WorldRemitAds

Cabdillaahi BudulBy Cabdillaahi Budul

Barnaamijka Iskaa wax u qabso la yidhaahdo oo ah barnaamij bulshada u leh faa’iido iyo waxtar marka loo eego hanaanka wada jirka ah ee wax wada qabsi lagu hirgeliyo dhinacyada beeraha, wadooyinka goobaha dalxiisyada, dhismayaasha qaranka iwm.

Barnaamijkan oo jiray xilliyadii kacaankii Somaliya ee Siyaad Barre hogaaminayay ayaa xukuumadaasi waxay ka faa’iidaysatay iska wax u qabso. Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo xilligaasi Somalia ahayd magaalo madaxda labaad ee Somalia ayaa laga hirgeliyay hawlaha iska wax u qabso lagu dhisay oo laga faa’iidaysatay muraqa dadweynaha.

SomlegalAds

Maanta oo laga joogo xilligii Somaliland Somalia ka go’day 24 sanadood ayaa barnaamika iska wax u qabso laga aqoonin, iyadoo iskaa wax u qabso uu leeyahay horumar iyo wax qabad balaadhan lagaga faaiidaysto xooga dhalinyarada maqaaxiyaha iyo gidaarada iska horfadhiya ayaa lagu gaadhaa barwaaqo.

Waxaan aad u xasuustaa anaga oo arday ah todaabatanaadkii ayaa xarunta dhimirka ee cusbitaalka guud iska wax u qabso lagu dhisayay waxa taagnaa gaadhi Radio Hargeysa lahayd oo hees wacyigalin ahi ka socoto, waxa midhihii ka mid ahaa “Aan kuu sheegee shaqaaluhu waa sharaftii dhulka sharaxaysay. Waa kuwa shiilla camuudee kala shuba ka shaandheeya macdantee, kala shiillee u shin tiriyee inba meel ku shiraba’e” anaga oo qiiraysan ayaanu buuggaagtii dhulka dhignay oo labanka iyo dhagaxa qaadnay oo ka qayb qaadanay iska wax u qabso, waan xusuustaa oo Hargeysa goobo badan ayaa nidaamkaasi lagu dhisay.

Waxa loo baahan yahay in barnaamijkaasi dalka laga hirgeliyo oo xukuumdu dadweynaha ku wacyigaliso in iska wax u qabso iska daa wax kale dooxyada biyaha soconaya xilli roobaadka aynu dhaamam ka hirgelino aynu xilliyada jiilaal cadaadiga kaga samata baxno oo xooluhu inoo cabo.

Maaha taladu inaynu fadhi ku dirir iyo siyaasad ku xiiqno waa in bulshada la jiheeyo oo la wacyigaliyo inay iska wax u qabso kolba meel gacanta la saaro.

Bal u fiirso wax kasta oo aynu cuno iyo xidhano dibada ayaa laga soo waaridaa, wax aynu soo saarno oo aynu dhoofinaana ma jiro waa ayaan daro inaga dhulkeena beeran waynay, waa nasiib daro in xilli roobaadka dooxyada biyaha soconayaa inaga oo aan ka faa’iidaysan ay bada ku daraan.

Waxaa loo baahan yahay in talo qaran lagaga gudbo duruufaha qalafsan ee dalkeenu iyo ummadiisuba ay ku sugan yihiin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.