WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 26, 2015 (Saxafi) – Madaxda hay’adda shaqaaha dawlada iyo machadka shaqaalaha dawlada ayaa ka warbixiyay tiradda shaqaalaha iyo darajooyinka ay kala leeyihiin.

Kullan ay xubnahani la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa waxaa amuuraha kale ee lagaga hadlay iyo amuurtanba lagu xussay war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo u dhignaa sidan: “Kulan hawleed oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo la yeeshay Madaxda sare ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Machadka Shaqaalaha Dawladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta (25.11.2015) Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Prof. Maxamed Mixile Boqore, Agaaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Mudane Xasan Aadan Geedi iyo Agaasimaha Guud ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Guuleed Saleebaan Hagoog. Madaxweynuhu wuxuu kulankaa war bixin iyo xog warran qoto dheer kaga dhagaystay saddexda masuul ee ugu sarreeya Hay’adda Shaqaalaha iyo Machadka Shaqaalaha Dawladda. Saddexdan masuul waxay si faah-faahsan uga war bixiyeen wixii u qabsoomay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Machadka Shaqaalaha Dawladda sannadkan 2015-ka iyo waxa u qorshaysan labadan hay’adood sannadka soo socda ee 2016-ka.

SomlegalAds

DSC_0001Ugu horayn waxaa kulankaa ka war bixiyay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Professor Maxamed Mixile Boqore oo soo bandhigay qoraal muujinaya wixii u qabsoomay Hay’adda Shaqaalaha mudaddii uu xilka hayey. Ugu horrayn Guddoomiyuhu wuxuu sharraxay qaabdhismeedka Hay’adda isagoo ku dheeraaday waajibaadka shaqo ee ay u hayaan Qaranka. Professor Mixile wuxuu kulankaa ku caddeeyay tirada guud ee shaqaalaha Dawladda oo dhan 15,273 (shan iyo toban kun iyo laba boqol iyo saddex iyo todobaatan) shaqaale ah.

Sidoo kale, Guddoomiye Mixile waxa kale oo uu tibaaxay heerarka ama darajooyinka kala duwan ee ay shaqaalaha Dawladdu ku shaqeeyaan oo kala ah sida soo socota: 2491 qof oo ku shaqeeya darajada (Grade A); 8161 qof oo ku shaqeeya darajada (grade B); 2231 qof oo ku shaqeeya darajada (grade C) iyo 2390 qof oo ku shaqeeya darajada (grade D). Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Prof. Maxamed Mixile Boqore waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay tirada shaqaalaha ah ee u qorshaysnayd in la shaqaaleeyo sannadkan 2015-ka oo ah 483 oo ay weli dhimantahay in la shaqaaleeyo 148 oo qof.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay isla markaana uu hoosta ka xarriiqay, si loo sugo tirada dhabta ah ee shaqaalaha shaqeeya inay Hay’ad ahaan bilaabeen kormeer ay xog ururin ku sameeyeen dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda si ay u helaan xogo dheeraad ah oo ku saabsan macluumaadka dhabta ah ee shaqaalaha. Hay’adda Shaqaaluhu waxa kale oo ay hawl-gal ka fulisay Xarumaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha qaarkood si loo cadeeyo shaqaalaha dhabta ah ee shaqeeya iyo tirada shaqaalaha qoran balse dhab ahaan aan jirin (caagleyaasha) ee ku jira shaqaalaha Wasaaradahaa iyo Hay’adahaa iyaga ah. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay qabteen ama soo saareen tiro kooban oo shaqaale ah oo ka tagay shaqada ama dhoofay isla markaana ay ka joojiyeen shaqadii una gudbiyeen Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka si uu arrintaa uga hawl-galo.

