WorldRemitAds
Baardheere, Somalia, March 6, 2016 (Saxafi) – Magaaladda Baar dheere ee gobolka Gedo ayaa shalay lagu aasay dhowr iyo toban xabo oo miino dhuleed ah, wadooyinka hareeraheedda taas oo lagu beegsanayey ciidamada Amisom ee Itoobiya iyo ciidamada Dawladda Soomaaliya.

Afar iyo tobanka miino ee la aasay ayaa laba iyo toban ka mid ahi qaraxday, waxaanay wax yeelo ka soo gaadhay hal qof oo rayid ah oo ku geeriyooday iyo hal askari oo Amisom ka mid ah oo ku dhaawacmay.
Sidoo kale, waxa la fashiliyey laba ka mid ah afar iyo tobankaasi miino ee wadadda hareerahoodda lagu aasay, haseyeeshee, si rasmiya looma sheegin khasaaraha dhabta ah ee ka soo gaadhay ciidanka AMISOM oo wadadaasi marayey.
Sidoo kale, goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegaya inay Qaraxyada kaddib dhacday rasaas xooggan oo ciidamada AMISOM iyo kooxo kale ay is-dhaafsanayeen, in kastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Qaraxyadan kaddib ayaa waxaa la jaray isgaadhsiinta magaalada oo dhan, iyadoo Hawlgallo ay ka socdaan xaafadaha degmadaas, waxaana qaraxyadan ay noqonayaan kuwii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca degmadaas Baar-dheere.
Qaraxyadan kaddib ayaa waxaa la jaray isgaadhsiinta magaalada oo dhan, iyadoo Hawlgallo ay ka socdaan xaafadaha degmadaas, waxaana qaraxyadan ay noqonayaan kuwii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca degmadaas Baar-dheere.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.