WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 18, 2016 (Saxafi) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay deeq raashin ah gaadhsiisay deegaanka Ilma Daddo oo ka tirsan gobolka Gabiley oo ay ku sugan yihiin in ka badan 1,000 qoys oo kasoo hayaamay abaaraha ka dhacay barriga dalka, kuwaas oo mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa halkaas.

Waftigan wasiirka maaliyadu hogaaminaysay ee halkaas gaadhay ayaa waxa ka mid ahaa maayirka degmadda Gabiley Maxamed-Amiin cumar Cabdi, Badhasaab ku xigeenka gobolkaas Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan hay’adda Khayriya Islaamiya ee dalka Kuwait iyo hay’adda wakiilka u ah ee Zamzam Foundation, kuwaas oo ay wasiir Samsam uga mahadnaqday kaalinta ay ka qaateen abaaraha dalka ka jira.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda marwo Samsam ayaa shalay kormeer kusoo martay cisbitaalka degmadda Tog-wajaale oo lagu dawaynayo qaar ka mid ah dadka kasoo hayaamay abaaraha barriga dalka ka dhacay, taas oo sheegtay inay ka xukuumad ahaan diyaar u yihiin in wax loo qabto dadkaas, waxaanay ku dooday inay arrimahaas kala shaqayn doonto madaxda wasaaradda caafimaadka Somaliland.

SomlegalAds

15577744_10211555312708784_1254366525_nUgu horayna iyadoo wasiir Samsam Cabdi Aadan ka hadlaysa deeqda la gaadhsiiyey dadka ka soo hayaamay barriga dalka, waxay hadalkeeda ku bilawday “Ugu horayn Ilaahay baa mahad oo dhan u sugnaatay, marka xiga waxaan u mahadnaqaynaa Hay’adda Khayriya Islaamiya ee dalka Kuwait iyo hay’adda Zamzam Foundation ee wakiilka u ah ee la soo mariyo deeqaha noocan oo kale, waxaanu leenahay Ilaahay ha idinka jazaa’i siiyo. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa maamulka gobolka Gabiley ee ay imika inagala joogaan Maayarkii, Badhasaab ku xigeenkii, xoghayihii iyo xubno ka mid ah guddida abaaruhu, kuwaas oo aan uga mahadnaqayo sida ay iskugu hawleen soo dhawaynta dadkeenan. Waxaan kale oo aan jeclahay inaan iyagana mahadnaq iyo bogaadin halkan uga dirro shacbiga deegaanka gobolka Gabiley oo iyaguna sida aynu ognahay gobonimo badan sameeyey kuwaas oo beerihii u furay dadkan abaartu keentay halkan oo meesha ka saaray lexejecladii lagu yaqaanay beeralayda ee xoolihii ay wataan dadkeenan abaarta kasoo hayaamay u furay albaabada beerahooda, runtii waa habdhaqan wanaagsan oo gobonimo badani ka muuqato”. Marwso Samsam Cabdi Aadan iyadoo hadalkeeda sii wata, waxay intaasi raacisay “Dadka deegaanka Ilma Daddo loogu qaybinayo deeqdan raashinka ah waa muwaadiniin kasoo hayaamay deegaamo kala duwan oo ay ka mid yihiin Togdheer, Oog, Bali-gubadle iyo Salaxlay, waana dad kasoo hayaamay abaarta xoogan ee ku habsatay deegaanada barriga Somaliland, run ahaantii waa waajib ina wada saaran inaynu dhamaanteen u gurmano dadkeena dhibaataysan, waxaana ka xukuumad ahaan mar walba naga go’an in waxkasta oo suurta gal ah lala qabto dadkeena, waxaanu Madaxwaynaha Somaliland sidaan marmar badan oo hore u sheegay nagu amray in loo gurmado dadkan oo waxkasta oo macquul ah oo awoodu saamaxayso loo qabto, markaa waxaynu Ilaahay ka baryeynaa inuu inoo shubo raxmadiisa taas ayuun baa lagu oon iyo haraadba bixi karaaye, Ilaahay ayeynu ka baryeynaa raxmadiisa”.