Guddoomiyuhu isagoo ka duulaya aragtida ama hal-ku-dhegga ah: “Shaqaale Tayaysan ayaa Toosiya Qaran” wuxuu tibaaxay Barnaamijka Dib-u-habaynta Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda, waxana uu caddeeyay in hawl balaadhani ay haatan ka socoto. Waxa kale oo uu caddeeyay in Bangiga Aduunku uu ka caawinayo sidii wax looga qaban lahaa sharciga shaqaalaha, sanduuqa hawl-gabka, derejada iyo mushaharka shaqaalaha, dib u eegidda qaab-dhismeedka Hay’adaha Dawladda, dhisidda iyo kobcinta waaxaha shaqaalaha iyo qorshaynta ee Wasaaradaha, iyo tayaynta iyo tababaridda shaqaalaha Dawladda. Ugu danbayntii, Guddoomiyuhu wuxuu ku soo gaba-gabeeyay war bixin kooban oo uu si guud u dul-xaadiyey caqabadihii ka hor yimi muddadii uu xilka hayey.

Waxaa kale oo isna ka war bixiyay wixii u qabsoomay Machadka Shaqaalaha Dawladda Agaasimaha Guud ee Machadka Mudane Guuleed Saleebaan Hagoog. Agaasimuhu wuxuu awar bixin kooban ka bixiyey taariikhda Machadka iyo sidii loo aasaasayi yo muhimadda uu u leeyahay kor u qaadidda xirfadaha iyo aqoonta Shaqaalaha Dawladda. Agaasimuhu wuxuu sharraxaad ka bixiyay barnaamiyada Machadku bixiyo oo uu ku kala sheegay tababarro gaagaaban iyo tababarro heer Jaamacadeed ah. Agaasimuhu wuxuu xusay inay Sannadkan 2015-ka tababareen shaqaale tiradoodu dhantahay 534 oo ka faa’iidaystay barnaamijyada uu Machadku bixiyo.

Wuxuu kale oo agaasimuhu sheegay inay barnaamijyadaasi ka turjumayaan baahida aqooneed ee shaqaalaha dawladda. Agaasime Guuleed waxa kale oo uu xusay inay xidhiidh wacan oo qoto dheer la leeyihiin Jaamacadda Shaqaalaha ee dalka Itoobiya, isaga oo cadeeyay inay sannad walba shaqaale tiradoodu dhantahay 20 ay aqoon-korodhsi ugu diraan Jaamacaddaa si ay uga qayb qaataan barnaamiyada waxbarashada Jaamacdda heerka labaad (Master’s Degree). Ugu danbayntii Agaasimuhu wuxuu ku gaba-gabeeyey muhiimadda ay Qaranka u leeday in la dar-dar galiyo barnaamijka dib-u-habaynta Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda, kaasoo ka taageeri doona in machadku uu balaadhiyo barnaamijyadiisa taasoo raad iyo saamayn toganba ku yeelan doonta shaqada iyo shaqaalaha.

Waxa kale oo isaguna kulankaa hadal kooban ka soo jeediyey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Mudane Xasan Aadan Geedi isagoo ka codsaday Madaxweynaha Qaranka in dib loo fasaxo shaqaalaynta, maadaama uu Madaxweynuhu arrinta shaqaalaynta bishii afaraad ee sannadkan dikreeto ku hakiyay, si loo hubiyo tirada iyo tayada Shaqaalaha Dawladda.

Ugu dambayntii, waxa kale oo isaguna kulankaa hadal kooban oo miisaaman ka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha iyo Machadka Shaqaalaha Dawladda ku booriyey inay mudnaanta koowaad siiyaan hubinta iyo daba-galka tirada Shaqaalaha ah ee Dawladda rasmi ahaan ugu shaqeeya. Wasiirka Madaxtooyadu waxa kale oo uu tibaaxay muhimadda ay Qaranka u leedahay isku dheelli-tirka shaqaalaha ee Gobollada dalka, waxana uu Madaxweynaha u soo jeediyey in la sameeyo guddi ay ka mid yihiin Madax weyne ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaha Prof. Maxamed Mixile Boqore si ay uga soo talo-bixiyaan arrinta shaqaalaynta tirada weli sannadkan 2015-ka dhiman in la shaqaaleeyo oo ah 148 oo qof.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.