WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 24, 2017 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha golaha wasiirrada u furay kulan lagaga tashanayo qorsheyaasha ay xukuumaddu ku hawl geli doonto mustaqbalka soo socda oo ay gundhig u yihiin buug-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (Somaliland National Plan II).

Kulankan oo shalay lagu qabtay Hotel Royal Palace ee galbeedka caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay  madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, dhammaanba xubnaha golaha wasiirradda iyo hoggaanka mac-hadka  hay’adaha shaqaalaha dawladda, waxaana uu socon doonaa muddo Afar maalmood ah, iyada oo lagu diyaarrin doono qorsheyaasha ay xukuumaddu ku hawlgeli doonto sanadaha soo socda, gaar ahaan afarta bilood ee inagu soo foolka leh ama 120 maalmood ee ugu horeeya xukuumadda.

Wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan ee dawladda, nidaamintooda iyo sidii looga hortegi lahaa murug ku yimaadda hannaanka la isula jaanqaadaayo, ayaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday, waxaana uu madaxweynuhu sharraxay baahida loo qabo inay golaha wasiirradu noqdaan mishiinkii hoggaamin lahaa hayaanka waxqabad ee xukuumaddu u heensaysatay muddo-xileedkeeda.

SomlegalAds

Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xukuumadda looga fadhiyo sidii ficil loogu beddeli lahaa ballamihii uu xisbigu ummadda u qabtay oo lagu lammaaneeyey qorshaha horumarinta qaranka Somaliland ee labaad, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Hawlaha inoo yaallaa way badan yihiin, waxaana aynu soo galnay olole siyaasadeed, waxaana aynu dadka u ballan qaadnay ballamo waa weyn inaga oo xisbiga KULMIYE ah, Barnaajim lix tiir ah oo dadku aamineen oo qurux badan baynu  samaynay, waxaana aynu rabnaa in Barnaamijkii la furfuro illayn wuu koobnaaye oo 23-kaa wasaaradood ay mid waliba qorshaheedii la baxdo oo ay u samayso sanadle, lix-biloodle iyo saddex-biloodle ka dheegan Barnaamijka xisbiga iyo qorshaha  horumarinta qaranka ee labaad (Somaliland National Plan II), waxaynu u baahanahay inaynu diyaarino 120-ka(Boqol iyo labaatan maalmood) ee ugu horreeya oo run ah.”

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha golaha wasiirrada xusuusiyey in aanay cid gaar ah iyo deegaanno gaar ah midna metelin, balse ay yihiin wasiirro qaran, isla markaana uu madaxweyne ahaan kusoo xushay codkii bulshada oo isku duuban, waxaana uu ku adkeeyey inay ummadda si guud ugu wada-shaqeeyaan, “Intiina I horfadhidaa waxaad Ilaahay ku mahadisaan ninna reer qudhi ma soo dooran, anigana reer ima soo dooran oo qaranka oo dhan baa I doortay labadii mucaaridna way igu raaceen, markaa reer I sheegan kara oo dabada I jiidi karaa ma jiro, qaar cod ii badiyey way jiraan, laakiin qaranka oo dhan baa I doortay oo iyagu meel wax ma geeyaan, wasiirradan halkan fadhiyanna ninna caaqil iyo odayaal iima keenin, mana ogayn cidda imanaysa, codkii Umadda ee la iidhiibay awooddiisii uun baan idinku yeedhay, waanad ka nasiib badan tihiin nin olole soo galay oo Oday iyo Caaqil ay hadhow u manno sheeganayaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi  waxa uu sidoo kale sharraxay baahida loo qabo sidii meesha looga saari lahaa  caqabadaha amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo kuwa sharci ee guud ahaan bulshada haysta, isla markaana loo curin lahaa afkaar cusub oo lagaga hortago dhibaatooyinka dalka ka jiro.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.