Muuqaalka Askari Ka Tirsan booliska dalka Brazil oo Xaaskiisi ku dilay badhtamaha Suuq wayn oo ku yaala magaalada Uberlandia ee dalka Brazil, askarigan 46-jir ah, ayaa 11 xabadood oo rasaas meel dhow kaga toogtay markii ay dhimatayna ka tagay.
Rodrigues Carneiro lana sheegay inuu 46-jir, yahay, waxa uu ku sii dhuuntay meel uu filayay in xaaskiisu iman doonto, ka dibna markii uu arkay ayuu ku carraray oo uu dhex eryaday, jid wayn oo mashquul ah, laakiin xaaskiisi Veridiana Rodrigues Carneiro, oo 36-jir ahayd, kumay guulaysan inay ka baxsato waxaanu masaafo aad u gaaban kaga furay 11 xabadood oo rasaas ah.
|
Like this:
Like Loading...