4 – Door-Roonihii Da’dii Aan Ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir) (1956kii – 1987kii)

0
PropellerAds
“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,
 Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,
 Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,
 Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,
 Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,
 Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”
Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Qormada: 4aad
Ku-biiritaankii Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi ee SNM
Maxamed Ibraahin Xirsi, bilowgii 1984kii ayuu Gabiley yimid, ka-dib markii uu muddo gaaban ku sugnaa dalka Ciraaq. Markiiba wuxu u ambo-baxay magaalada Jabuuti. Ka-dib wuxu u soo xadhko-xidhay xaggaa iyo halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Isaga oo ay isa sii raaceen Mujaahidiin kale oo ay ka mid ahaayeen:
  1. Yaxye Cabdiraxmaan Sheekh Cabdillaahi, Ina-abtigii, Maxamad Ibraahin Geeddi,
  2. Cumar Aadan Cawaale,
  3. Ismaaciil Cabdi Taani,
  4. Dayib Cali Nuur,
  5. Xaashi Gahayr,
Bashiir iyo SNM-tiiWuxu ku biiray xoogagga SNM, bishii Ogos 1984kii, markaasi oo magiciisii hore uu u beddelay Bashiir Muxumed Yuusuf. Intii aan SNM ka tirsanaa, garan maayo Mujaahid magaciisa beddelay oo magac-dagaal (Nom de guere) samaystay. Waan arkay ama maqlayba Mujaahidiin naanayso kula baxday halgankii hubeysnaa, bal se sidaa Mujaahid Bashiir cid magac-dagaal samaysatay waa ii kow. Waa meelaha aad ka dareemayso ama ka garanaysaba sida uu ugu soo talo-galay jihaad dhab ah oo uu naftiisa ku sadqeeyo in uu galo.
Ka-sokow in uu Mujaahid ahaa, waxa kale oo ka muuqday dhaqan-halgameedkiisii in uu ahaa kacdoon-huriye ama waxan afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Revolutionry’ aamminsana oo ku dagaallamay kacdoon iyo gadood dadweyne, sidaana naftiisii ku sadqeeyay. Wuxu ahaa qaab cusub oo horumarsanaa oo aan is-leeyahay malaha SNM, haddii ay halgankaas kuu sii jiri lahayd, waa ay u-digo-rogan karaysay, haddi aanay hoggaan-xumo ku dhicin.
Xilligaa uu Jabuuti uga soo ambo-baxayay ka-qayb-galka halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd, ka-sokow in uu go’aansaday in uu naftiisa huro, Mujaahidiintii ay maalintaa wada socdeen qaar ka mid ah ayaa ii sheegay in af-duubkii diyaaraddii Somali Airlines ee Adis-ababa la soo dejiyay 11984kii ay sii dhiirri-gelisay.
Markii aanu bilownay daabacaadda Qormooyinkan Mujaahid Bashiir ku saabsan ayaanu la kulannay Mujaahid Abshir Nuur oo Kanada ka yimid oo beryahaa ahaan jiray wakiilka SNM ee magaalada Jabuuti, waxaanu noo sheegay oo aanu ka duubnay:
“Alle ha u naxariistee Bashiir markii uu Jabuuti ka soo degay waxa uu haystay waraaqo Jabuuti ah oo  ah nooca la yidhaahdo Kaar-dameer oo muwaaddin buuxa ma uu ahayn. Waxa weeyaan qofka sidaas ahi ma codeyn karo lamana dooran karo, laakiin wuxu ahaan karaa muwaaddin ku shaqeysan kara ama wax ku qabsan kara. Warqadda noocaas ah ayuu haystay, ka-dib markii uu damcay ee uu doonay in uu SNM-ta ku soo biro, ayuu xafiiska iigu yimi, waxaana uu igu yidhi ii soo samee Fiisahii aan ku tegi lahaa Itoobiya, magacaygana ha igaga qorin. Waayo? Waxa aan haystaa waraaqahaas Jabbuuti oo way iga xumaanayaan. Ka-dib waxaan ku idhi, waa ok aniga ayaa magac kuu bixinaaya, magacayga ayaana aan magac kaaga dhigayaa magac, markaas ayaan ku idhi adiga waxa lagu yidhaahda Bashiir oo magacayga ayaan magac kaaga dheegayaa sidaas ayaana uu ku dhoofay, kuna yimid dalka markii dambena uu jabhaddii ugu soo biiray.Muddada aanu is-naqaannay horta may badnayn, farsamadiisuna waxa ay ahayd Wastaad, oo markii uu Jabuuti joogayba wastaad ayuu ahaa, wastaadnimo ayuu ku shaqeysanaayey se markii uu aniga ii imanaayey waa uu ka qancay wastaadnimada iyo waxaas oo waxa uu goostay in uu ku soo biro jabhadda, marka runtii wax aqoon ah oo badan isu maanan lahayn, waa uu isu kay sheegay, markii uu isu kay sheegayna waan gartay, marka wixiisana sidaas ayaan ugu bedelay oo aan magaca kalena ugu soo bixiyey, kuna yimi oo uu jabhadda ugu soo biiray Laydh gelinta iyo wastaadnimadana labadaba waa uu ku shaqeynaayey. Bashiir waxkhtigaa uu aniga ii yimi nin dhallinyaro ah dayuu ahaa oo runtii markaaba u muuqday in ay ka soo go’an tahay howshan in uu gallaa oo uu u soo badheedho. Warqaddiina waan raadin, waayo 15kii sanno ee u dambeeyey waraaqahaygii qol ayey ku xidhan yihiin.”
