Mulkiilaha Nuuradiin Oo Kale Inaad Noqoto Maxaa Kaa Xiga

1
54
PropellerAds

Hargeysa, March 19, 2012 (Saxafi) – “Waxa horumarka lagu sameeyaa samir iyo dedaal” Sidaa waxa yidhi, Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed Mulkiilaha Dugsiyada Nuuradiin ee magaalada Hargeysa oo u waramayay Wargeyska Saxafi.

Mahad waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka faro-ku tiriska ah ee reer Somaliland ee guul ka gaadhay hawlaha shaqo oo ay meel hoose ka soo bilaabeen.

Haddaba tan iyo intii ka dambaysay 1991-kii markii ay Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday inay ka noqotay midnimadii ay la gashay Somalia sannadkii 1960-kii, isla markaana ay dadweynaha reer Somaliland ka soo noqdeen barakicii ay sababeen dagaaladii ku dhexmaray geyiga Somaliland kelidii taliyihii hore ee Somalia, Maxamed Siyaad Barre iyo ururkii dhaq-dhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee SNM, qof waliba waxa uu dib u bilaabay noloshii, iyada oo ay dadku isku wada mid ahaayeen, isla markaana ay  qaxooti ka soo wada noqdeen.

Nolol kasta oo la bilaabo waxa jira dad ku guulaysta isku dayadooda iyo kuwo ku guul-daraysta.

Arrin waliba tusaale leh’e  muddo haatan laga joogo 17-sannadood waxa magaalada Hargeysa laga bilaabay dugsi ka mid ah dugsiyada ugu balaadhan uguna ardayda badan ee gaarka loo leeyahay ee haatan ka jira magaalada Hargeysa, waana Dugsiyada Hoose/Dhexe/Sare ee Nuuradiin.

Dugsigan oo ay haatan ka dhigtaan arday ka badan 16,500 oo arday oo ku kala jira qaybaha kala duwan ee iskuuladda uu ka kooban yahay Nuuradiin, waxa lagu bilaabay in ka yar 8-arday oo keli.  “Waxa aanu bilawnay sannadkii 1995-kii, oo ahayd markii dagaalkii sokeeye laga soo noqonayay. Waxaana wada bilaabay aniga iyo gabadh imika Ingiriiska degan oo magaceeda la yidhaahdo Sahra Xuseen Cali. Inantani iyada ayaa igu keliftay aas-aaska iskuulka, sababta oo ah waxay iyadu macalimad ka ahayd Madarasada Sheekhadda. Markaa waxay tidhi aynu carruurta wax u dhigno. Aniguna markaa balwad ma lahayn macalinimadana waan ku soo shaqaynayay muddo. Aniga oo waqtigaasi masjid Jaamaca Hargeysa arday ugu dhigi jiray Naxwaha Carabiga. Markaa halkaasi ayay ka bilaabantay aniga iyo inantaasi ayaa bilawnay maqsin yar oo aanu ilaa haddadan ku shaqayno, oo ku yaala xaafadda Sheekh Madar (Laba Nuux) ku yaala. Waxaananu ku  bilawnay sideed arday oo ay weliba sideeda ardayna inantaasi  soo ururisay. Sideedan arday waxaanu u dhignay caw yar, kursi maanu haysanin, sabuurad maanu lahayn. Arday walbana gacanta ayaanu ugu dhigi jirnay. Anigu waxaan u dhigi jiray higaadda, af-Soomaaliga, inantuna xifdiga qur’aanka ayay u dhigi jirtay. Ka dibna ardaydii oo soo yara badatay oo fasal sodomeeye arday ah noqotay ayay inantii dhooftay” ayuu yidhi Mahad oo ka waramayay qaabkii ay u aasaaseen iskuuladda Nuuradiin ee magaalada Hargeysa.

Laakiin arrinta xiisaha badan lihi waxa weeye, boqolaal ka mid ah dhalinyarada reer Somaliland ee dhamaysata dugsiyada sare amaba qaar iyagu jaamacaddo ka soo baxay waxay ku hamiyaan inay dalkaSomalilanddebada uga baxaan, isla markaana u baqoolaan wadamada reer galbeedka. Hase yeeshee tiro yar oo ka mid ah ayaa ka fikira inay abuuraan meherad amaba raadiya fursado shaqo oo banaan oo dalka gudihiisa.

