WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, February 09, 2019 (Saxafi) – Sirdoonka Somalia ayaa qoraal ay soo saareen 17-Kii bishii Julay ee aynu soo dhaafnay waxaa ay kaga dalbadeen Raysal-wasaare ku xigeenka dalkaas Mahdi Axmed Khadar inuu ku wareejiyo shaqaale uu ogaansho la’aan kaga hawlgeliyay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Qoraalkan oo lagu socodsiiyay Khadar, Islamarkaana ogaysiis lagu siiyay Madaxweynaha iyo raysal-wasaaraha Somalia, ayaa waxaa tixraaciisu yahay, HSQN/XT/021/18. Waxaana ujeedadeedu tahay maamulka hantidda Sirdoonka. Qoraalkaasi waxaa uu u dhigan yahay sidan. “Sida uu dhigayo dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, waxaa aad la socotaa in HSQN oo kali ahi ay u xil-saaran tahay ilaalinta iyo hawlgelinta hantida sirdoonka sida ay u dhan tahay.

Haddaba, waxaa MIT naga soo gaadhay warbixin sheegaysa inaad adigu shakhsiyan gacanta ku hayso, hanta qaali ah oo sida oo kale aad hawl gallo aan lala socodsiin HSQN aad ka fulinayso gobolada waqooyi galbeed (Hargeysa).

Arrintani waxaa ay ka hor imanaysaa dastuurka, waxaana ay khatar gelin kartaa hantida aad gaarka u maamulayso adiga oo aan haysan khibradda iyo aqoonta looga baahan yahay in lagu hawl-geliyo hantidan si ay u keenaan hadafka madaxweynaha ee ku waajahan ilaalinta midnimadda dalka.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Sidaas darteed, waxaan si maamuus leh kaaga codsanaynaa inaad si deg-deg ah noogu soo wareejiso arrimaha la xidhiidha muwaadiniinta aad maamusho ee KHCL**27422.

Wada shaqeyn wacan.”

Qoraalkan waxaa ku saxeexan Xusseen Cismaan Xuseen oo ahaa agaasimaha guud ee HAY’SQN. Xilkaas oo uu iska casilay bishii October 13-keedii sanadkii hore ee 2018.

?

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.