WorldRemitAds

Somaliland Xurmo Aadmi Iyo Xoriyo Nololeed, Maxaa Ka Xayiray? W/Q: Ifraax Cali Kirix

Afar sannadood iyo badh god ku jir adoo nool, garaadka miyay gashaa? Aan holado qalinkana aan u qaado biyo dhaca nuxurka qoraalka kor ku xusan. Waa agoon, waana rajay, dal iyo dadtoona garaneyn duruufta ugu weyna ay ku dhex qabsatay Somaliland.

SomlegalAds

Waa wiil mudo 4 sano iyo badh ah ku xidhan xabsiga. Isagoo aan la eegin qiimaha dadnimo ama lagu qiimeyn qaayaha Aadmigu uu nolosha kaga jiro. Waxa u ilaa imika u xidhan yahay ‘su’aal markaad waydiiso hay’adaha ku lug leh amaanku ku siinayaan jawaab cilmiyan iyo caqliyan dhaqan ahaan aanad ku qancayn oo ah waxa uu u xidhanyahay dawlada Denmark. Runtii waa wiil ka yimid dalkaas aan kor ku xusay ee DENMARK, balse loo haysto danbi ayuu ka soo galay dalkaasi is waydiintu waxa ay tahay. SOMALILAND ma Denmark ayaa laga maamulaa.

Somaliland miyaanay xaq u lahayn in ay la xisaabtanto wiilkaa xidhan sanadaha badan bilaa xukunkunka, wadankii loo soo xidhay ama soo xidhay. Xeerka caalamiga ahse halkee ayay kaga jirtaa in qof dhan oo bashar ahi u xidhnaado xaq iyo xuquuq la’aan. Somaliland miyay tahli wayday in ay tidhaah dalkiini gaysta ama u soo dira garyagaano (Lawyer) u dooda. Si aan sharciga u Marino. Mise waxay ka door ma waxay ka doorbiday bahdilaad iyo ku karaamo seeg tixgalin dhaawac ku ah sumcadeeda. Surto gal ma tahay?

Sanado badan u xidhnaw dal ayaad ka soo gashay danbi laguna xukumi maayo. Oo sharci aan kugu xukunaa ma yaalo. Hadday sidaa tahay. Sharciga ay ku qabatay halkee laga keenay, miyaanay dhabar jab ku ahayn Dumuquraayadii iyo garsoorkii lagu majiiran jiray. Damiirkuse ma ku siinayaa in dalkaaga lagu hayo maxbuus aan adiga ku xidhneyn ama adiga ku ahaa magan in aad gacantaada ku daldasho oo diif daranyo iyo dayac ka soo gaadho wax aanu adiga kaa galabsan ama aanu kaa galin.

Qof dil gaystay ayaa la xidhaa la xukumaa. Waayo sharci lagu qanco ayaa la mariyaa. Haddaba wiilkan ku cadilan carada Somaliland una cuna duuban dawladda Denmark Maxay u qorshaysay Somaliland. Ma in halkaa lagu ilaawo barina meydkiisa la is weydiiyo. HADDAAN DIIN QABANEYNIN. SHARCI KAA DABAALEYN. XEERKA DABRAA JIRIN. DADKU WAA BALAAYO.

Ugu danbayn waxaan ku boorinayaa dawladda Somaliland hay’adaha ku shaqada leh. Caano daadatay dabadood hambadaa la qaban jiree, intii hore tagtay tiiraanyo iyo tawsna nagu reebtee in ay hadda ku eegto indho sharci oo aan xaqiisa duudsiyeen.iyadana xaqeeda duleynan. Maxbuus inaad noqotaa dhib maahaa. Balse inaad xaq daro u xidhnaataa waa karaamo daro iyo xuquuqdii Bini’adamka oo lagu tuntay. Ma fiicna in aad ku tacadido shaqsi aadmiya oo nool waliba gudaha wadankaaga JUSTICE AND EQUAL UNDER THE LAW. Mee sharcigii iyo nidaamkii garsoor ee dalku. Yaan lagu ilaawin yaan laga ilaawin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.