Saddex Habeen Ayaan Mustaqbalkaygii Ku Waayay

WorldRemitAds
W/Q:Aamina Cabdillaahi Axmed
Waxa aan la soo koray qoyskayaga aabbo, hooyo iyo walaaladay. Waxa aannu nahay siddeed carruur ah.

Anigu curaddii ayaan. Waxaan jiraa shan iyo toban sano. Dugsiga sare ayaan dhigtaa. Aabbahay wax shaqo ah ma hayo oo waa billa camal. Wuxuu baxaa marka salaadda subax la tukado, dar Alle ayuu u foof tagaa, waayo meel uu wax ku ogyahay ma jirto.
Suuqa bakaaraha marka uu tago, wuxuu helaa xamaal ama wuu waayaaba. Marka uu helo xammaalka, raashin ayuu tuurta ku qaad-qaadaa, oo geeyaa meel masaafo durugsan ah, waayo ma haysto keeryoon uu ku qaado. Laba iyo tobanka duhurnimo ayuu xaafadda yimaaddaa, isaga oo daalan. Aabbo, subax subax marka uu suuqa tago, wax xammaal ah wuu soo waayaa, weliba xilliyada lagu dagaallamo bakaaraha. Aabo wuxuu habeen iyo maalin u ordayaa, sidii uu noo korin lahaa.
Aabo isaga oo xammaali ah, oo ah qof danyara, oo miskiin ah, haddana waxa aannu ku noolanahay nolol farxadleh. Wax kasta gurigayaga way yaallaan, aragti ahaan nalama moodo reer dan yara. Hooyaday waa gabadh saaburada, oo wannaagsan, aabbahay na way u caqli celisaa. Waxay uga sheekaysaa nolol iyo mustaq bal fiican.
Magaaladda aannu degdanahay, amnigeedu xoogaa wuu roon yahahay. In kastoo ay qab-qablayaal dagaall mar-mar ku dagaallamaan, haddana goobaha wax barashada ma saamayso oo iskuulkayaga waannu dhiganaa. Sannadkii aannu galnay fasalka saddexaad ee dugsiga sare iyo waxa kulmay markii ay Alshabbaab Xamar qabsatay. Runtii maalmo kooban ayay wax waliba isku beddeleen. Waxaa la xidhay goobihii wax barashada iyada oo lagu eeday in ay yihiin, dad murtidiin ah oo dhaqan gelinaya manhajka gaaladada. Markii iskuulkii la xidhay, waxaan noqday guri joog. Alshabbaab, xaafad walba way soo galeen. Waxa ay qorteen askar. Raggii qasab ayay askar kaga dhigeen, nina may waydiin dookhiisa, umay kala eegin da’; carruur iyo cirroole ba, askar ayay ka wada dhigtay. Qofkii amarkooda diidana, xabbad ayay dhafoorka ka saari jireen.
Alshabaab, waxay yimaaddeen gurigayagii. Aabbo wuu xanuunsanaa maalintaa, oo wuu jiifay. Guriga aannu galnaa waa jiingad, laba maqsin, barande iyo suuli ayey ka koobnayd. Waxay leedahay dayr yar oo jiingado caano liido laga sameeyay. Alshabbaab, waxay wataan laba gaadhi oo kuwa dagaalka ah oo qoryaha daran dooriga u dhacaa saaran yihiin. Dhamaantayo waxaanu joognaa guriga. Xilligu waa barqo kulul. Waa la qurraacday qadadiina may gaadhin wali. Hooyo uur bay leedahay oo way yara jiifsatay oo waxay ku jirtaa bishii sagaalaad. Walaalahaygii yaryaraa aabbo ayay Qur’aan ku akhrinayaan. Anigu daaradda ayaan dhar ku maydhayaa. Albaabkii ayaa xoog loo garaacay, daam daam daam. Waan naxay, waa ayo, waa’ayo? Ayaan ku dhawaaqayaa. ”Fur fur” ayay leeyihiin albbaaabka. Aabbe, hooyo iyo carruurtii mar ayaa la soo wada booday. Albaabkii ayaan furay. Waa laba gaadhi oo ciidan ah iyo rag tiro ahaan gaadhaya soddon nin, oo badh ay yihiin kuwa albaabka garacaya qaar na baabuurta saaran yihiin. Nimanka wejiyadoodu way qarsoon yihiin, indhaha uun baa muuqda. Mid waliba tuute, qori, iyo kabo qadh ah ayuu sitaa. Hore ayay u soo galeen gurigii. Aabbo kadink ayuu taagan yahay wuxuu ku soo kacay sanqadhii albaabka. Wuu feedha qaawan yahay, macawis ayuu sitaa.
