WorldRemitAds

Sida la ogyahay waxa haatan socda  hawlo la  xidhiidha qabanqaabada doorashooyinka  Golaha deegaanka ee la filayo inay dalka ka  dhici doonaan  qiyaastii wakhtigii loogu talo-galay oo ahayd bisha April.

Hawlahan  oo ka mid ah kuwa lagu qiimaynayo ururada ka qayb geli doona  doorashooyinkaasi ayaad mooddaa inay labadii maalmood ee ugu dambaysayba mashquuliyeen dadweynaha, siyaasiyiinta,  komishanka diiwaangelinta ururada iyo qayb yar oo ka mid ah dawladda, iyadoo aad moodeysayba inaysan dalka ka jirin hawlo kale oo u baahan in la dhaqaajiyo.

Dhinaca kale, waxa la ogyahay buuqa ka taagan masuulyiin xukuumaddu u xidhxidhay raashin deeq ahaa oo la sheegay inay musuqmaasuqeen. Sidoo kale hantidhawraha Guud ayaa isaguna xeel ilaalinta u gudbiyay oo waaranno loo jaray masuulyiin hore iyo kuwa haatan ka tirsan xafiiska golaha deegaanka Boorama ,kuwaasoo haatan qaar ka amid ahi ku xidhanyihiin saldhigga Booliska Boorama, kuwa kalena lagu raadjoogo halka qaar kalena ayba dalka ka maqanyihiin. Guuxa ka dhashay xadhigga Guddoomiyaha gobolka Harageysa ,Xamarje, la taliyihii madaxweyne ku xigeenka iyo agaasimihii Guud ee wasaaradda dib u dejinta ayaad  mooddaa inay arrimahan siyaasadeed u sii seetodheeraynayaan xadhigooda  iyo gunaanadka  xukunkooda .

SomlegalAds

Tan iyo shalay sheekooyinka keliya ee gobolada galbeedka laga hadalhayay waxay ahaayeen arrimaha ururada iyo sidii urur kastaaba ugu guuleystay ama ugu guuldaraystay inuu komishanka diinwagelinta u soo fayliyey kunkii qof ee laga doonayay, balse ururada qaarkood u soo safeen komishankaasi kumanyaal  taageerayaal urur ah, iyadoo laga yaabo in wiiggan oo dhan ama wiigagga soo socda sheekooyinka ururadaasi  sii socon doonto isla markaana shicib iyo xukuumada la iska ilaawi doono xadhigga masuulyiintaasi. baadhista la xidhiidha musuqa Boorama ka dhacay, Gurmadka abaaraha iyo dadka tabaalaysan, shirarka caalamiga ah eeSomalilandlagu martiqaaday iyo arrin kastoo la xidhiidhay hawlaha dawladda Siilaanyo. Maadamaha, arrimaha ururadu shicibkii faraha baas ku hayey xukuumadda ka jeediyeen wiiggan. dhinaca kale, waxaad mooddaa in wakhtiga lagu jiro hawlaha ururada ay xukuumadda u gacan banaanaatay inay sii kordhisato macluumaadkeeda la xidhiidha musuqa dalka ka dhacay  ee dhinaca raashinka iyo dakhliga iyo inay ka degaan xiisadaha ka oognaa wershedda Sibidhka ee Berbera, lana soo hadalqaadi waayo cid kastoo wiiggii ina dhaafay loo haystay inay ku xadgudbeen  xuquuqda muwaadiniintu, taasoo keeni karta in wakhtiga lagu jiro ololaha ururada ay masuulyiinta sarsare ee xukuumaddu helaan fursad ay kaga baxsadaan eedahaasi ama helaan jid kale ay kaga badbaadaan eedo kale iyo cambaareyn kale oo kaga timaadda bulshada tuhunka badan ka qabta in masuulyiintaasi yihiin kuwii dhabta ahaa ee lunsaday deeqaha gargaarka iyo inay yihiin kuwa lagaga baxsanayo eedo  musuqmaasuq oo rag aan la soo xidhi karaynini galeen .

Hawlaha ururada, kala saaristooda iyo qiimayntooda oo ay iyadana ka daba iman doonaan eedo  badan iyo ammaan badan oo loo jeediyo guddiga diiwaangelinta ururada , kuwaasoo hadii ay  meesha ka saaraan ururro filayey in lagu qiimayn doono kuwa ugu sarreeya  lagula duldhici doono eedo badan ,ayaa dhinaca kale aad mooddaa inay wakhtigan u xaydanyihiin hawl sharcigu u xadiday oo xukuumadda ka saaraysa cidhiidhiga ay kaga jirto dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha, maamulka iyo ammaankaba, In kasta oo xeer la raacayo iyo waqti haddana dad badan ayaa u arka in hawsha diiwaangelinta ururada siyaasadda ee haatan loo soo toosiyey komishanka diiwaangelintu tahay uun sidii dadweynaha cadhaysan indhahooda looga jeedin lahaa xukuumadda, waxaanad mooddaa in marka ay dhammaadaan hawlaha qiimaynta ururada siyaasaddu noqoqn doono wakhti xiisadaha taaganai demeen ,ama laga yaabo in dabkii hore dhashay masuulyiinta  ku xidhxidhan  uu dab kale kusii biiri doono ,marka  ururada siyaasadda qaarkood laga saaro saaxadda siyaasadda .

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.