Maayarka Gobilay Maxamed-Amiin cumar Cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyey xaaladaha ay ku sugan yihiin dadkaas, isagoo arrimahaasi ka hadlayana,waxa hadaladiiisii ka mid ahaa “Waxaynu Ilaahay ka baryeynaa inoogu naxariisto isku gargaarida iyo isku naxariisashada aynu u naxariisano dadkeena jilicdasan, imika waad aragtaa oo halkan waxa inala jooga dad badan oo walaaladeen ah oo kasoo hayaamay deegaanadii barriga dalka ee abaaruhu ku habsadeen, runtii dadka reer Gabiley waxay sameeyeen gobonimo badan oo si fiican bay usoo dhaweeyeen dadkan walaalahood ah, waxaanan xaqiiqa ah inay waajib inagu tahay inaynu si hagar la’aan ah u barbar joogsano oo aynaan ka hagranin wixii karaankeena ah”.

Maayar Maxamed-Amiin isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyagu marwalba u heelan wax u qabashadda dadka abaaruhu haleeleen min barri ilaa galbeed, waxaanan ogayn sidii ay Wasiir Samsam ilaa abaarihii hore ee galbeedka ilaa abaarta imika ka taagan barrig dalka sidii hagar la’aanta ahayd ee ay marwalba xilka iskaga saaraysay inay waxkasta oo suurta-gal ah gaadhsiiso dadkaa, wasiiradda maaliyadddana waxaan leeyahay Ilaahay miisaanka xasanaadka ha kuugu darro oo ha kaa jazaa’i siiyo. Waxa kale oo iyagana aan halkan uga mahadnaqayaa Khayriya Islaamiya ee dalka Kuwait iyo hay’adda ay deeqdan soo marisay ee wakiilka u ah ee Zamzam Foundation oo iyagana uga mahaqnaqayno deeqdan ay dadkan u baahan soo gaadhsiisay”.

Waxa iyaduna halkaas ka hadashay Kawsar Cabdilaahi oo ka timid deegaanka Xaaxi ee gobolka Daadmadheedh, taas oo ka mid ah dadka abaaraha barriga kasoo hayaamay, iyadoo dareenkeeda ka hadlaysana, waxay tidhi “Waxaanu deegaanka Xaaxi kaga nimid intaan ogahay ilaa 4 qoys, waxa kale oo jira dad kale oo iyaguna deegaamo kale oo Gabiley ka tirsan soo gaadhay oo Xaaxi ka yimid oo aan halkan nala joogin balse deegaamo nagu dhawdhaw oo gobolka Gabiley ka tirsan la dajiyey, adigu waanu u mahadnaqaynaa hay’adaha deeqda raashinka ah noo keenay iyo wasiirka maaliyadda marwo Samsam oo iyaduna marwalba aanu aragno iyadoo u cararaysa inay dadka u qabato, anaguna waxaanu islahayn uun tolow goormay idiin iman doontaa, Alxamdulilaah maanta ayey na soo gaadhay, waananu u mahadnaqaynaa”.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Badhasaab ku xigeenka Gabiley Cali Case, Maxamed Cago-wayne oo ka tirsan madaxda sare ee hay’adda Zamzam Foundation iyo masuul ku hadlayey magaca hay’adda Khayriya Islaamiya ee dalka Kuwait, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday xaalada ay ku sugan yihiin in ka badan Kunka qoys oo ka kala yimid deegaamo kala duwan oo wakhtigan degen deegaanka Ima Daddo, kuwaas oo halkaas loogu qaybiyey shalay deeqdaas ay gaadhsiisay wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan.

Intaa ka dib Wasiir Samsam ayaa kormeer kusoo martay Cisbitaalka magaaladdda Wajaale oo lagula tacaalayo dad badan oo bukaan ah oo ka mid ah dadka abaaraha barriga dalka kasoo hayaamay, taas oo halkaas warbixino kaga dhagaysatay Agaasimaha cisbitaalkaasi oo sheegay inay la tacaalayaan dad bukaanoa ah oo u baahan gargaar caafimaad, waxaanu halkaas uga mahadnaqay wasiirka maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu tibaaxay inay marwalba barbar taagan tahay, waxbadan kala qabatay baahiyaha ka jira dhakhtarkaasi. Waxa kale oo ay wasiir Samsam Cabdi Aadan soo kormeertay dhisme ay wasaaradda maaliyadu ka dhisanayso magaaladda Tog-wajaale, kaas oo gabo-gabo ku dhaw.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.