan Donald Trump ayaa muslimiinta si ba’an ugu weeraray khudbad uu dhawaan markii weeararadii argagixiso ka dhaceen Paris uu jeediyay, taas oo uu ku dalbaday inaan muslimiinta qaxootiga ah aan loo ogolaan inay soo galaan dalka Maraykanka, kuwa joogana cadaadis wayn la saaro.