WorldRemitAds
Wasiirka arrimaha gudaha dalka Pakistan ayaa xaalad adag kala kulmay rakaab ay ku wada safri lahaayeen, diyaarad ka mid ah kuwa shirkadda diyaaradaha Pakistan, ka dib markii rakaabkii diyaarada oo ka cadhooday, habsaan uu kaga dib dhacay muddo labo saacadood ah xiligii duulimaadka.

Sida wakaaladaha wararka dunida qaarkood ku warameen waxa wasiirka iyo rakaabka isku diray dib u dhac, wakhti badan qaatay oo uu wasiirku kaga habsaamay diyaarada inuu soo koro, waxaana rakaabka badankoodu aaminsanaayeen in cilad farsamo oo dhinaca diyaarada ah ay u xaniban yihiin.
Rakaab ka cadhoodayLaakiin waxa mar kaliya xaaladu is badashay markii ay dadkii rakaabka ahaa ee diyaarada saarnaa arkeen wasiirka iyo dhawr qof oo wehelinaya oo diyaarada soo koray, ka dibna fadhiistay kuraas si gaar ah loogu diyaariyay.
Wasiirka arrimaha gudaha dalka Pakistan Rehman Malik ayaa markii uu diyaarada soo galay ee uu fadhiistay, kursigii loogu talo galay, waxa markiiba hadal iyo buuq ka dhex bilaabmay isaga iyo rakaabka, waxaana dhacday in si deg deg ah la isku af dhaafay.
Markii xaaladu heerkaas gaadhay ayaa rakaabkii diyaarada saarnaa oo ilaa labo boqol iyo konton qof tiradoodu gaadhaysay, mar qudha isla oogsadeen iyagoo ku qaylinaya ha la dejiyo wasiirka ama anagaa ka degayna.
Qaylada ayaa kala joogsan wayday, ilaa ciidamada ammaanku soo dhex galeen, laakiin way ku guulaysan kari waayeen inay rakaabkii qanciyaan, waxaana lagama maarmaan noqotay in wasiirka laga reebo diyaarada oo sidaa lagaga soo dejiyo.
Markii diyaarada laga dhaadhiciyay wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Pakistan Rehman Malik, ayaa rakaabku bilaabeen inay is bogaadiyaan, iyagoo ku faraxsan in go’aankoodi u fulay oo rabitaankoodi ay kaga dhabeeyeen, ka dibna waxa duulimaadkii bilowday diyaarada shirkada Pakistan Airline ee duulimaadkeedu ahaa PK 370, taas oo ku kala gooshaysay Karachi iyo Islamabad.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.