WorldRemitAds

By: Cumar M. Faarax

Waxa maalmahan jidoobay dhaqan taban oo haddii uu sunne u noqdo masuuliyiinta dawladda halis u ah qarranimadda iyo maamuuska dawladnimadaba. Wasiirradii xilka iska casilay iyo kuwii cusbaa waxay xilalka kula kala wareegeen Huteelo ganacsi, iyadoo dhaqaale lagu bixiyay xaflado dawladdu ay ku gashay kharashaad aan daruuri ahayn.

Waxa dabeecadda dawladnimadda laga kasbaday in xil wareejinta ha’yad dawladeed ay shardi tahay in lagu qabto goobta shaqadda uu masuulka cusubi la wareegayo, kii horena masuuliyadii uu ummadda u hayay ku wareejinayo masuulkii xafiiska ka dhaxlaya.

Xafladaha xil wareejinta waxa qasdigoodu yahay in masuulka xilka tiranayaa uu madaxda ka hooseysa iyo shaqaalaha ha’yaddiisa uga warramo wixii uu qabtay mudadii uu xafiiska joogay oo shaqaaluhuna ay marag ka noqdaan xaflada labada masuul xilka ku kala tirsanayaan. Waxa kale oo daruuri ah in xafladahaas ay kaalin ku yeeshaan khudbadaha xubno ku hadlaya oo matalaya magaca shaqaalaha wasaaradda/ha’yadaas.

SomlegalAds

Xafladaha noocan oo kale ah loogama baahna in marti badan oo wasaarada ama ha’yadda ka baxsan lagu soo casuumo, haddii ay dhacdana waxa lagama maarmaan ah inay noqdaan ha’yado ama saraakiil hawl wadaagnimo ka dhaxayso (Partners).

Haddaba, Wasiirradii dhawaan is casilay iyo Wasiirradii cusbaa ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo magacaabay intoodii badnayd waxay xilalkii ku kala tirsadeen xaflad martiddu kaga badnayd shaqaalaha wasaaradaha kuwaasi oo lagu qabtay Huteello lagu kharash gareeyay lacago badan oo qaranka kaga baxday sifo sharci darro ah. Xafladihii xil wareejintu waxay noqdeen qaar si siyaasiya oo loo soo camiray, ujeedooyinkoodiina si ka duwan sidii loogu tallo-galay u dhaceen.

Waxa kaliya oo aan lacag ku bixin Huteel xafladii uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo xilka kala wareegayay Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda ee is casilay Xirsi Cali Xaaji Xasan. Xafladaas waxa lagu qabtay xarunta madaxtooyadda.

Sidoo kale, Wasaaradda Labaad ee aan Huteel lacagi ka gelin ee Hoolka Dalladda SONY ergisatay waxay ahayd xafladii uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Ciyaaraha Cabdilaahi Faarax Maydhane oo xilka kala wareegayay Wasiirkii is casilay Axmed Cabdi Kaahin.

maansoor21Xafladihii xil wareejinta wasaaradaha ee Huteeladda lagu qabtay waxay kala ahaayeen:-

1-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Duulista hawadda Iyo gaadiidka Cirka Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, oo xilka kala wareegay wasiirka cusub ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa lagu qabtay Huteelka Ambassador.

2)-Wasiirka cusub ee Cadaallada Axmed Faarax Caddarre, ayaa xilkii kaga tirsaday Wasiirkii Is-casilay Xuseen Axmed Caydiid Huteelka Royal ee magaaladda Hargeysa.

3)-Wasiirka cusub ee Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Cali Xasan Maxamed oo xilka kala wareegay Wasiirkii is casilay Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa lagu qabtay xafladoodii Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa.

4)- Wasiirka cusub ee Qorshaynta Cali Xuseen Ismaaciil (Cali shoome) uu xilka kagala wareegay Wasiirkii hore ee Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shirre oo haatan ah Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda, waxa Xil-wareejintoodii lagu qabtay Huteelka Maansoor.

5)- Wasiirka cusub ee waxbarashadda Cabdilaahi Ibraahim Habbane, waxa uu xilka kagala wareegay Wasiirkii is casilay Faarax Cilmi Geedoolle Huteelka Safaari.

6)- Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shirre, waxa uu xilka kaga tirsaday Wasiirkii is casilay Maxamed Biixi Yoonis Huteelka Maansoor.

7)-Wasiirka cusub ee shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) waxa uu xilkii loogu cumaamaday xaflad uu xilkii kagala wareegay Wasiirkii hore ee is casilay Dr. Cabdi Aw-daahir, kagala wareegay xaflad lagu qabtay Huteelka Summer Time.

Dhimeyaasha Wasaaradahan:-

Wasaaradahan masuuliyiintoodii xilka kula kala wareegeen Huteellada waxay ka mid yihiin wasaaradaha mudadii xukuumadda Siilaanyo jirtay dhismeyaasha waaweyn loo bineeyay, iyadoo mid waliba leh hool weyn oo loogu tallo-galay shirarka oo aanay haynin baahi ay Huteel u tagaan-ba. Waxa ka mid ah wasaaradahaa Duulista, Cadaaladda, Qorshaynta, Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda, Arrimaha dibadda iyo Ciyaaraha.

Xafladahan waxa ku baxay lacago badan oo haddii abaal-marin loo siin lahaa shaqaalihii dedaalay ee wasaaradahaas wax weyn u qaban lahaa. Sidaas darteed, xafladahaasi waxay noqdeen qaar lid ku ahaa dawlad wanaaga isla markaana lagu galay kharash xad-dhaaf ah oo laga baaqsan karayay oo mudan inay dawladdu si caama ah u joojiso in dhaqankaasi la sii noolaado dawladnimadeenna curdinka ah.

Dad badan ayaa aaminsan in xafladahan Huteelka lagu qabtay ay dhalisay wasaaradii is casilay oo loo diiday inay xafiisyadoodii galaan, balse amarkaasi ma uu jideynaynin inay xilka ku tiriyaan xaflado lacago ku baxaan.

Waxa kale oo aan iyaduna habboonayn in masuul dawladda u soo shaqeynayay oo shaqadii ka tagay la iska hor-taago isagoo aan dhigin xasaanadii iyo masuuliyadii uu qaranka u hayay, waxase ay ahayd in la yareeyo awooda tasarufka maaliyadda iyo go’aamadda waaweyn ee masiiriga ah haddii loo baahdo. Waxase aan dawladnimadda meelna kaga jirin in xafladaha xil wareejintu noqdaan qaar Huteellada waaweyn lala tago.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.