WorldRemitAds

Safiirka Somaliland Ee UAE ayaa markii u horeysay ka hadlay isbedelada Mandaqadda Geeska Afrika iyo doorka ay dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatku ku leeyihiin

Dubai, UAE, September 23, 2018 (Al-Ain/Saxafi) – Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u jooga dalka Imaaraatka Carabta, Xasan Hirad Yaasiiin, ayaa sheegay in xidhiidhka ka dhexeeya labada dal ee Imaaraatka Carabta iyo Somaliland uu yahay mid qiime weyn leh oo soo-jireen ah.

SomlegalAds

Ambassador Xasan Hirad Yaasiin, ayaa sidan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey warbaahinta Al-Ain, kaas oo dhinaca kalena noqonaya markii ugu horeysay ee uu Safiirka Somaliland ee Imaaraatka Carabtu warbaahinta la hadlo, waxaanu sidoo kale sheegay in soddonkii sannadood ee u dambeeyay uu dalka imaaraatka Carabtu ahaa marinka keliya ee ganacsi ee ay Somaliland  lahayd, sidaas darteedna la odhan karin xidhiidhka labada dal u dhexeeyaa inuu yahay mid cusub, balse uu yahay mid taariikh dheer leh.

Safiirku waxa uu sheegay in mashaariicda maalgashi ee la filayo inay labada dal dhexmartaa ay yihiin kuwo aad u badan, iyadoo mashaariicda ilaa hadda ay Imaaraatku ka fuliyeen am aka fulin doonaan ay yihiin kuwo kala duwan oo dhinacyada horumarinta ah, iyo weliba marka lagu daro heshiisyada ganacsiga iyo kuwa xaga bina aadamnimada ah.

“Imaaraatku waxa ay shacbigayaga caawiyeen wakhtigii dhibaatada duufaanadu ku habsadeen iyo wakhtigii Abaarahaba, waxaanu leenahay marnaba noomaydaan yaraysan, ee Illaahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo,” ayuu yidhi Safiirka Somaliland ee Imaaraatka Carabtu.

Waxa kale oo uu Xasan Hirad mahadnaq ballaadhan ugu jeediyay doorkii ay taageerada Somaliland ku lahaayeen madaxda dalkaas, isagoo si gaar ah mahadnaq ugu jeediyay Madaxweynaha dalkaas Sheekh Khaliifa Bin Zayed Al Nahyan, Ku-xigeenkiisa ahna Raysal-wasaaraha Imaaraatka isla markaana ah Madaxweynaha Imaaraadda Dubai sheikh Maxamed Bin Rashid Al-Maktuub iyo Sheekh Mohammed bin Zayed Al Nahyan oo ah Dhaxalsugaha Amiirka Abu Dhabi isla markaana ah Ku-xigeenkii Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee UAE.

“Waxaan u mahad celinaynaa hoggaamiyeyaasha caqliga leh ee fududeeyay furitaanka Xafiiska Ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee Dubai, halkaas oo shaqada ugu weyn ee Xafiisku ay tahay in la horumariyo xidhiidhka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo inuu fududeeyo xidhiidhka ganacsiga iyo maalgashiga labada dal,” ayuu raaciyay Amb. Xasan Hirad Yaasiin.

Safiirka Somaliland Ee UAE: Sucuudiga Iyo Imaaraatku Door Weyn Ayey Ku Leeyihiin Mandaqadda Geeska Afrika Dhinaca kale mar uu Safiirka Somaliland ka hadlay doorka Sucuudi Carabiya iyo Imaaraatka Carabtu ku leeyihiin nabadeynta laga waddo mandaqaddan Geeska Afrika waxa uu yidhi: “Dedaalka Saudi Arabia iyo United Arab Emirates ee Mandaqadda Geeska Afrika waa mid shaqaynaya, isla markaana waxay doorka ay ka qaadanayaan waa mid si weyn u muuqda dhinacyada xalinta khilaafaadka iyo xaqiijinta dib u heshiisiinta ee u dhexeeya dhinacyada is-haya oo dhan, sidoo kale waxaa dalalka mandaqadda la leeyihiin danno ganacsi, siyaasi iyo kuwo amniba. Dhammaan arrimahaas oo dhamina waxay aasaab u yihiin xoojinta xidhiidhka istaraatijiyadeed ee u dhexeeya Imaaraatka, Sucuudiga iyo wadamada Geeska Afrika.”

