WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland August 5, 2016 (Saxafi) –Muddooyinkii u dambeeyey waxa beeraha wadankeena si weyn uga soo go’ay khudaarta loo yaqaan Xab-xabka, kaasi oo wakhtiganoo kale camira suuqyadda magaaladda Hargeysa.

Tan iyo bishii Ramadaan ayaa Xab-xabku ka soo go’ay beeraha wadanka, inkastoo baryahan dambe suuqyadda khudaarta lagu iibiyo uu sare u kacay ka dib aanay si wanaagsan beeraha uga soo go’in khudaarta, taas oo khaali ka dhigtay khudaarta aasaasiga ah ee cuntooyinka lagu karsaddo.

Hadaba, suuqyada iyo xaafadaha dhexdeedda waxa si weyn u yaalla Xab-xab faro badan oo ka soo go’ay beeraheenna sida beeraha Allay-baday iyo nawaxiigeeda laga soo raaro, kuwaas oo loo soo iibgeeyo magaaloyinka Hargeysa,Berbera, Gabiley ilaa iyo magaalada Burco ee gobolka Toghdeer.

SomlegalAds

Xabxabkan ayaa noocyadiisa waaweyn lagu kala iibsadaa toban kun ilaa sodan kun oo Somaliland shilling ah, waxa iyaduna intaas soo raacday liinta oo hore loo kala sii san jiray jawaankeedda 250,000 SHSL, ayaa hadda maraysa 160,000 SHSL.

Si kastaba ha ahaatee, khudaarta tamaadhada, iyo Maradhadda ayaa suuqyadda laga waayey, isla markaana si fiican sanadkan loo beerin, iyadoo markii horaba ka iman jiray Itoobiya  uu yaraaday abaaraha sanadkan dhacay awgeed.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.