WorldRemitAds
Wiil yar oo da’diisu toban jir dhawr bilood ka dib noqon doonto oo u dhashay dalka Maraykanka, ayaa ka mid noqday dadka ugu saamaynta badan dalkaas, warbaahintuna sida wayn uga warantay ee wargeysyada badankooda uu sawirkiisu bogooda hore ku soo baxayay todobaadkii ugu danbeeyay.

Wiilkan yar oo lagu magacaabo Jack Swanson, ayaa telefishan maxali ah oo u yaala Texas ka daawaday, masaajid muslimiintu lahaayeen oo ay gubeen kooxaha cadaanka xag jirka ah ee gobolkaas ku dhaqan, waxaanu waalidkiisa oo kiristaan ah ka waraystay masaajidkan la gubay waxa uu yahay?
Toban Jir Maraykan ahMarkii ay u sheegeen inuu ahaa goob sida kaniisada oo kale muslimiintu ugu cibaadaystaan, ayuu haddana waydiiyay? Sababta ay dadkii gubay ku maageen ee ay dabka u qabadsiiyeen? Waxaanay hooyadii u sheegtay inay dad xun yihiin, oo ay ceeb tahay in meelaha cibaadada la gubo, Illaahayna cidii gubta ciqaabayo.
Hooyadii ayuu waydiiyay, cida gubta ama dhibaato u gaysata meelaha cibaadada haddii Alle cadaabayo, kuwa dhisa ama wax siiya maxay helayaan? Waxaanay u sheegtay inay khayr badan heli doonaan.
Ka dibna waxa uu Jack Swanson, go’aansaday inuu labaatan dollar oo lacag ah ugu deeqo, taas oo ahayd nusasacihi iskuulka loo siiyay, oo uu urursaday, kuna talo jiray inuu hadhow marka uu waynaado uu iPad, ku iibsado sida uu sheegay.
Muslimiinta gobolka Texas ee dalka Maraykanka ayaa wiilkan yar u sameeyay xaflad wayn, si diirana u soo dhaweeyay, warbaahintana ka baahiyay, waxaanay uga mahad naqeen dedaalka iyo niyada wanaagsan ee uu sameeyay.
Qaar ka mid ah masuuliyiinta guddida muslimiinta gobolkaasi leeyihiin ayaa iyaguna u balan qaaday in marka uu waynaado ay u iibin doonaan, iPad-ka uu nusasaacihiisa u urursaday, ka dibna lacagtii uu ugu talo galay uu ku caawiyay dhismaha masaajidkan ay gubeen kooxaha cadaanka xag jirka ah.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.