Safiirka Somaliland ee UAE, Danjire Xasan Hirad oo ka hadlayay Maalgelinta lagu horumarinayo dekedda Berbera waxa uu sheegay in dekedda Berbera ku taalo buqcad istaraatiji ah oo ku xidhan marinka Badweynta Hindiya, isla markaana Juqraafi ahaana dhacda bogcadda u dhexaysa labada qaaradood ee Afrika iyo Aasiya.

Isagoo arrimahaas ka hadlayana wuxuu yidhi Ambassador Hirad “DP World waa shirkadaha hoggaamiya maamulka dekedaha ee Caalamiga ah, waxaanay doorashadeeda inay maalgelin iyo horumarin ku samayso dekedda Berbera oo ah mid istaraatiji ah ka dambeeyay qorshaha la doonayo inuu xidhiidhkii labada dal ka dhexeeyay looga dhigi lahaa mid wax wada-qabsi, sidaas darteed, annaguna waanu qadarinaynaa sida ay dawladda Imaaraatku u danaynayso inay maalgeliso jamhuuriyadda Somaliland, waxaanuna dedaalkayaga ugu badan gelin doonaa sidii aanu arrimahaas ugu fududayn lahayn isla markaana mashruucaasi u noqon lahaa mid guulaysta.”

Safiirka Somaliland Ee UAE: Sucuudiga Iyo Imaaraatku Door Weyn Ayey Ku Leeyihiin Mandaqadda Geeska Afrika Safiirka Somaliland ee UAE isagoo ka jawaabay su’aal laga weydiiyay mawqifkii dawladda Somalia kaga fal-celisay heshiiska ay wada galeen DP World iyo Somaliland ee horumarinta dekedda Berbera, waxa uu yidhi: “Waxaan odhan lahaa Dawladda Federaalka ah ee Daciifka ah ee Muqdisho inay ka shaqeeyaan danaha shacabkooda iyo inay hagaajiyaan dhibaatooyinka faraha badan ee haysta intay ku mashquulayaan arrimaha dalalka kale, dunidu way horumartay, isla markaana mashaariicda maalgelineed ee lagu horumarinayo dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland maaha kuwo ay xaq u leeyihiin xukuumadda Muqdisho inay ka hadlaan ama ay soo farageliyaan. Sidaas oo ay tahay haddana annagu mar walba waxaanu jaarkayaga u rajaynaynaa inay amni iyo nabad helaan.”

Ugu dambayntii Safiirka Somaliland ee UAE, Xasan Hirad Yaasiin waxa uu hambalyo u diray madaxda iyo shacabka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya, oo uu ugu hambalyeeyay sannad-guuradda 88aad ee Madaxbanaanidooda.

“Waxaanu ugu hambalyeynaynaa Sucuudiga maalinta Qarannimadooda, waxaanu leenahay hambalyo Sucuudigow, hambalyo shacabka karaamada leh ee Sucuudigow, waxaanuna Illaahay u weydiinaynaa inuu barakeeyo Sucuudiga, kuna arsaaqo Amni iyo nabadgelyo,” ayuu hadalkiisa ku soo geba-gebayeey Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Imaaraatka Carabta, Amb. Xasan Hirad Yaasiin oo wareysi markii ugu horeysay siiyey Al-Ain Al-Akhbariya.

Wareysigan oo luqadda Carabiga qornaa waxa lagu baahiyay Al-Ain Al-Akhbaria

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.