WorldRemitAds

“Wax ka jiraa ma jiraan wuxuu [Cirro] sheegay, waxaana ka markhaati ah bishan 21-keedda Waxaa iman doona wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ku xigeenka UN-ta u qaabilsan arrimaha Bina- aadamnimadda”

“Waxa ka wareerisay saaxiibaday waxay arkeen ummadii Somaliland oo gobol gobol ugu soo qulqulaya xisbigii Kulmiye, Taasaa ku riday anfariir..” Cadaanni

Hargeysa, Somaliland, December 18, 2016 (Saxafi)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay eed uu gudoomiyaha golaha Wakiiladdu usoo jeediyey xukuumadda iyo xisbiga taladda haya ee KULMIYE oo uu sheegay in aanay warba ka hayn abaaraha wadanka ka jirta, isla markaaana ku mashquulsan tahay olole siyaasadeed oo ay goboladda ku tageen.

SomlegalAds

 Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaannni ayaa sheegay in xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye si weyn uga hawl galeen abaarihii ka jiray wadanka, isla markaana caalamka usoo bandhigeen xaaladda Abaareed ee wadanka ka jirta,taasina ay keentay buu yidhi in bishan December 21-keedda wefti balaadhan oo ka socda beesha caalamka iyo Qaramadda midoobay wadanka imanayaa si ay uga qaybqaataan abaaraha ka jira.

Sidoo kale, wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in gudoomiyaha golaha Wakiiladda aanay waxba ka jirin eediisa ah in xukuumaddu ka gaabisay abaaraha ka jira, isagoo wasiirku ka hadlaya doorkay ka qaateen abaaraha iyo gurmadka loogu jiro abaaraha waxa uu yidhi “Gudoomiyah baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan oo ka waramay inay xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo ay ka gaabisay abaaraha jirta oo iyagu hawshaasi qabanayaan, waxa yidhaahdeen waxay ku jiraan olole bari iyo galbeed, anigoo ka jawaabay hadalkoodda, waxa madaxweynuhu amray inay u baxaan Qiimeyn hay’adaha NERAD iyo OJA bishii September inay qiimeyn ku soo sameeyaan xaalada Abaarta ee jirta, iyagoo amarka madaxweynaha ka jawaabaya waxay ahaayeen koox 12 hay’adood ka kooban oo ay hogaaminayaan OJA oo xidhiidhinta hay’adaha u qaabilsan ay baxeen September 26-keeddii oo ay muddo bil ah ku maqnaayeen oo ay soo noqdeen Octobar 27-keeddii waxaanay soo qoreen warbixin ay ku sheegeen in hal milyan iyo shan boqol oo kun oo dad ahi ay halis ku jirin haddii aan loo gurman, waxa kale oo madaxweynaha iy wefti uu hogaaminayey oo uu ku jiray gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, wasiiro faro badan oo ay arrintani khuseeyaan, waxaanay ku soo mareen goboladda bariga ee abaartu ku jirto, waxaana la soo eegay gobol walba iyo xaaladdu halka ay marayso, waxaanu madaxweynuhu goobaha uu marayey ugu deeqay laba milyan iyo boqol kun oo doolar oo iskugu jirta cunto, biyo, nafoqo iyo waxyaalo kale oo muhiim ah la gaadhsiiyey dadkaasi, waxa kale oo uu madaxweynuhu xafiiskiisa ku qaabilay hay’adaha caalamiga ah isagoo u bandhigay wixiii ay abaartaasi ku soo arkeen iyo warbixintii hore ee loo soo gudbiyey, waxa iyaguna hawl balaadhan ka galay dhaqaale soo ururinta iyo caawimaddda wakiiladda caalamka u fadhiyoa Somaliland sida Raashiid Gaaruf, safiirka Baashe Cawil ee inoo fadhiya Dubai, Cali Aadan safiirkii inoo fadhiyey UK, Maxamed Warsame oo Jabuuti inoo fadhiyey, kuwaas oo caalamka gaadhsiiyey xaaladda abaareed ee wadanka ka jirta, marka wax laga gaabiyey ma jirtaana illaa maalintii la soo sheegay abaarta ilaa imika hawshaasi ayaa lagu jiraa”

Wasiirku waxa uu sheegay in beesha caalamka ee ay sheegeen inay la shirayaan uu madaxweynuhu hore xafiiskiisa ugu qaabilay, isla markaana u soo bandhigay warbixinaddii abaarta halka ay taagan tahay, waxaanu sheegay in baaqaasi uu madaxweynuhu jeediyey ay sababtay inay bishan 21-keedda imanayaan wefti balaadhan oo beesha caalamka iyo UN-ta ah, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “wadamadda uu sheegay inay la shiraan waa kuwii aanu hore isku aragnay oo qof qof ula kulanay wax ka jiraana ma jiraan waxa uu sheegay, waxaana markhaati ah bishan aynu ku jirno 21-keedda iman doonaan dalka wefti aad u balaadhan, waxaana weftigaasi hogaaminaya ku xigeenka arrimaha xuquuqul aadanaha u qaabilsan qaramadda midoobay oo qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ah, waxa kale oo ku jira toban wadan oo kuwo qaadhaan bixiyeyaasha ah, waxaana u diyaar ah weftigaasi madaxweynihii baaqa u diray iyo wasiiraddii ka hadlayey arintta abaaraha, si ay uga qaybqaadan lahaayeen abaaraha dalka ka jirta”

Cismaan Cadaani ayaa sheegay in xisbiga WADDANI ka anfariiray dadka ku soo qul qulaya xisbiga kulmiye, taasina ay keentay inuu eeddo aan jirin usoo gudbiyo xukuumadda iyo xisbigeedda, waxaanu yidhi“waxa ka wareerisay saaxiibaday waxay arkeen umadii Somaliland oo gobol gobol ugu soo qul qulayaan Mujaahaid Muuse Biici iyo xisbigii kulmiye, marka taas uun ba waxay ku riday anfariir, iyo amakaag iyo qaylo dhaan aan jirin, waxaanay dadku ugu soo qul qulayaan waa xisbi ay hubaan oo uu aasaasay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, maanta uu musharax ka yahay Muuse Biixi Cabdi oo halgan dheer usoo galay wadankan, xukuumadda iyo xisbigeeduna wax ka qabashadda abaaraha wadanka ka jirta kana daali mayso waana mid ay had iyo goor diyaar u tahay inay kaalin weyn ka qaatay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen, dadweynuhu wuuu og yihiin in madaxweynaha iyo xukuumadiisaba la dareemayaan xaaladda ay ku sugan yihiin waxna kala hadheen wax kasta oo ay u qabanayaan.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.