WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland December 18, 2016 (Saxafi) – Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul (Laab-Saalax) ayaa eedayn u jeediyay Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee Lacagta mariya Telefoonadda oo uu ku tilmaamay kuwo qayb ka ah sicir bararka.

Xassan Dhuxul waxaa uu sheegay in adeegga Zaad iyo Edahab lagu xareeyay lacagtii adkayd ee ummadda Isla markaana dadka lacagtoodii loogu bedelay Tirooyin.

Laab-Saalax oo ka hadlayay munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen maareeyihii hore ee TV-ga dawladda iyo ka cusubi ayaa waxaa uu yidhi. “Dalkeena waxa ka jira laba dhibaato oo kala duwan oo midi waa dhibaato Alle keen ah oo waa abaaraha, marka Ilaahay ayaynu ugu samraynaa in uu inooga soo gurmado.

SomlegalAds

Dhibaatada labaad ee aan jeclahay in aann ka hadlaa waxa weeye makhsinno ayaa Hargeysa ku yaala, lagu sameeyo numbaro lacago ah, numberaddaas lagu sameeyo ayaa dhex wareega shacabka. Shirkado gaar ah oo madax banaan ayaa leh sida adeega Zaadka ama e-Dahabka oo kale waxa uu ka mid yahay mushkiladda sicir bararka dalkeena, lacagteenii kaashka ahayd hadaad eegtid dalka Nayjeeriya oo laga isticmaalo nidaamka Zaadka iyo dalka Kenya hadaad eegto shirkada MTN, dawlada ayaa lacag damanaad ah (Deposit) ka haysa oo bangiga dhexe Lacag baa ka taalla

Wax alaale wax uga damiin ah oo maanta inooga damiin ah Zaadka ama e-Dahab ma jirto, markaan intaa ka imaado madaxweynaha qaranka waxa aann leeyahay madaxweyne sidaa cashuurtu ugu waajibtay islaanta tamandhada iibisa Zaadkana ha ugu waajiibto. Marka loo baahan yahay in hawadayadii ayay qoladda Zaadku isticmaashaa oo E-dahabku isticmaalaa, markaa waxa loo bahan yahay in dadkan iyo dalkani xaqqii ay lahaayeen laga qaaddo.” Ayuu yidhi.

Waxaana uu ku taliyay in la hello damaanaddaas looga baahan yahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.