Inkasta oo ay arrimo badani sababaan inay dhalinyaradu dalkooda ka tacabiraan amaba ka tahriibaan, haddana waxyaabaha ugu muhiimsan ee sababa waxa ka mid ah colaadaha ka dhaca deegaamada ay dhalinyarada tahriibtaa ka yimaadaan, amaba duruufo dhaqaale oo keena inay is-yidhaahdaan haddii aad wadamada horumaray tagto noloshu way wanaagsanaan doontaa. Haddaba waqtiga Mahad Nuuradiin iskuulkiisa ka bilaabay magaalada Hargeysa labada arrimood ee aynu kor ku sheegnayba way jireen, tusaale ahaan waqtigaasi waxa jiray dagaal sokeeye oo xilliyadaasi uun lagu hawlanaa sidii loo damin lahaa iyo weliba duruufo adag oo dhaqaale oo ay keeneen dagaalada soo noqday iyo qaxootinimadii ka horeysay. Laakiin waxay isweydiintu tahay Mahad Nuuradiin ma ka madhnaa ra’yiga tahriibta?Mahad markii su’aashan la weydiiyay waxa uu ku jawaabay “Waxa xiiso leh inaan anigu tahriib ku socday markii aan iskuulka aasaasay, markaa waxaan is-lahaa wadanka aad iskaga tagtid oo aad meelahaa debada iska tagtid, sababta oo ah magaaladuna iska cidlo ayay ahayd dadkuna xilligaasi ayuun baanay ka soo noqonayeen dagaalkii sokeeye, balse inantaasi ayaa igu keliftay oo tidhi aynu carruurta wax barno. Laakiin markaa ay ardaydu soo badatay ee ay ilaa sodonka gaadhay ayaa inantii dhooftay oo ay tagtaySyria, markii dambena Sucuudiga. Markii dambena Ingiriiska, markaa ka dibna aniga ayuun baa hawshii halkii ka sii waday”.ayuu yidhi Mahad Nuuradiina waxaanu intaasi ku daray “ Inantii aanay hamigeeda ku jirin wadanka ka baxna way ka baxday, ninkaygii qasdigiisu ahaa hawsha sii yara wad intay wax iskugu kaa beegmayaan oo aad wadanka ka baxdidna waan negaaday”.

Inkasta oo ay jiraan boqolaal dhalinyaro ah oo reerSomalilandah oo haya ra’yi lagu guulaysan karo, isla markaana horseedi kara shaqo abuur, haddana waxay dhalinyaradaasi caqabad kala kulmaan inay helaan maalgelinta ugu horeysa ee xilliga ay taabo gelayaan, hase yeeshee waxa mararka qaarkood dhici karta in shakhsiyaad Ilaahay siiyay xikmadda is-taageersiga bulshadu ay gacan qabtaan laguna guulaysto. Haddaba ma jirtay Mahad Nuuradiin cid arrintaasi ka caawisay? Isaga oo ka jawaabay su’aashaasina waxa uu yidhi. “Runtii ma xasuusto xaddiga lacageed ee uu qolkaasi ku kireysnaa laakiin adeerkay Xuseen Cali oo inanta aanu wada bilawnay dhalay ayaa kirada bixin jiray oo ilaa markii ay tagtay xataa bixin, sidoo kalena bixin jiray masaariiftayda hudheelka National-ka oo aan wax ka cuni jiray, markaa shaqo may ahayne waxay ahayd uun meel aanu ku maararawno oo aanu carruurtaana wax ku barno. Laakiin may hayn meel aanu ganacsi ugu talo galnay.”

Haddaba, haddii dugsiga Nuuradiin ay sidaasi xaaladiisu ahayd, waxa isweydiin mudan, tolow qaabkee ayuu u horumaray? WaakanMahad Nuuradiin oo inoo sharaxaa “Markii inantiina iga tagtay ayaa gelinkii dambe waxa aanu ku darnay inaanu luuqadaha carabiga iyo Ingiriisiga ku darno, iyada oo waqtigaasina guud ahaanba dadweynaha Hargeysa aad u xiisaynayeen barashada Ingiriisiga, kaasi oo bilawgiisu horseeday inuu iskuulku hano qaado. Markii aanu magaciina u bixinay Nuuradiin ayaa markiiba waxa noo timid arday badan, waxaana dhacday in aanu markiiba la tartano iskuulkii ugu weynaa magaalada ee Ingiriisiga lagu dhigan jiray oo la odhan jiray Puntland. Markii dambena madaradasii yarayd ayuun baanu ka dhignay iskuul hoose oo fasalka 1-4-aad ah, ka dibna waanu ka sii kordhinay ilaa fasalka 4-8-aad ilaa form 1-form 4.”.

inkasta oo iskuuladda Nuuradiin ku bilawdeen qol yar oo keli ah, haddana waqti xaadirka waa dugsiyada gaarka loo leeyahay kuwa ugu wanaagsan, haddii aanu ahaynba ka ugu wada wanaagsan.

