WorldRemitAds
Dad badan ayaa arrimo sharci ahaan uga baahan ama wakhti yar lagu xidhay kaga jawaaba ficil, sabab u noqda in wixii uu doonayay iyo waxyaabo badan lagu waayo, noloshiisuna isku rogto mid meel ka xun halkii uu taagnaa, inta badana dadkaas waxa ugu wacan cadhada oo ka tan roonaata ka dibna uu naftiisa xukumi kari waayo.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka dalka Talyaaniga sida rasmiga ah ugu faafisa ee lagu magacaabo, (ANSA), Bank ku yaala magaalada Brescia ee waqooyiga dalkaas, ayaa nin toddobaatan jir ku dhow oo ka dalbaday, inay lacag amaahiyaan, ka diiday kuna xidhay shuruudo uu lacagtaas ku heli karo, kuwaas oo sida muuqata ninkaas ku adkaaday ama uu buuxin kari waayey.
Sida wakalaadu sheegtay Banigagan oo lagu magacaabo (Veneto Bank), waxa uu ku gacan saydhay, codsi ninkaasi ku dalbanayay, lacag amaah ah, hasa yeeshee wakhti yar ka dib ayuu ninkaasi baanka la soo galay weel uu ku sito, batrool ka dibna inta uu lacag rasaysnayd dusha kaga shubay ayuu dabna qabadsiiyay.
Xaalada baanka oo dhan ayaa argagax iyo cabsi isu badashay, waxaana shaqaalihii iyo dadkii ku sugnaa mid walba iskii u bilaabay, inuu lafihiisa la cararo, may dhicin wax dedaal ah oo in dabkaas la bakhtiyo cidi ku kacday, xitaa maamulaha baankaas oo ahaa qofka isagu rasmi ahaan ninkaas codsigiisa u diiday, waxa uu miciinsaday inuu dibada uga soo booda oo inta uu wado hor marta baankaas istaagay ku waasho boolis iyo erayo kale.
Ciidamada dab damiska ayaa ku guulaystay in ay bakhtiiyaan oo dabkaas hakiyaan, wallow lacag badan oo Baankaasi lahaa ay ku gubatay, waxa kale oo nasiib wanaag ahayd in aan cidi ku waxyeeloobin dhismuhuna aanu si wayn u guban, sidoo kale waxa la qabtay ninkaas oo xabsiga loo taxaabay, laakiin waxa ay noqotay dhacdo dadka badankiisa ka yaabisa sida ay wakalaaddu ku warantay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.