Dawladda Malaysia ayaa si rasmi ah u mamnuucday buskudyada shirkada Ingiriiska ah ee Cadbury, farsamayso gaar ahaan kuwooda Shakoolaha ah, ka dib markii wasaarada caafimaadka dalkaasi cadaysay, baadhitaan ay laba shixnadood ku samaysay in doofaar ku jiro.
Labadan shixnadood ee la baadhay, ayaa ahaa noocyada buskudka shirkadaas Cadbury ee loogu magacaabo, (Dairy Milk), gaar ahaan noocyada ka samaysan lowska iyo shakoolaha isku jira.

Shirkada Cadbury oo sanadkii 1824-tii uu aasaasay nin Ingiriis ah oo lagu magacaabi jiray, John Cadbury, waxa xarunteedu ku taala Birmingham, waxay ka mid tahay shirkadaha ugu wax soo saarka balaadhan dunida, oo sanad kastana 250-Milyan oo kartoon dunida u iib gaysa, kuwaas oo u badan macmacaan, isugu jira, buskudyo iyo cuntooyinka fudud.