WorldRemitAds

Sida ay ku warameen qaar ka mid ah wakaaladaha wararka ee aduunka nin u dhashay dalka Sucuudi Arabiya, ayaa dacwad ka dhan ah xaaskiisa la hor tagay, laanta awqaafta iyo arrimaha dhaxalka ee wasaarada caddaalada waaxdeeda magaalada Qadiif, ee dalka Sucuudi Arabiya.

Ninkan ayaa dalbanaya markii shanaad in laga furo xaaskiisa oo laga siiyo warqada, isaga oo sheegay in isagu dhiniciisa uu dalqadii kaga dhawaaqay, horana u go’aansaday inuu furo, waxa uu xusay in sababta uu xaaskiisa isaga furayaa la xidhiidho, dhuuqista badeecada ama Shiishada oo ay ku ibtilowday in ay joojisana diiday.

Ninkan odayga ah ayaa sheegay in gabadha uu furayo ay wada joogeen muddo todoba sanadood ah, carruur laba ahna u dhashay, laakiin nasiib daro ay ku ibtilowday dhuuqista Shiishada oo sida uu tilmaamay ay ka dhego adaygtay waano iyo talooyin badan oo uu ka siiyay iyo codsiyo uu kaga dalbaday inay joojiso.

SomlegalAds

Ninkan ayaa ku cawday in caafimaad daro badan ay ku hayso, isla markaana xidhiidhkii qoysnimo ee ka dhexeeyay ay xumaysay sidaa daraadeed uu go’aan ku gaadhay inuu si kama danbays ah u furo gabadhaas, dibna aanay isugu noqon.

Sheekh Maxamed Jiiraani oo ah, wakiilka laanta awqaafta iyo dhaxalka ee Qadiif u saartay in uu arrintan dhex dhexaadin iyo xal u raadin ka sameeyo, oo isna la hadlay saxaafada ayaa sheegay in sababta lamaanahan qoys isku jiidheen la xidhiidho, dhuuqista badeecada “Shiishada” oo ninku dalbaday in ay xaaskiisu joojiso iyo afadiisa oo ka dhego adaygtay, taas oo keentay in marar badan ay isku dhacaan.

Sida uu Sheekh Jiiraani sheegay, waxa ay iyagu dhinacooda galeen dhex dhexaadin marar badana way ku guul daraysteen oo labada dhinac mid walba mawqifkiisa ayuu si adag ugu dhegay, ugu danbayntiina waxa xalku noqday in labadaa qof kala tagaan oo dalaaqii halkaa ka dhaco, isaga oo sheekhu xusay in qoyskaasi u burburay fidno ka dhalatay shiishada oo ah, balwad iyo wax aan macno lahayn ama aan u qalmin in reer dhami ku burburo.

Sheekh Jiiraani ayaa sidoo kale sheegay in qadiyadan qoyskani isku seegay u ahayd mid ku ugub ah maxkamadooda, inkasta oo ay jireen ayuu yidhi, arrimo la xidhiidha qiijinta tubaakada qaybaheeda kala duwan oo bilihii u danbeeyay ashkato ka soo gaadhaysay, haddana ay tani noqonayso markii ugu horeeyay ee reer ku burburo sabab ka dhalatay qiijinta tubaakada gaar ahaan badeecada “Shiishada”.

Sheekhu waxa uu ugu danbayntii ka digay in xaalani noqoto mid qoysas badan u furta in ay isku furaan, isaga oo tilmaamay in taa badalkeeda ay ka fiican tahay in iyagu ay ka gaadhaan xal wada jir ah, si aanu qoyskoodu u burburin, qof kasta oo balwad lehna looga baahan yahay in haddii dhibaato ka soo gaadhayso uu iska daayo oo ka hadho.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.