WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 20, 2012 (Saxafi)- Gobolka Marooddi jeex xaruntiisa Magaaladda Hargeysa, ayaa shalay aroortii hore ay ka bilaabantay qiimeynta 15 Urur siyaasadeed ee dalka laga diiwaangeliyey, kuwaas oo guddida diiwaangelinta ururaddu ay urur kasta ka rabaan inuu xafiiskiisa keeno 1000 (Kun) qof.

Kala reebista 15  urur siyaasadeed oo doraad si rasmi ah uga bilaabantay gobolka Awdal gaar ahaan magaaladda Boorame, ayaa shalayna laga sii waday gobolka Maroodi jeex, kaas oo  urur kastaba isku dayeyey inuu buuxiyo shuruudda lagu xidhay ee laga rabo kun qof oo madax taabasho ah inuu keenno.

Wadooyinka magaaladda Hargeysa, ayaa waxa  buux dhaafiyey gaadiid aad u farobadan iyo kumanaan kun oo qof oo kala taageersan 15 ka urur siyaasadeed ee ka jira wadanka, isagoo urur kasta ku dadaalayey inuu noqdo ururka ugu taageerayaasha badan.

SomlegalAds

Gaadiid aad u faro badan oo kala duwan oo ay u badnaayeen gaadiid Rakaabka ee Basaaska oo ay ka buuxaan dad farobadan  oo sita calamada kala duwan iyo astaamaha u gaarka ah ururada ayaa lulaayey si ay u muujiyaan ururka ay taageersan yihiin, kuwaas oo dhex wareegayey magaaladda dhexdoodda iyo xarumaha xafiisadoodda, taas oo xanibay isku socodkii magaaladda.

Ciidamada amniga iyo ciidanka nabadgalyada wadooyinka ayaa heegan ahaa, isla markaana gaadiidka iyo dadweynaha soo buux dhaafiyey magaaladda kala wadday, inkastoo ay dadku aad u badnaayeen ururadanu xad dhaafeen hadana ma jiro wax dhibaato ah oo ka dhacay, waxaana goob kasta tagayey xubno ka socda guddida Diiwaangelin oo hubinayey in urur kasta buuxiyey shuruudan kunka qof ee laga rabay.

Guddoomiyaha guddidda Diiwaangelinta ururadda Mr: Cabdirisaaq Jaamac Cumar ( Ciyaale), ayaa markii ay kormeerkaasi qiimeynta soo dhamaysteen xafiiskiisa qaar ka mid ah warbaahinta ugu waramay, waxaanu sheegay inay si fiican ugu soo dhamaatay qiimeynta magaaladda Hargeysa shalay ka bilaabantay oo uu tilmaamay inay si fiican oo abaabul sameeyeen ururadda, islamarkaana uu ciidanka Amaanka ku amaanay sidii hufnayd ee ay ula shaqeeyeen, isago goboladda hadhsana ka dalbaday inay sidaas oo kale ula shaqeeyaan.

Guddoomiyaha gudidda Diiwaangelinta Cabdirisaaq Ciyaale oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “ Waxa maanta (shalay) maraynaa maalintii labaad ee Diiwaangelinta kunka qof ee xafiisyada ururada ka diiwaangashan iyo kunka qof ee madax taabashadda ah ee aanu hawshoodda ku jirnay, sida la wada socono shalay Boorame ayaanu ka soo bilawnay, maanta (shalay) caasimadda ayey ka bilaabantay”, isagoo intaas ku daray “Si fiican ayey hawshu noogu dhamaatay, ururaduna waxay muujiyeen diyaar garow aad u weyn, waxa hawsha fududeeyey oo sahlay ciidanka booliska, 15 urur waxa laga rabay kunka u diiwaangashan iyo kun qof oo uu xafiiska hortoodda soo tubo, magaalada Caasimada oo dadkeeddu badan yahay nin waliba inta uu doono ka heli karo laakiin abaabul  fiican ayey sameeyeen, waxaana Natiijadda sheegi doonnaa marka aanu lixda gobol soo dhamayno”ayuu yidhi Guddomiyaha guddida Diiwaangelinta Cabdirisaaq Ciyaale.

Si kastaba ha ahaatee, 15 ka Urur ayaa mid waliba xafiiskiisa soo buux dhaafiyey kun qof iyo wax ka badan, iyagoo ku kala tartamayey mid waliba inuu noqdo mid ka shacbiyad badan ka kale.

Waxa sidan oo kale ay guddidda Diiwaangelintubarika bilaabi doonaan magaaladda Berbera oo iyagu isku diyaarinay inay fagaarayaasha ku soo bandhigaan taageerayaashoodda, lana qiimeyn doono.

Wajigan labaad ee lagu kala reebayo ururadda waxaa ku xiggi doona wajiga Saddexaad oo lagu qiimaynayo inay shirweynahooda qabsadaan doortaana hogaankooda rasmiga ah, maadaama oo 15 ka urur guddoomiyeyaashoodda hadda uu yahay ku meel gaadh, taas oo ka mid ah qiimeynta lagu samaynayo ururadda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.