Somaliland: Hay’adda HRW Oo Warbixin Ka Soo Saartay Tacadiyadda Dadka Dhimirka Wax Ka Qaba

0
32
PropellerAds

Hargeysa, Somaliland, October 27, 2015 (Saxafi) – Hay’adda xuquuqul insaanka HRW ayaa sheegtay in dadka dhimirka wax ka qaba lagu tacadiyo Somaliland, isla markaana ay jiraan xarumo badan oo loo samaystay in lagu dhibaateeyo dadkaasi.

Warbixinta oo ka kooban 81-bog oo cinwaan looga dhigay “Tacadiyada ka dhanka ah dadka cudurda dhimirka qaba ee ku nool Somaliland “, ayaa waxaa lagu ogaaday in ragga looga shaki qabo xanuunka dhimirka ay wajahaan xadhiga xadgudub ah garaac, daweynta qasab ah iyo in la geeyo xarumo caafimaad oo guud ama gaar loo leeyahay oo buux dhaafay. Intooda badan raali kama aha in la xidho islamarkaana awood uma laha in ay diidan xadhigga Gaar ahaan goobaha gaarka loo leeyahay ayaa dadka qaba xanuunka dhimirka waxa ay wajahaan ciqaab iyo jeebayn waqti dheer jirta, in kali loo xidho, oo la karantiilo weliba lagu soo rogo xayiraado adag oo dhanka dhaqaqaaqa ah. Daraasada ayaa ay ogaaday muhiimada adeegyada caafimaadka maskaxda ay u leedahay deegaannada kasoo kabanaya dagaalka. Sida ay sheegatay hay’aada caafimaadka Adduunka, Somaliland ayaa waxaa ku jira heer sareeya oo ah xanuunka dhimirka.

 “Halkii ay ka siin lahaayeen daweyn ku habboon oo ay raali ka yihiin ama soo kabsasho, ayaan xarumaha waxa ay ku dhaqaan dadka ku nool xeerar la mid ah kuwa xabsiga, karantiilida iyo daweyn qasab ah” waxaa sida tidhi Laetiti Bader, oo ah cilmi baadhe Human Rights Watch uu qaabilsan Afrika. Waxa ayna intaa ku dartay “mas’uuliyiinta Somaliland waa in ay si degdeg ah wax uga qabtaan tacaddiyada ka dhaca gudaha xarumaha lagu daweyo dhimirka “

Human Rights Wetch ayaa waxa ay daraasad ka sameysay magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Gabilay, waxaan ay wareysatay in ka badan 115 qof, oo ay ka mid yihiin 47 qof oo looga shakiyay ama qaa xanuunka dhimirka, kuwaas oo xarumo lagu hayay. Intooda badan waxa ay wejaheen tacaddiyo. hannaanka asaasiga ah, dusha kala socoshada

201510_AFR_Somaliland_MentalHealth_IMG_0495_381Qaababka ay cadaalad ku heli karaan ayaan dhammaantooda jirin. Daraasada ayaa inta badan diiradda saartay xarumaha gaarka loo leeyahay ee lagu daweeyo dadka cudurada dhimirka qaba ee ku yaalla Hargeysa. Maadaama inta badan xarumahaasi lagu hayo rag, ayaa waxyaabaha lagu ogaaday daraasadda waxa ay inta badan ka hadalyaan xaaladahooda, inkasta oo haweenka cudurada dhimirka qaba ay sidoo kale la kulmaan tacaddiyo ba’an

Somaliland ayaanan keydin macluumaadka rasmiga ah ee ku saabsan tirada dadka qaba xanuunka dhimirka, balse daraasado la sameeyay ayaa muujinay in tirada dadkaasi ay aad u sareyso, iyadoo middaa loo tiirinayo rabshadihii iyo jah-wareerkii ka dhashay dagaalki sokeeye, adeegyada caafimadka oo aan jirin iyo cunista badan ee jaadka, muddo sanado ahba dadka qaba xanuunka dhimirka ay faraha laga qaadi jiray, iyagoo wajihi jiray faquuq ay bulshada kala kulmaan, ama waxa ay inta badan tiirsanaan jireen qaraaabo aan fahansanayn oo aan macluumaad badan ka haysan xaaladooda caafimaad, isla markaana aanan haysan cid caawisa.