“Hadda waxa weeye, laba Dugsi sare, saddex Dugsi hoose/dhexe, waxaana dhigta isku geyn arday tiradoodu gaadhayso 16,500 oo arday oo iskugu jira kuwa nidaamiga ah fasalka koowaad ilaa 12-aad iyo kuwa luuqadaha”.

Haddaba Mahad Nuuradiin inuu tahriibo amaba wadanka ka baxo iska daay’e wuxuu gaadhay horumar aad u balaadhan, ilaa haatan waxa uu ku hawlan yahay inuu sii horumariyo. Waxaanu isaga oo sharxaya yidhi “Haatan waxa aanu wadnaa iskuul aad u weyn oo 46 fasal, afar laab iyo library weyn ah, iyo weliba hool weyn oo loogu talo galay kulamada waaweyn ee laga hadlo iwm.  Masaajidkii iyo sagaal xafiis” ayuu yidhi. Nuuradiin

waxyaabaha kale ee iskuulada Nuuradiin ay dugsiyada kale dheer yihiin waxa ka mid ah xagga akhlaaqiyaadka ee ardayda. “Iskuulada Nuuradiin hablaha iyo wiilashu isma dhex fadhiistaan, habluhuna waxay leeyihiin fasalo u gaar ah, wiilashuna sidoo kale waxa keli ah ee ka dhaxeeyaa waxa weeye xayndaabka guud. Sidoo kalena Nususaacaha habluhu waxay ku dhex qaataan xaydaabka dugsiyada, halka inamaduna debada u baxaan, waxaananu sidaasi u yeelnay in aanay dhicin in inan (ardayad) iskuulka loo soo diray inta ay nususaacaha baxdo ay meel kale tagto, sidaasi darteedna waxaanu goosanay inay habluhu dugsiga dhexdiisa ku nususaaceeyaan”. Ayuu yidhi Mahad Nuuradiin.

Iskuuladda Nuuradiin sannadihii u dambeeyay waxay ardaydiisu noqotay kuwa ugu sareeya imtixaanaadka Shahaadiga ah, isla markaana waxa ay sidoo kale diiwaan geliyay ardayda u tartamaysa shahaadada dugsiga sare ee caalamiga ah ee IGCSE oo imtixaanka looga soo diro dalka Ingiriiska.

“Ardayda halkani ayaanu ku diiwaan-gelinaa ka dibna Sheekh ayay ku maraan Imtixaankaasi oo ay ka qaadaan macalimiin Ingiriis ahi, haddii ardaygu ku guulaystana jaamacad kasta oo adduunka ah bilaa imtixaan ayuu ku galaa” ayuu yidhi. Mahad Nuuradiin

dhinaca kale Dugsiyadda Nuuradiin lagama eego oo keli ah ardayda inay lacag haystaan iyo inkale, laakiin waxa jira boqolaal ka mid ah ardaydani oo aan lacag bixin, balse bilaash ku dhigta dugsiyada Nuuradiin. “Waxaanu deeq waxbarasho siinaa ardayda dadka danyarta ah, agoomaha qaar mid ah mujaahidiintii dalka xoreysay, kuwaasi oo lagu soo xusho inay marka hore codsi soo qortaan, waalidka ilmaha dhalay, ka dibna marka la hubiyo loo ogolaado” Sidaa waxa yidhi, Maamulaha Dugsiga Sare ee Nuuradiin Ismaaciil Cakuushe. oo ka mid ah labada dugsi sare ee Nuuradiin oo ay dhigtaan arday tiradoodu gaadhayso 1800 oo arday.

Marka intaasi laga yimaado waxa jirta in waalidiin badan oo ka mid ah bulsha weynta reer Somaliland ay walaac ka qabaan manhajyo tiro badan oo carruurta wax lagu baro ay xambaarsan yihiin farriimo khaldan, halka waalidiinta qaarkoodna ay rumaysan yihiin in carruurtooda aan waxba la barin inta wax yar uun girif-girif looga siiyo la soo diro. Hase yeeshee Nuuradiin arrintaasi wuu ka duwan yahay. “Manhajka aanu raacnaa ee aanu dhignaa waa manhajka waxbarashada dawliga ah eeSomaliland, oo ay dhigaan macalimiin khibrad iyo waayo aragnimo ku filan u leh waxa ay dhigayaan. Sidoo kale waxa aanu haynaa laababkii iyo agabkii kale ee loo baahnaa in ardayda wax lagu baro” ayuu yidhi Maamule Ismaaciil Cakuush oo u waramayay Saxafi waxaanu intaasi ku daray “Waxa kale oo aanu ardayda ku barbaarinaa dhaqanka diinta Islaamka, waxaananu diidnaa inay carruurtu qaadato dhaqamada shisheeyaha sida qadaad xiirka iwm”.