Aamina Cabdillaahi Axmed336x336Laba nin ayaa aabe gacanta qabtay, iyaga oo aan waxba waydiin. Aabe wuxu yidhi; “Nin miskiina oo xanuunsan baan ahaye maxaad iga rabtaan?” Waxay yidhaahdeen; “Xanuunkaagu nama khuseeyo, cidina kuwaydiin mayso waxad doonayso. Waxad ka mid tahay saacaddaa laga bilaabo askarta u dagaalamaysa, xarakada Alshabbaab. Aabe wuxuu yidhi; “Waan xannuunsanayaa, macaan iyo dhiigkar ayaan qaba ma dagaal geli karo.” Nin halkan taagan baa dhirbaaxo qaaday oo wejiga kaga dhuftay aabbo. Nin kale oo halkan taagan baa yidhi; ”Waar waa murti sirta u ururiya Kenya iyo Itoobiya ee aynu dilno ninka.” Waanu wadda barooranay, markaanu hadalka maqalay.  ”Aabbo wuu idin raacayaa ee ha dilina” ayaanu ku nidhi nimankii. Hus, aamusa! Gala guriga dhammaantiin oo xerooda ayey nagu yidhaahdeen. Waanu diidnay laakiin qori dabadii ayay na la dhaceen, xoog bay nagu muquuniyeen, dusha ayay nagaga xidheen albaabkii.
Daaqadii ayaanu furay, labaatan nin ayaa laba dibleeyay aabbo. Labada lugood iyo labada gacmood ba way ka xidheen. Shan nin ayaa baaskoolado la soo baxay. Aabbo wuu ashahaadanayaa, baroortii iyo ilintii way naga dhammaatay, hooyo way dhacday, oo miyir beeshay. Waa hooyo jilicsan oo xaamilo ah. Dhinac bay is kala taageen baaskooladihii, mar ayay baas wadda mariyeen, oo maddaxa ayay kala eegteen. Way iska baxeen, oo gawaadhidoodii raaceen. Albaabkii dusha ayuu nagaga xidhan yahay. Dhiiggii aabbo wuu soo dareeray, isaga oo qulqulaya ayuu daaradda marayaa. Xaafadaha jaarku way maqlayeen wixii dhacay, laakiin awood malaha ay noogu soo gurmadaan. Laakiin markii ay tageen bay noo yimaaddeen, albaabkii na ay naga fureen. Aabbo waa laysugu yimi waa la aasay. Hooyo xaaladdeedii way ka sii dartay, may miyirsan, dhakhtarka ayaa loo qaaday. Digtoorki wuxu yidhi; “Dhiigkar ayaa ku soo booday ilmaha caloosheeda ku jirana waa mayd, qaliin baa lagu sameeyay.” Alxamdulillaah, haddii aanay iyaduna naga dhiman.
Isla bil ka bacdi, ayay Alshabbaab nagu soo noqotay. Habeen saqdhexe ayay noo yimaaddeen annaga oo sidii u murugaysan oo weli tacsidii aabbahay taalo. Hooyo ayaa ka furtay albaabkii. Waxay ku yidhaahdeen: “Soo saar gabadhaadii, mujaahid baa guursanayee.” Hooyo in taanay jawaab u celin, ayaan soo booday, markaan hadalka maqlay. ”Inna mariya” ayaan idhi “diyaar baan idiin ahaye.” Runtii waxan ka fikiray dhimashadii aabbahay nalagu hordilay iyo sidii arxandarada ahayd ee loo dilay. Waxan is idhi haddii aad diido, tii aabaha ku dhacday ayaa hooyadaana ku dhici oo qoyskiina oo dhan idinku wada dhici doonta. Waxan diidaayay dhibka soo gaadhaya, hooyo, iyo carruurta. Anigu nolol ma filanayo laakiin waxaan is leeyahay meelaha ha kugu soo dilaan, naxdinta iyo huqda kala dultag xaafadda.
”Hooyo, habeen wanaagsan hay werwerin waxba ima gaadhayaane”, ayaan ku idhi. Labada dhaban ayaan ka dhunkaday hooyo. Ilmadii ka soo daadanaysay wejigeedoo dhan bay qoysay. Murugo iyo naxdin waynaa! Haddana waan calool adaygay, askartii waan raacay. Gaadhiga ay wataan waa tikniko, dusha ayay i saareen, labada indhoodna way iga xidheen. Markaa anigu waxan qoondaystay geeri, naxdintii way iga soo dhamaatay, hoostaan ka ashahaadanayaa. Cabbaar markii gaadhigii socday, ayuu meel istaagay. Maradii wejiga laygaga xidhay baa layga furay, waxan indhaha ku soo kala qaaday meel dayr wayn ah, oo guri yari ka dhisan yahay. Gudaha ayaa hore la ii galiyey. Askar badan oo weji daboolani ayaa ka buuxda, waxa yaalla hub, iyo afar gaadhi oo kuwa dagaalka ah. Waxa lay geeyay qol yar oo ay ka buuxaan, wax yaalo kiimiko ah. Wax dumar ah goobta kuma arko.
Cabaar ka bacdi waxaan maqlay qaylo dumar, gabadh leh “Is qarrxin-maayo”, haddana leh “Shaabuugga iga daayaa.” Waar hayaay! Tii naf ahayd baa isugu kay timi, goormaa laguu iman baan is leeyahay.  Aniga oo niyaddaydii la shawraya, ayaa waxa ii soo galay nin gaaban oo madow oo dirays xidhan, laakiin wejigiisu furan yahay. Wax huba ma sito. Wuxuu ku fadhiistay jirikaan biyo ku jiraan. Anigu waxaan fadhiya dhulka, waayo guriga meeli kama bannaana, alaab ayaa taalla.