Sanadkii 2014-ka, ma’uuliyiinta Somaliland ayaa ansixiayay qorshayaal u aqoonsanaya dadka qaba xanuunka dhimirka in ay yihiin kuwa muhiimada gaar ah leh, waxaana ay ku baaqeen in la diyaaariyo xeer waafaqsan Axdiga xuquudada Dadka Naafada ah, Haseyeeshee qorshayaashaasi lama meel marin, tageerada caalamka ee ku aaddan adeegyada. Caafimaadkana waxa ay si weyn u hareer martey daryeelka caafimaadka dhimirka.

Somaliland ayaa iminka waxaa ka hawlgala oo keliya laba dhakhtar oo ah kuwa dabiibo xanuunka dhimirka kuwaasoo ay tahay inay daweeyan qiyaasti 3. 5 milyan oo qof

Sanadihii dambe, waxaa Hargeysa ku soo batay xaruumaha gaarka loo leeyahay ee lagu daweeyo xanuunka dhimirka, kuwaasi oo ka faa’iideysanaya baahida ballaadhan ee loo qabo adeegooda, iyadoo, ay markii hore jireen tiro kooban oo xarumahaasi ah oo ay dadweynaha leeyihiin isla markaana burbursan oo aan dhaqaale badan haysan Adeegyada iskaa wax qabso ah ee bulshada ayaan jirin

Halkii ay daryeel caafimaad oo ku habboon iyo la talin u sameyn lahaayeen dadka ay ogolaanshaha ka heystaan, ayaa xarumahaasi waxa ay inta badan yihiin kuwo dadka lagu hayo oo karantiilay ah, sidan ay ogaatay Human Rights Watch. Inta badan dadka la wareystay ayaa sheegay in ayagoon raali ka ahayn ay xarumahaasi geeyeen ehelkooda. Qaarkood ayaa halkaa lagu hayay ila shan sano iyagoo aan awood u lahayn in ay diidaan xadhigooda tiro ka mid ah dadka halkaasi lagu hayo ayaa keenay qurbaha.

Ilaalada iyo shaaalaha kale ee xarumaha gaarka loo leeyahay ayaa dadka ku haya deegaan aad u ilaalisan, marmarka qaar ay ciqaab ku jirto, waxaaana ay kula dhaqmaan xadhig, jadwal adag, karantiil dheer, garaacid iyo jeebayn. Jeebaynta ayaa inta badan la adeegsadaa marka dadkaasi la geeyo xarumaha gaarka loo leeyahay. Si loo xakameeyo iyo walib qaab ciqaab ah, inkastoo aanay aad u badnayn, waxaa sidoo kale jeebaynta laga adeegsadaa qeybta lagula tacaalo xanuunka ee cisbitaalka Guud ee Berbera.

“Waa xeer u yaalla dhammaan dadka cusub in ay jeebaysnaadaan” waxaa sida yidhi nin 27 sano jir ah oo muddo laba bilood ah ku qaatay xarun gaar ah kaddiba markii ay halkaasi si qasab ah ku qeeyeen waaldkiis. waxa uu intaa ku daray “waan jeebaysnaa labdii bilooda ee aan halkaasi joogay. Waxaan dareemay sidii in xoriyadda la iga qaaday”.

Qaybta dhimrka ee cisbitaalka Hargeysa ayaa kan keliya ee Human Rights Watch ku aragtay in aanay ku jirin jeebayn. Waa in xarumaha kale ee ay dawladdu maamusho ama kuwa gaarka loo leeyahay ay ku daydaan tusaalaasi, ayay tidhi Human Rights Wetch.

Human Rights Wetch ayaa sheegtay in ilaalada ay marmarka qaar garaacaan dadka xarumaha xidhan ee diida in ay dawadoodan qaataan, ama raacaan amarada ama muujinay calaamadaha dabeecado gardara ah.

