WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, June 3, 2018, (Saxafi) – Golaha Wasiirrada dawlada Ethiopia ayaa shalay ansixiyay sharci ogolaanaya in la qaado xaaladda deg dega ah ee dalkaasi saarneyd tan iyo bishii February  ee sannadkan.

Bandooga  ayaa ka danbeeyay ka dib mudo bilo ah oo ay dalkaasi ka dhacayeen rabshado ruxay gobollo badan oo Itoobiya ah kuwaas oo lagaga soo horjeeday dawlada.

SomlegalAds

Madaxa xafiiska Ra’isulwasaaraha, Fitsuma Arega ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay dib u eegeen xaaladda amni ee Itoobiya, ka dibna ay isku raaceen in dib loo soo celiyay amnigii iyo kala danbeynti.

Qaraarkan ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa loo gudbin doonaa baarlamaanka Itoobiya si uu u qiimeeyo. Lama oga waqtiga rasmiga ah ee ay ka doodi doonaan.

Tallaabadan  ay dawladda ku qaadeyso xaaladda deg dega ah ee saarneyd dhamaan Itoobiya ayaa noqoneysa isbadalkii ugu weynaa ee uu Ra’isulwasaaraha cusub ee dalkaasi la yimaado.

Raysal-wasaare Abiy Axmed ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu Ethiopia ka sameeyo isbadallo siyaasadeed waxaana qaaday talaabooyin door ah oo la soo dhaweeyay, gaar ahaan sii  daynta maxaabiis door ah iyo isu soo dhaweynta qoomiyadda kala irdhoobay ee Somalida iyo Oromada.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.