WorldRemitAds

Djibouti, November 13, 2015 (Saxafi)- Ilaahay naxariistiisa janno haka waraabiyee waxaa shalay dalka Jabuuti ku geeriyooday Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo ahaa maal-qabeen caan ka ah gayiga Somalida, isla markaana ahaa ninka ugu hantida badan geyiga Soomaalida.

Marxuumka oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa beryahanba bukaan-jiif ku ahaa laguna daaweynayey mid ka mida cusbitaallada ugu waaweyn ee dalka Djibouti.

[googlemap src=”https://www.google.so/maps/place/Djibouti/@11.5748454,43.0856911,12z/data=!3m1!4b1!4m2!3m1!1s0x162300cfde391eb3:0xa12a9a3a7d2821ac” width=”960″ height=”515″ align=”aligncenter”]

SomlegalAds

Marxuum Ibraahim-Dheere waxa uu ahaa maal-qabeennada ugu jeebka roon gayiga Somalida, waxaanu xilli aan fogayn uu wargeyska Economist ee ka soo baxa dalka Faransiisku u aqoonsaday inuu yahay ninka ugu maal-qabeensan inta ku hadasha afka Soomaaliga.

Wargeysaka Economist waxa uu sheegay inuu Ibraahim-Dheere haysto lacag qaddarkeedu dhan yahay 1.6 Bilyan oo Dollarka Maraykanka ah una dhiganta 1.2 Bilyan oo lacagta Euro-da ah.

Marxuum Ibraahim-Dheere waxa uu ka mid ahaa Ganacsatadii dhifta ahayd ee dhidibada u taagtay qaranimada maanta lagu naaloonayo ee Jamhuriyadda Somaliland, waxaanu dib-u-yagleelkeedii ka qaatay qayb-libaax, isagoo dhinaca kalena ahaa ganacsadihii ugu badnaa ee hantidiisa kaga qayb-qaatay halgankii hubaysnaa ee dib loogu xoreeyay Somaliland, isagoo taageero siin jiray ururkii SNM.

Lacagta Shilinka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo la sameeyey xilligii Madaxweyne Cigaal, ayaa la sheegay inuu Ibraahim-Dheere ahaa Maal-qabeenkii lacagtii damiinka ahayd ee laga qaaday Somaliland uu isagu bixiyay, lacagtaas oo lagu qiyaasay laba Milyan oo doollarka Maraykanka.

Ganacsi Marxuum Ibraahim-Dheere waxa uu muddo badan isaga gooshi jiray dalal fara badan oo u badan dalalka qaaradda Afrika, isagoo ganacsiga ugu weyn ku leh dalka Djibouti iyo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Guddoomiyeyaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah iyo madaxda kale ee Somaliland ayaa labada shacab ee Somaliland iyo Djibouti-ba ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Ibraahim Dheere, oo la filayo in maanta lagu aaso dalka Djibouti.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.