WorldRemitAds

Waxa magaalada Dubai ee dalka Isu taga imaaraadka carabta lagu soo bandhigay todobaadkii hore, muraayada indhaha ee dunida ugu qaalisan, taas oo qiimaheeda la sheegay inuu yahay ama lagu baayacayo, milyan iyo shan boqol oo kun oo lacagta dirhamka Imaaraadka ah, taas oo u dhiganta sadex boqol oo kun oo Yuuro.

Muraayadan ayaa shirkada samaysay ay sheegtay in sababta qiimaheedu u noqday xadi dhaafkan, ay la xidhiidho waxyaabaha ay ka samaysan tahay oo ah dahab iyo dheeman saafi ah, waxaanay shirkadu qoraal wakaaladaha wararka ay u dirtay ay ku sheegtay in Muraayadani tahay mid u qalanta qiimaha lagu iibinayo.

Muraayadan oo ah noocyada qaabka heerkoodu sareeyo loo farsameeyo, waxa sida ka muuqata loo farsameeyay hab dabiici ah, si qaabkeedu u noqdo mid farsamo ahaan iyo nashqad ahaan uu u sareeyo.

SomlegalAds

Waa muraayad si fudud loo furfuri karo oo qofka sitaa u qaadan karo hab aan jabitaan iyo dhibaato soo gaadhin, sidoo kale waxa ay muraayadani leedahay awood ay iskaga caabiyi karto in haddii xitaa lagu joogsado ay jabi karto.

Shirkada samaysay ayaa sheegtay in dalal badan oo dunida ah ay ku wareejin doonto hasa yeeshee ay Dubai u dooratay, muhiimada ay leedahay iyo sida ay u tahay magaalo ganacsiyeed ku haboon in lagu soo bandhigo waxyaabaha muhiimka ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.