WorldRemitAds
Telefishan laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa barnaamij uu ka diyaariyay ololaha gaalaysiinta ee qaxootiga muslimiinta dalka Jarmalka, si toos ah u baahiyay, barnaamijkaas oo si aan gabasho lahayn u socda, waxaanu telefishanka (ARD), ee dalka Jarmalku sheegay in loo ogolaaday inay ka qayb galaan, xaflado loo qabanayo dad hore muslimiin u ahaa oo kiristaan laga dhigay, lana sheegay inay diinta Masiixiga qaateen.

Sida telefishankani sheegay, ilaa lix boqol oo qaxooti ah ayaa diinta Kiristaanka qaatay, labadii bilood ee sanadkan ugu horaysay oo kaliya, waxaana badankoodu ay ka qayb galaan, xaflado lagu soo dhawaynayo oo si toos ah warbaahintu uga qab gasho, kamarado laga duubo oo ka dibna lagu baahiyo shabakadaha internet-ka.
Xafladii ugu waynayd ee telefishanku intii uu xog ururintan waday ka qayb galay, oo ka dhacday magaalada Hamburg, halkaas oo tobanaan qof oo muslimiinta Shiicada ee dalalka Iran, Afghanistan iyo Pakistan, ka soo jeeda ay si badheedh ah, kamaradaha u soo hor istaageen, ka dibna ay halkaas ka shaaciyeen inay qaateen diinta Kiristaan oo ay ka baxeen diintoodi hore ee Islaamka.
Sida telefishankan barnaamijka Dhokumentary-ga ah ka diyaariyay, baahiyay, nin u dhashay dalka Iran oo lagu magacaabo, Benjamin oo Shan iyo labaatan jir da’diisu tahay ayaa ugu horeeyay, waxaanu ku dhawaaqay inuu qaatay diinta masiixiga, ka dib markii uu ku qancay, iimaankiisana ay si rasmi ah u degtay.
Benyamin ayaa markii uu intaa sheegay ka dib loo dhaqaajiyay, berkad biyo ka buuxaan oo guntiga u qabanaysa, halkaas oo la quusiyay (Muquuriyay), laguna amray inuu biyaha ku dhex neefsado, si iimaanka kiristaanku u dego uurkiisa oo qalbigiisa u galo.
Biyaha la quusiyo qofka cusub ee soo gala diinta Kiristaanka ayaa macnaheedu ka dhigan tahay, in jidh ahaan laga maydhayo wixii uu hore u aaminsanaa, gudaha uurku jirtiisana la gelinayo ruuxda iyo caqiidadiisa cusub, sida warfidiyeenadu sheegeen.
Benjamin ficilkan uu samaynayo iyo ku dhawaaqistiisa inuu Masiixi noqday, ma ahayn wax isaga kali ku ah, balse waxa uu la qabay, boqolaal qof oo kale oo iyaguna saf ugu jiray in baadarigu iimanka cusub ruuxdooda geliyo, kana maydho wixii hore ay u aaminsanaayeen.
In kastoo ay adag tahay, sida loo rumaysan karo in dadkani ay si dhabb ah, Kiristaan u noqdeen, haddana ololaha balaadhan ee kaniisaduhu ku qaadeen dadka qaxootiga ah ee dalka Jarmalka soo magan galay, ayaan ahayn mid hore u dhici jirtay, waxaanay muujinaysaa in dawlada federalka ee dalkaasina raali ka tahay.
Sida uu mid ka mid ah wariyayaashii barnaamijkan diyaariyay sheegay, dadka Shiicada ah ayaa iyagu ah kuwa ugu badan ee kaniisaduhu beegsanayaan, isla markaana ay ku qanceen inay u nugul yihiin diin ka bixista, waxaanay taasi sababtay in kaniisaduhu hawlahooda faafinta diinta Masiixiga ay ku gaar yeelaan, xeryaha qaxootiga, Iran, Pakistan iyo Afghanistan ay ku badan yihiin ama gaarka ku yihiin.
Hasa yeeshee wariyahan ayaa sheegay in markii ay dadka qaatay diinta Masiixiga hoos u waraysteen, ay badankoodu ka sinaayeen laba arrimood oo ay sabab uga dhigayaan ka bixistooda diinta.
Waxaanay kala yihiin, arinta koowaad oo ah, dhibaatooyin loo gaystay iyo dulmi ay ka tirsanayaan, kooxaha Islaamiyiinta ee Suniga u badan, gaar ahaan kuwooda ka soo baro kacay Pakistan iyo Afghanistan oo ku doodaya in dulmi iyo tacadiyo badan loo gaystay.
Xaalada labaad ayaa ah mid aana si cad afka uga sheegayn, laakiin marka aad waydiiso ay ka marag furayaan, taas oo ah, inay doonayaan nolol fiican sidii ay u heli lahaayeen, sharciga Jarmalkuna ugu fududaan lahaa.
Telefishanka ayaa warbixintiisa ku soo gunaanaday, dhibta ay mudan karaan dadkani haddii ay dib ugu noqdaan dalalkoodi, gaar ahaan Iran iyo Afghanistan oo xukunkoodu in qoorta laga jaro oo dil lagu fuliyo noqonayo.
Waxa kale oo telefishanku si wayn u dhaliilay siyaasada dawlada Jarmalka iyo doorka Maxkamada Xuquuqda Aadamiga ee midowga Yurub ku yeelan karaan, dhibaatadan tacadiga ah, inteeda badanina khasab aan rabitaankooda ka soo gu’in yahay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.