“Shalay, mid ka mid ah bukaannada ayaa la dagaallamay waardiyaha, kaddib waxay ku garaacaan suun “, waxaa sidaa yidhi bukaan ku jira goobaha gaarka loo leeyahay ee lagu daweeyo xanuunka dhimirka. Waxa uu inta ku daray. ”Waxa uu rabay in lagu furo silsiladda shan ilaa lix jeer ayay la dhaceen suunka “.

Qaar ka mid ah dadka ku jira xarumaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa lagu qasbaa dawooyinka, ama la suuxiyaa si loo siiyo. Dawooyinka dhimirka ayaa inta badan loo qora, iyadoo lagu saleynayo baadhitaan caafimaad oo aan laga fikirin. Bukaanka ayaan inta badan loo sheegin waxa laga helan.

Human Rights Wetch ayaa ogaatay in inta badan ay xarumaha ku guuldaraystaan sidii dadkaasi ay bulshada ugu laaban lahaayeen. Waxay bixiyaan hawlo faro ku tiris ah oo macno leh. Inta badan dadka ku xidhan xarumaha gaarka loo leeyahay ayaa waqtigooda ku qaataan gudaha qolalkooda, iyagoo inta badan jeebaysan, ama ku jirta qolal xidhan oo mararka qaar mugdi ah

Human Rights Wetch ayaa sheegtay in wax ka qabashada dhibaatada xanuunada dhimirka ee Somaliland ay u baahan tahay dadaal dheeri ah. Dowladda ayaa howshaasi ka bilaabi karta iyadoo mamnuuceysa jeebaynta, nidaamineysa oo dusha kale soconeysa dhammaan xarumaha lagu daweeyo dhimirka, iyo iyadoo xaqiijineysa in dadka xarumahaasi la geeyo haystaan qaab ay cadaalad ku heli karaan

Waa in sidoo kale ay Somaliland diiradda saartay hakinta tallaabooyinka dadkaasi xarumahan lagu geynyo, ayna la shaqeysaa dadkaasi qaba xanuunka dhimirka, qoysaskooda, iyo bulshada oo ay ka mid yihiin qurba joogta si wax looga qabto faquuqa dadkaasi lagula kaco. Dawladdu waa in ay sameysaa habab ku haboon oo ay dadka dhimirka qaba ay ku noolaanayaan ammaan, madax bannaani iyo sharaf bulshada dhexdeeda ah

Marka la eego tirada badan ee dadka xarumaha dhimirka loo geynayo adeegsiga jaadka awgiis, mas’uuliyiinta waa in ay dadka daroogada adeegsada u sameeyaan adeegyo la mid ah kuwa heerka bulshada.

Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ay hawlwadaaga ayaa hadda dib u eegis ku sameynaya qorshayaasha caafimaadka, waana in ay fursaddaas uga faa’iideystaan sidii ay caafimaadka maskaxda ugu dari lahaayen qorshahooda iyo barnaamijadoodd, waxaa sida tir Human Rights Wetch.

Somaliland oo gacanta ku helaysa hay’adaha caalamiga ah ee ay howlwadaaga yihiin waa in ay shaqaalesiisa ayna tababartaa xirfadlayaal badan oo dhanka dhimirka ah, ayna ku dadaashaa bixinta daryeelka asaasiga ah e caafimadka maskaxda, ballan qaadida helitaanka daweeynta iyo la talinta ku dhisan madax bannaaanida iyo ogolaanshaha bukaanka iyo xaqiijinta in si joogta ah nidaamnsan loo helo daweeyinka dhimirka. dowladdu waa in sida kale ay xoojisaa siyaasadeeda ku aadan caafimaadka maskaxda, iyo hirgelinta qorshayaashaasi, oo ay ka mid tahay ansixinta xeerka caafimaadka maskaxda kaasoo waafaqsan heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

“Waa hayb sooc;in xarumo lagu hayo mudda dheer dadka qaba xanuunka dhimirka waxaana ay xadgudub ku tahay xaquuqdooda asaasiga ah. Mana siiineyo adeegyada ay u baahan yihiin” ayay tidhi Bader, oo intaa sii raacisay “Balse, Somaliland waxa ay fursad u haysataa in ay dhisto nidaam dadka qaba xanuunka dhimirka siinaya taageero iyo walib madax bannaani.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.