WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, May June 3, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif, ayaa sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan tira koobka dadka barakacayaasha ah ee dalka iyaga oo meesha ka saaraya dadka dadkaas ku dul gabada.

Waxa uu guddoomiyahu sida oo kale shaaciyay in dalka ay ku soo waajahan yihiin wiigan laba diyaaradood oo sida tahriibayaashii Somaliland ee ku dhibanaa dalka Liibiya kuwaas oo haayada IOM ay fududaysay soo celintooda, waxaana isaga oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay uu yidhi “Waxaan leeyahay waxii masiibo dalka ka dhacay waa tii loogu gurmadka iyo degdega badnaa, walina gurmadkiisii iyo qayla dhaantiisii ay socoto, dawlada gurmadkeeda kumay koobsan gobalada dhibaatadu soo gaadhay oo kaliyaata ee waxa jira gobolo hore oo dhibaato soo gaadhay oo abaarii is daba jooga ah ay ka soo gaadhay oo gobaladii bariga ahaa, Togdheer iyo waxii bari ka xiga runtii gurmad xoog leh ayay dawladu u fidisay oo imika ka socda gobalka Saraar,Sool iyo Sanaag, raashin xoog ah oo 18 kun oo qoys ah ayaa la qaaday, haayadaha dawlada iyo haayado islaami ah ay wada fulinayaan, dawlada Sucuudiga haayad ka mid ah ay bixisay.”

SomlegalAds

Guddoomiyaha oo ka hadlaaya dadka barakacayaasha ah iyo talaabooyinka ay dhankooda u qaadayaan waxa uu yidhi”Rabadaan markay baxdo in aanu isku dayno inaanu barakacayaasha rasmiga ah aanu ka helno tirakoob rasmi ah oo aanu u baxno oo shaqaale u kala dirno oo kaamamka loo kala baxo, si tirada dhabta ah loo helo oo caagluu uu ka baxo, si loo garan gako maxaa loo qaban karaa iyo dadkaas sidee wax loogu qabtaa.”

Ugu danbayntii waxa uu guddoomiye Xinif hadalkiisa ku soo gunaanaday “Dhalinyaradeenii faraha badnayd ee Liibiya ku xidh-xidhnayd ayay soo celintoodii hada bilaabmatay oo aanu filayno wiigan inay laba duulimaad ay madaarka Hargeysa ka soo degeen.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.