WorldRemitAds
Khartoum, Sudan, March 06, 2016 (Saxafi) – Sheekh Xassan Al-Turabi ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Khartoum ee xarunta Dalka Suudaan.

Sheekh Xassan Cabdallaah Al-Turaabi oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu waawayn ee dalka Suudaan iyo guud ahaan waddamada Islaamka, ayaa waxaa uu ku dhashay sanadkii 1932-kii magaalada Kassala ee dalkaasi Suudaan, waxaana uu ku geeriyooday 84 jir. Wadaadkan ayaa la wariyay inuu ka soo jeeday qoys aad ugu dheer diinta.
Siyaasigan, ayaa waxaa lagu tilmaamaa ninkii dejiyay siyaasadda islaamka ee Suudaan, waxaana loo arki jiray maskaxda ka dambeysa in xukunka dalkaasi uu qabsado Madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir, ka dib markii uu taageeray inqilaabkii uu dalka ku qabsaday. Hase ahaatee, markii dambe waa uu ka horyimid madaxweyne Cumar Al-Bashiir, waxaana uu taageeray qaraarkii maxkamadda dembiyada caalamiga, ee ku aadanaa in la soo xidho Al-Bashiir.
Xukuumadda Khartoum ayaa marar kala duwan xidhay mufekerka reer Suudaan ee geeriyooday Sheekh Xasan Al-Turaabi.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.