WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 29, 2016 (Saxafi/QuartzNews) – Warbixin laga qoray shacabka ku nool wadamada Geeska Afrika sida Somalia iyo Somaliland ayaa lagu sheegay inay si xawli ah u soo kordhayso isticmaalka Telefoonada gacanta ee lacagta la isaga diraa. Taas oo gabi ahaanba meesha ka saartay adeegyaddii Baanka dhexe. Islamarkaana ay la wareegeen shirkado gaar loo leeyahay.

Warbixintan oo shalay lagu baahiyay shabakada wararka Internetka ee Quartz.com ayaa sidoo kale warbixinteeda ku dartay in ay adeegyadan lacag isu dirista ah ay saamaynayso lacagta waddamada laga adeegsado.
Shirkada isgaadhsiinta ee Hormuud Telecommunication Company oo la asaasay sanadkii 2002 ayaa lix sanadood ka hor (2010) bilowday bixinta adeega lacag dirista iyo xawilaada oo lacagta Dollarka keliya lagu isticmaali karo,“Axmed Faarax Xassan wakhti xaadirkan ma qaato lacagta shilling Soomaaliga ah, dalkan oo ay raagaadiyeen dagaalo sookeeye, waxaa uu burbursanaa  dhaqalihiisu sanado badan. waxa aanu istaagnay kaalin shidaal oo ku taal magaalada Muqdisho, iyadoo Axmed Faarax oo da’diisu tahay 32 jir shidaalkii uu ku shubtay gadhiga, ka dibna lacagtii uu ku bixiyay isagoo  tabtay dhowr jeer telefoonkiisa gacanta.
Maalmahan uma baahni in aan qaato lacag kaash ah, waxa keliya ee aan isticmaala, marka aan doonayo in aan wax iibsado ayna ka mid yihiin inta daruuriga ah ama asaasiga ah (kirada, laydhka, biyaha) iyo wixii kale ee aan u baahdo inaan iibsado, ayuu yidhi Xasan oo babuur u wada ururka samafalka ee Kheyre Development and Rehabilition Organization oo ah urur la shaqeeya hay’ada UNICEF oo caawiya caruurta derbi jiifka ah. Waxa kale oo uu sheegay in cid waliba ay sidato oo qof waliba uu leeyahay bangi u gaar ah, amaana ah.
Wadooyinka magaalada Muqdisho waxa ka muuqda in mustaqbalkii uu soo gadhay islamarkana lacagtii adkayd ay ka sii dhabar go’ayso iyo kaadhadhka amaahda ah oo aan loo baahnayn. Hawlaha   ganacsiga suuqyada ayaa si xawaare sare ah ku socda. Halka dalka Kenya oo ugu horeysay dunida isticmaalka adeegyada teknoolajiyada casriga ah iyo hirgelinta ayaa had iyo jeer la iska indho tiraa.  Somalia marka laga hadlayo mowduucan teknoolajiyada samayn weyn ayuu ku leeyahay bulshada, taas oo sababta ugu weyni ay tahay in dalka aanay ka jirin nidaamkii bangiyada oo ku burburay sanado badan dagaalo socday iyo dhaqaalihii oo raacay, taasoo keentay in loo baahdo adeegan.
 Shirkada Hormuud Telecommunication Company, oo ah shirkad Somalia laga leeyahay oo la aasaasay sanadkii 2002, wakhtigaas oo dalkaasi ay ka socdeen dagaalo baahsani, ayaa soo bandhigtay adeegan bangiga telefoondada gacanta lix sanadood ka hor. Imikana, waxa ay ka mid tahay sadexda shirkadood ee bixiya adeegyada Mobile Money Transfer oo ay sitaan 100-kii qofba 51 ka mid ah, halka ay ka ahayd sadex sanadood ka hor 22%, waxaana 40% ay leeyihiin dadka qaangaadhka ahi Accunt kaydka Telefoonka ah.sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray baanka aduunku sanadkii 2014.
Madaxa maamulka sare ee shirkada Hormuud Axmed Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in qurba joogta Somalia ay dalkooda hooyo u soo diraan sanad walba lacag gadhaysa $1.6 billiyan dollarka Maraykanka ah, taas oo kaalin weyn ka qaadatay adeega bangiga tellefoonka gacanta oo dhulka kor uga qaaday.”
Warbixintu waxaa ay tilmaantay in adeegan uu dhiiri geliyay burburka iyo Bangiyo la’aantu. Islamarkaana uu ka qayb qaatay kor u kaca dhaqaalaha.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.