Qulujeed: Caleemo-Saarkii Wabar Ka Dib Iyo Weerarkii Jabhadiisa

WorldRemitAds

[box type=”shadow” align=”aligncenter” class=”” width=””]”Qurbajoogga reer Qulujeed waxaan leehay dhaqaalihiina haku bixinina rasaas qoysaskiina lagu laayo, balse ku bixiya horumarkooda” Maayarka Qulujeed[/box]

maxresdefaultWarbixin: Maxamed Cumar Sheekh

Quljeed, Somaliland, October 26, 2015, (Saxafi) – Magaalada Qulujeed kana mid ah degmooyinka cusub ee Gobolka Awdal ayaa haatan ah Magaalo deggen isla markaana degaankeeda ay ka muuqdaan xoolo dhaqato iyo beeraley ku mashquulsan ilaalinta dalag ay ku beerteen roobabkii ugu dambeeyey ee halkaa ka da’ay.

WorldRemitAds

In kastoo ay magaalada ka dhacayaan dabaylaha jiilaalka, shaqooyin caynkaas ahina ka socon, balse waa magaallo haatan ciidamada miltariga ee deegaankaasi ku sugani camireen kuwaasoo ilaa badhtamihii sannadkan soohdinta ku hortaagnaa maleeshiyo beeleed ka amar qaadan jiray Wabar, balse haatan badankoodu ku soo xerooday dalka.

Qulujeed oo ah meeshii lagu doortay ama lagu caleemo saaray Suldaanka falaagoobay, ayaa buurta ay magaaladaasi ku hoos taalo ayaa bilowgii sannakan waxa ku xardhanaa magaciisa, hase ahaatee, maanta taa beddelkeeda uu ka muuqdo calanka Somaliland, lagana tirtiray Wabar. Qulujeed oo ah meeshii u horreysay ee maleeshiyada Wabar ka bilaabantay horaantii sannadkan, ayaan maanta magaaladaasi lagu hadalhaynin jabhadii u samaystay Wabar marka laga reebo warar ku tidhi ku teen ah oo ku saabsan guuldarada Jabhaddaasi soo gaadhay bilihii u dambeeyey.

Haddaba guud ahaan Waayaha Qulujeed ee maanta iyo wixii ka dambeeyey caleemo saarkii Wabar ayaa waxa aan ka waraystay Maayarka Magaaladaasi oo la yidhaa Maxamed Hoddoon Cismaan, waxaanu waraysiigisan ka bilaabay taarriikhda magaaladaasi ku leedahay beelaha Gobolka Awdal iyo Somaaliland intii ay jirtayba isagoo yidhi ”Magaaladan waxa la aasaasay 1957, waxayna ahayd meesha lagu gooyo talada siyaasadeed ee beelaha ay ka soo wada jeedaan madaxweynihii hore ee dalka iyo madaxweyne ku xigeenkii 2-aad laguna soo dooran jiray madaxdhaqameedyadda beelaha Samaroon iyo siyaasiyiinta beelaha deegaanka Boorama laga soo bilaabo 1960 oo lagu kala saaray marxuumiinta Aadan Faarax Abraar iyo Aadan Isaaq ilaa maanta waa sidii.

Markii u dhamaaday shirweynihii Boorama 1993kii, dawladnimadda maanta aan haysanaana lagu dhisay waxay reer Qulujeed ahaayeen kuwii u horreeyay ee ciidan ahaan u badheedhay difaaca dawladnimadaasi, ilaa maantana heeganka u ah inay daafacaan xaq-buu dalku nagu leeyahay oo waan soo xukumaynay 8 sanadood Qulujeedna ma noqonayso meel lagaga duulo Somaliland. deegaanku waa beeraley iyo Xoolo-dhaqato.”

Guddoomiyaha Qulujeed oo ka warramayay xaaladda degmada ayaa yidhi “Maanta waa nabadgelyo, ninkii aan halkan ku doorannay dhawr sannadood horteed ee suldaanka ahaa, waa kii na soo weeraray, waanan iska celinnay. Qulujeed waxa lagu dooran jiray hoggaan dhaqan oo wanaagsan iyo siyaasiyiin, laakiin ninkan waa nalagu khasbay oo beelaha uu suldaanka u yahay oo dhan baa nagu muquuniyey ee waan diidanayn in halkan lagu doorto Buurtaasaa lagu qoray magaciisa maantana kama muuqdo, waayo, waana lagu hongoobay doorashadaasi. Dadkii u dhashay magaalada qaarkood baa uu qoryo u soo dhiibay kuwa debedda joogaana dhaqaale ayay siiyeen, waxaan leehay waar dhaqaalaha ku bixiya horumarka dadkiina, laakiin haku bixinina rasaas lagu laayo qoysaskiina, waxaan leeyahay reer Qulujeedkii ka aflaxay halkan waxay dhisaan magaalooyin kale, waa taa Qulujeed weli girgidihii gaboobay ka muuqdaan waanan dumin doonaa dhawaan foolxumadooda.”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.