WorldRemitAds
Raxan daanyeero ah ayaa la wareegay oo qabsaday cusbitaal ku yaala dalka Hindiya, waxaanay ku khasbeen bukaankii, shaqaalihii iyo ilaaladii inay u qaxaan oo ay ka dareeraan cusbitaalkaas.

Daayeeradan oo sida masuuliyiin u hadlay cusbitaalkaasi warbaahinta u sheegeen looga dareeray halkaas ayaa ka faa’iidaystay albaabo elegtaroonig ah oo uu dhakhtarkaasi leeyahay, kuwaas oo marka ay dhaq dhaqaaq dareemaan si iskood ah isku furaya.
Haddaba daanyeerada oo iyagu ah kuwo aad uga caqli badan xayawaanka intooda badan waxay ka faa’iidaysteen albaabadan is furaya, ka dibna waxay iyagoo boqolaal ah gudaha u galeen cusbitaalkaas, oo wixii bukaanku cunto, alaab iyo dawooyin ay haysteen xoog kaga qaateen, waxa kale oo ay jar jareen xadhkihii iyo qalabkii qaliinka ee cusbitaalka.
Sida afhayeen u hadlay cusbitaalkan oo ku yaala caasimada dalkaas ee New Delhi uu sheegay waxay daanyeeradu gabi ahaanba khalkhaliyeen dhakhtarkaas, ka dibna bukaankii ku jiray ayay ku qasbeen inay ka qaxaan.
Qalab kumayaal dollar lagu qiyaasay ayaa sidoo kale burburay. Daanyeerada oo dalka Hindiya laga aamminsan yahay inay yihiin xayawaan barakaysan, ma dilaan dadka Hindida ahi, waxaanay taasi keentay inay si xoog leh ugu tarmaan meel kasta, markii xaaladan jaha-wareerka ahii la soo deristay Cusbitaalkaas ayay masuuliyiinta wasaarada caafimaadku sheegeen inay wadaan qorshe difaac adag loogu samaynayo dhakhtarka oo lagaga badalayo albaabadii is furayay marka ay xarakaadka dareemaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.