Markii ay Mujaahid Bashiir iyo saaxiibbadii soo gaadheen xarumihii maamul iyo saldhigyadii Jabhaddii SNM, waxa lagu jiheeyay oo ay galeen Dugsigii Tababarka Ciidanka ee Awaare oo ay ii sheegeen in ay ku jireen muddo sagaal bilood ah.  Looga-qaateenkii ay wada socdeen oo aan wareystay, waxay ii sheegeen in Mujaahid Bashiir dirawal ahaan loo qaatay, markii uu tababarkii dhammaaday ee ciidankii dhammaystay la kala qaybinayay. Mujaahid Bashiir, waxa kale oo intaa u dheeraa in uu noqday Taliye-xigeenka ciidanka sahanka, kaas oo uu Taliye u noqday Axmed Ibraahin oo loo yaqaannay Mujaahid Raage-bidaar oo hore u ahaan jiray nin ganacsade oo ku shaqaysan jiray baabuur Mercedes ah oo 19 ahaa, kaas oo uu keymihii miyiga ku dallacay, kana door-biday in uu noqdo Mujaahid naftiisa u hura xoreynta dalka iyo dadkaba.
Mujaahidiinta looga-qaateenka ah ee aanu ka wareysannay Mujaahid Bashiir, waxa kale oo ka mid ahaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay Talis ahaan hoos iman jireen oo ay wada hawl-geli jireen.
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, oo ka warramayay markii ugu horreysay ee ay Mujaahid Bashiir kulmaan ama is-bartaanba ayaa yidhi:
“…..Bashiir waxaanu annagu isugu nimid Jabhaddii SNM. Wuxu ka yimid Gebilay, waxaanan filayaa in ay ahayd 1985kii. Mujaahidkaasi, wuxu ii yimid isaga oo diyaarsan. Dadka qaar waa la tababaraa, qaarna iyaga oo tababaran ayey kuu yimaaddaan.”
Mujaahid Bashiir ma keli ama suke ayuu ahaa markii uu Mujaahid Muuse Biixi Cabdi u yimid? Muuse Biixi oo su’aashaa ka jawaabaya, ayaa yidhi:
“…..Ninkaa waxa gacanta ku hayey oo ay saaxiib ahaayeen Mujaahid Axmed Ibraahin oo loo yaqaannay Raage-bidaar. Mujaahid Bashiir ninkaas ayay saaxiib ahaayeen oo ay wada socdeen oo laba nin oo isku nooc ah ayay ahaayeen. Waxay ahaayen niman halganku ka dhab ahaa, niman naf-hurid u yimid oo iyagu ‘Commanda-rro’ ahaa, iyagu askar ah, Taliyeyaal ah, siyaasiyiin ahaa oo go’aan-qaadasho lahaa.”
Marka aynu ku eegno indhaha Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Mujaahid Bashiir caynkee ayuu u ekaa ama qof caynkee ah ayuu ahaa?
Waa kan Mujaahid Muuse Biixi oo jawaabta su’aashaas inoo baacinayaa, waxaanu markanna yidhi:
“……Markaa ninkaasi wuxu ahaa nin dhuuban oo dadkan la yidhaahdo waa weyd ah. Wuxu ahaa nin dheer oo cas. Mujaahid Bashiir ma uu ahayn nin balwadeed oo waa uu ka duwanaa badanka Mujaahidiinta oo had iyo jeer qaadka iyo sigaarka ku waallaa. Mujaahid Bashiir qaadka wax yar ayuu ka cuni jiray. Ma uu ahayn nin kaftan iyo hadal badan, bal se wuxu ahaa nin ku mashquulsan halganka oo keliya oo aanay waxba u labayn. Isaga iyo Raage-bidaar waxay cajiib ku ahaayeen in aanay marnaba kuugu iman si ay kuu wareystaan oo ay kugu  wareeriyaan ama kugu scel-celiyaanba: ‘Maxaa la yidhi?’ Afkoodu, ma uu aqoon weedhaas. Afkoodu wuxu yaqaannay oo qabatimay: ‘….Qorshe ayaan haynnaa, war sugan ayaanu soo helnay iyo waxaan ku talin lahayn.’ Intaa ka dib, waxay kuu soo qaddimaanba, waxay ahayd fikrad dagaal.”
Mujaahid Bashiir markii uu saldhigga yimidba, waxa la geliyay tababar yar. Waxa loo diray Dugsi Tababar oo gaar ah oo ay ciidammadii SNM ku lahaayeen meel koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Qabri-bayax ee Kililka 5aad ee Itoobiya ee Soomaalida. Wuxu ahaa dugsi si gaar ah loogu tababari jiray ciidammada loogu talo-galay in ay magaalooyinka ka dagaallamaan ama waxan afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Urban war.’ Dhallinyaradii dugsigaa wax ku baran jirtay ama lagu carbin jirayba, Bashiir waa uu ka yar weynaa. Dhallinyaradaa waxa ka mid ahaa Maxamed Weere, Cumar Miino iyo qaar kale oo badan.
Mujaahid Bashiir intii aanu iman dugsigaa Qabri-bayax, qiimayn lagu sameeyay waxa lagu ogaaday in uu u baahnaa dab-ridka oo hubka noocyadiisa kala ah: Baastooladda, AK-47ka, BKM-ka iyo RBJ-7-ka oo uu intaas si fiican u maamulo. Codsigii Mujaahid Bashiir ee xilligaas ayaa u badnaa in uu intaas oo qudh ah uu tababarkooda ka ciil-baxo.
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.