Muqdisho, Somalia, December 18, 2015 (Saxafi) – “Dadka Reer Somaliland ee Aanu Muqdisho isku arragnaa Waxay Ii Qabaan Nin Waallan” Sidaas waxa yidhi Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Somalia Dr. Nuur Faarax oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeedda dhalasho ahaan, kaas oo madal ilyartu is qabatay ku calaacalay inaanu afar sanadood arag caruurtiisa, isla markaana loo diiday inuu gurigiisa taggo.
Nuur Faarax ayaa sheegay in aanu garanayn sababta loogu diidayo inuu Hargeysa yimaaddo, isla markaana gurigiisa tago maadaama oo uu doonayo in aan Soomaali la kala jarin, isagoo iska indho tiraya rabitaanka shacabka uu ka soo jeeddo ee Somaliland.

Siyaasigan wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ugu magacaaban Soomaaliya ayaa ka mid ahaa ururaddii ku hadhay tartankii ururada siyaasadda Somaliland, isla markaana isaga iyo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Maxmaed Cumar Carta ayaa waxaa ay u carareen dhinaca Soomaaliya, kuwaas oo xilal ku heley ka dib markii ay ka cadhoodeen dhicitaankii ururadooda.