Wuxuu hadal igaga bilaabay “Naa murtiyad ayaad tahay. In aannu ku soo xorayno waa waajibkayaga. Kumana dilayno laakiin waan ku guursanayaa.” “Haye, haye, naa hadal maxad ka qabtaa?” Horta farxad baan dareemay, markii uu yidhi kuma dilayno. ”Diyaar ayaan u ahay inaad i guursato waan ku farxsanahay runtii.” Ayaan degdeg ugu jawaabay. ”Laakiin gabadheey mid ayaan kaa illaaway”, buu igu yidhi. Haddana waan naxay markii uu kelmaddaa igu yidhi. Hadalkii kamaan sugine, si deg-dega ayaan ugu jawaabay; “Mujaahid maxaad iga illowday, diyaar baan u ahay ii sheeg?” Hoos taasta ayaan ka leeyahay “naftu macaanaa?.” Muuxu ku odhan doonaa? Waan sugi kari la’ ahay inta kelmaddu afkiisa ka soo baxayso. Mar qudha ayuu wuxuu yidhi; “Aabbahaa wuxuu ahaa murtid basaas u ah Kiiniya iyo Itoobiya. Laakiin aabbahaa maanta ma noola, booskii uu ugu jiray waddamadaa adigaa ayaa buuxiyay.” Qaylo ayaan afka furtay. ”Aabahay miskiin ayuu ahaa aad ku gefteen, aakhiro ayaa la idinka jari doonaa waxaad ku samayseen.” Dhirbaaxo ayuu qaaday oo uu labada indhood igaga jiiday. Wuu iga baxay, cabbaar ka bacdii ayaa waxaa iyimi lix nin oo weji duuban, oo shaabuugyo gacanta ku sita.
”Kac naayaa, kac murtidad yahay.” Gacanta ayay i soo jiideen oo dibadda ayay ii soo saareen. Way i kaxeeyeen, waxay i geeyeen meel hogag yari ka qodan yihiin. Waxa goobta ku yaalla geed dheer oo xadhko bunji ah ku xidhxidhan yihiin oo kuwa dadka lagu dedelo ah. Naftu xanuun badana waan kurbanayaa, dhidid baa i qooyay. Laba nimankii ka mid ah ayaa hoggii ka soo saaray xadhig dheer oo bunjiya. Waxan xidhanahay xijaab dheer sharabaado. Geed hoostii ayay jiifso igu dheheen. Waxay isku khilaafeen xijaabkii aan xidhnaa. Halka kuwo dheheen xijaabka ha laga saaro, oo shaabuugga ha lagu garaco kuwo kalena ay dheheen xijaabkeedaynu ku garaacaynaa. Waxay u tageen hoggaamiyahoodii. Waxay waydiiyeen arrinka ay isku khilaafeen, wuxuuna u sheegay in xijaabka laygu garaaco. Waxay iga xidheen lugaha iyo gacmaha, labaatan shaabuug ayay ila dheeceen. Waan miyir doonsaday, xanuun badan awgii. Way iqaadeen. Waxay i geeyeen guri, aniga oo koomo ku jira. Habeen dhan ayaan koomo ku jiray. Subaxdii dambe ayaan miyirsaday. Jiidhkii wuu i bararay, meelaha qaar diirkii ayaa ka qaadmay. Wax kaalmo oo dawo ah la ima siin, caano iyo biyo ayay mooyee. Isla markiiba waxa ii yimi ninkii guurka iga doonaayey. Wuxuu igu yidhi” ”Imminka ayaad xalaal tahay oo aan ku guursanayaa. Waayo markii hore murtidad baad ahayd.” Waxan ku idhi; ”Dhaawac ayaan ahaye dib u dhig guurka.” Wuu iga diiday. wuxuu u yeedhay mid sheekh ka dhigayo, kii ayaa meher xaarana igu meheriyay.
Saddex habeen markaanu wada joognay, oo aan sidii u xanuunsanahay, ayuu habeen afraadkii  igu yidhi; ”Gobol kale ayaa la ii beddelay, adigana waan ku furay, meherna iguma lihid, waayo, nin mujaahid ah baan ahay oo gaalo la dagaallamaya. Deg deg uga bax goobtani waa xero ciidane.” Waxa aan u sheegay in aanan socon karin ee uu suuqa gaadhi igu geeyo. Waa ay diideen, indhaha inta layga xidhay ayey meel cidlo ah i geeyeen. Galabtii, casarkii gaabnaa, ayaan ka tukubay meeshii, mar waan gur-guurta mar wan yara socdo. Saddexdaa habeen ayaan ku waayey mustaqbalkaygii.
W.Q: Aamina Cabdillaahi Axmed
Hargeysa, Somaliland

 

WorldRemitAds

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.