Tan iyo intii la aasaasay dugsiyada Nuuradiin waxa ka baxay arday tiradoodu sare u dhaafayso 4012 arday, kuwaasi oo iyaga laftoodu horumar cusub soo kordhiyay, “Guulaha aanu gaadhnay ee aanu ku faani karno maanta waxa ka mid ah in aasaasayaasha Salaama School ay yihiin ardaydii wax ka baratay Nuuradiin, markaa aad ayaanu ugu faraxsanahay inay dhalinyaradii aanu wax barnay horumar soo kordhiso” Sidaa waxa yidhi Mahad Nuuradiin oo ka waramayay waxyaabaha la taaban karo ee ay gaadheen ardaydii ka baxday dugsiyada Nuuradiin.

Dhinaca kale Dugsiyada Nuuradiin waxay qayb ka qaataan shaqo abuurka waxaana ka shaqeeya ku dhawaad afar boqol oo qof oo muwaadiniin ah kuwaasi oo iskugu jira macalimiin, maamulayayaal, khasnaji iyo dhammaanba qaybaha kale ee dugsiyada Nuuradiin. “Shaqaalaha guud ee Iskuuladda Nuuradiin waa 400 oo qof oo hawlo kala duwan noo qabta” ayuu yidhi Nuuradiin.

Marka amaanta oo dhan laga yimaado waxa jirta malaha su’aalaha ku xaganaysa akhriste oo la xidhiidha tirada ardayda ee fasalkii fadhiisata iyo waqtiga uu macalinku ugu jiro. Waxa aanu su’aashani weydiinay maamulaha Iskuulka sare ee Nuuradiin 1 iyo weliba Mahad-Nuuradiin (Maamulaha Guud ee Iskuuladda Nuuradiin). Ugu horeyn maamulaha iskuulka Sare ee Nuuradiin 1, oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi. “Ma ogolaano inay ardayda fasalku dhaafto in ka badan 75 arday fasalkii, arrintaasi lafteedana waanu ku hawlanahay sidii wax looga qaban lahaa, macalin walbana wuxuu ardayda ugu jiraa 45-daqiiqo oo ah xaddiga waqtiga ee ay dugsiyada dawladdu u astaysay inuu macalinku xiisadda ku jiro”. Ayuu yidhi Maamule Cakuushe.

Hase yeeshee, Mahad-Nuuraadiin oo ah mulkiilaha Iskuulada Nuuradiin oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu sheegay inay soo kordhiyeen iskuul cusub oo ay fasaladiisu ka badan yihiin 46 fasal, taasina ay wax ka tari doonto xaddiga ardayda tirada badan ee fasalada iskugu imanaya.

Waxa kale oo intaasi dheer iskuuladda Nuuradiin gudahooda iyo hareerahoodaba waxa ka mamnuuc ah sigaarka in lagu cabo mana jirto macalin sigaar caba amaba la soo gala xaydaabka iskuulka toona.

Ugu dambayntii Mahad-Nuuradiin oo aanu weydiinay sida ugu haboon ee qof doonaya inuu guul ka gaadho noloshu u samayn karo waxa uu yidhi. “Waxa kow ah inaad go’aan meel dhigato, isla markaana aad u dul-qaadato caqabadaha kaa horyimaad, samirna la timaado, isla markaana aanad noqon qof lacag uun maanka ku haya, balse doonaya inuu wax soo kordhiyo waxna korodhsado ayaa loo baahan yahay, haddii intaasi aad la timaado, Ilaahayna talo saarato waa hubaal inaad gaadhayso meel kasta oo aad doonto”

1 COMMENT

  1. Sanad wacan oo wanaagsan, aad iyo aad baan ugu hambalyaynayaa dedaalka aan nasasho la’hayn ee NURAdIN halkaa ku soo gaadhay. Mahad waxa uu mudan yahay ku dayasho. Eebe ha garab-galo.
    Happy New Year. Warsame Said Abdi

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.