WorldRemitAds

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaa uu soo qaaday jid dheer oo hawl badan si uu ku soo gaadho kursiga ugu sareeya dalka. Waxaa loo arkayay oo ololihiisa lafdhabar u ahaa in uu raadinayo taariikh wanaagsan oo uu ku gabagabeeyohalgankii uu u soo maray dalka waxaana loo hibeeyay taageero badan oo uu ku kasbadday magaca uu ku lahaa SNM. Laakiin, waxa maanta su’aali ka taagantahay ma hayaa jidkii guusha laga fillayay uu ku gaadhi lahaa?

Su’aasha jawaabteeddu ma cusla sababo badan dartood. Aanse ku horeeyee, waxaa la yidhaahdaa Aadamuhu iyaga ayaa beera kalli-taliska goobaha aan sharcigu sarayn ee hebelka laga qadariyana aad ayay u fududahay inuu markaba is taawiyo Ruuxu oo uu hilmaamo balantii uu qaaday. Ta guud haddii aynu ka tagno oo tusaale u soo qaadano waxaa in badan la qoray in Siyaad Barre illaa 10 sanadood ay ku qaadatay inuu la soo baxo Miciyihii kalli taliska iyo damaca waalidda ah, Laakiin, Daahir Rayaale oo weliba sifooyinka uu kursiga ku yimi aad uga duwanaa waxaa judhiiba muuqatay in loo xidhay oo lala garab ordday Taashkii kali taliye lahaan jiray, cidbaana ka masuul ahayd oo arrintaas ku dhiirisay umana baahna maanta inaan tilmaano. Balse waa tusaale. Hadii aynu hadaba eegno Xukuumaddan maanta jirta, oo aynu is weydiino sifaha loogu duduucay Madaxweyne Siilaanyo in loo muujiyay mid raacaya jidka leexsan. Waxaynu xusaynaa shakhsiyaadka loo tirinayo inay tigtigo-leexiyeen majarihii maamul-wanaaga. Waa xubno hanaan beelaysan ugu soo dhawaaday Xukuumadda, waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Cabdirisaaq Cumaani oo ay qaraabo yihiin Madaxweynaha J.S.L Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxaa uu deganyahay Dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Dubai, waxaanu ka ganacsan jiray oo uu ku haystay Huteel Hurdo iyo Cunto ah Suuqa Dahab.

Hudheelkaas oo la odhan jiray City Gold. Ninkani oo tan iyo intii uu Madaxweyne Siilaanyo Xukunka Dalka la wareegay 27 July 2010 dalka dib ugu soo noq-noqonayay.

SomlegalAds

Cabdirisaaq wuxuu yimid Dalka dhowr iyo Toban jeer oo uu marba Hargaysa joogo bil ilaa saddex bilood waxaanu markii u horaysayba ay saaxiibo dhow noqdeen Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, isaga oo keenay Qalab ay ka mid yihiin Radio ama Walk Takyo, dabayaaqadii  Sanadkii 2010. Markii danbana wuxuu noqday wakiilka Iibka u fadhiya Dubai ee alaabta Wasaaradu u baahantahay u soo iibiya. Mar ka mid ahayd xiliyadaas uu dalka ku soo noqnoqonayay waxa lagaga soo qaaday Madaarka Baabuur ka mid ah kuwa Madaxweyanaha oo Numberkoodu yahay 00001. Waxaana la tilmaamaa inuu ka mid noqday Gudida Jilibka Madaxweynaha ka soo jeedda oo Musdanbeedka Talada iyo Go`aamada Madaxtooyada lagu naaneyso, kana talisa sida uu ii sheegay nin xog ogaal ahi oo soo diyaariya Ajandayaasha ka dibna u soo gudbiya Wasiirka Madaxtooyada iyo Madaxweynaha oo iyaguna sidaas ku ansixiya kuna Dhaqan galiya sida Magacaabista iyo Xilka qaadista IWM.

Qunyar socodnimo iyo daaha dabadiisa ayuu ka wadday sidda xogaha aanu helay sheegayaan Cabdrisaaq Cumaani, waxase hadana cod dheer lagu maqlay Badhtamihii Sanadkii hore markii uu nin ay saaxiibo dhow yihiin u sheegay inuu war lalis iyo Hay’ddo Warbaahineed samaysanayo, kuwaasoo la wariyay inuu doonayo inay difaacaan hawlihiisa mashaariicda uu qaadanayo ee uu ka mid-yahay dhismaha Madaarka Hargaysa, siddoo kallena ay kursiga ku ilaaliyaan Madaxweyne Siilaanyo.  sidoo kale Cabdirisaaq Cumaani waxa laga sheegay markii taariikhdu ahayd 15/1/2012 oo Xukuumada Siilaanyo Xabsiga u taxaabtay 24 Suxufi, albaabaddana loo laabay Telefishan-ka Horn Cable Tv oo Albaabada loo laabay inuu yidhi “Ii keena Weriyayaasha ku kacsan Xukuumada aan lacag siiyee”  in kastoo Wararku sheegeen in Saddex Weriye loo geeyay Madaxtooyada oo lacag dhowr ku ah lagu siiyay.

Waxa kale oo Wararku intaa ku dareen inuu Arrinta furista Warbaahinta uga Masuul yahay una xilsaaray Walaalkii oo ka yar oo Magaalda Hargaysa Jooga, kaas oo la sheegay inuu hada raadinayo  Wariyayaashii ka hawl gali lahaa in kastoo la ii sheegay in qaar ka mid ah Weriyayaasha Hargeysa ka hawl gala uu qaarkood Heshiis la galay.

Si kastaba ha;ahaatee, arrimahan is naasnuujinta ah oo gawraca hanaanka suubani waxay keenaan oo lagu bartay Cimri-degdeg xukuumadeed iyo taariikh xumo, sidaas darteed haddii aan  Madaxweyne Siilaanyo ka digtoonaan dabinadda Saaxiibadda iyo Eheladda ku xod-xodanaya taageeraddii hore waxay keeni doontaa waxaanu jeclaysan mustaqbalka dhow iyo naqdi ka badan ka maanta lagu hayo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.